Axmed Xasan Caddow (Axmed Daaci) Guddoomiyihii hore ee degmada Wadajir ayaa markii ugu horeysay la hadlay Saxaafadda, isagoona sheegay in xarigiisa ay ka dambeeyeen kooxo uu ku tilmaamay inaysan weligood wax xirin.

Waxa uu sheegay Guddoomiyihii hore ee degmada Wadajir in kursiga jagooyinka Dowladda uu yahay garoob oo mar walba qofkii loo dhiibo qof kale uga horeeyay, loona baahan yahay in lagu maamulo habka wanaagsan iyo ilaalinta dastuurka dalka u yaala.
"Waxaa i xiray dad aan weligood wax xirin, waxaana ku baaqayaa in maseyrka la iska dhaafo" ayuu yiri Axmed Daaci oo sheegay in qaar ka mid ah madaxda Dowladda Federaalka ay ku dhaqmayaan falal ka baxsan nidaamka dowliga ah.
Dhinaca kale Axmed Xasan Caddow Axmed Daaci ayaa sheegay in maamulkiisii hore uu weli wado howlo nabadeyn ah, isla markaana waxa uu ugu baaqay dhammaanba shacabka degan magaalada Muqdisho gaar ahaan shacabka degmada Wadajir inay ka shaqeynayaan nabadda.
"Qaxootigii horay dalkaan uga qaxay ayaa lagu jiraa sidii loo soo celin lahaa, mana ahan inaan dalkeena uga qaxno dagaal mar kale ka dhaca" ayuu yiri Axmed Daaci oo sheegay dhinaca kale ku booriyay xubnaha u matalaya hay'adaha Dowladda inay qaataan doorkooda ku aadan sidii ay dowladda dhexe uga soo dhicin lahaayeen xaqa ay u leeyihiin dadka degmada Wadajir inay ka helaan Xukuumadda Federaalka.
Axmed Daaci: "Waxaa i xiray dad aan weligood wax xirin, waxaana ku baaqayaa in maseyrka la iska dhaafo"