Arsenal ayaa gurigeeda ku sugeysa caawa fiidkii kooxda ay sida weyn u xafiiltamaan ee ka dhisan waqooyiga Magaalada London Tottenham Hotspur kuwaas oo raadinaya guushii ugu horeysay tan iyo November 2010.
Arsenal ayaa gurigeeda ku sugeysa caawa fiidkii kooxda ay sida weyn u xafiiltamaan ee ka dhisan waqooyiga Magaalada London Tottenham Hotspur kuwaas oo raadinaya guushii ugu horeysay tan iyo November 2010.
Spurs ayaa u ciil qabta ineey guul ku gaarto garoonka Emirates ku garacan Arsenal, waxaana ay sidoo kale hal jeer oo qura ku garaaceen Arsenal gurigeeda tan iyo 1993.
Spurs iyo Gunners waxaa u dhaxeeya farqi laba dhibcood ah inkastoo masaafo ahaan ay kala fog yahiin kala sareynta horyaalka madama Arsenal ay ku jirto booska 4-aad halka Tottenham ay ku jirto booska 9-aad.
Adebayor ayaa wajahaya kooxdiisii hore iyadoo sidoo kale Pochettino uu markii ugu horeysay maamuli doono Spurs kulanka North London Derby ee maanta la filayo inuu qabsoomo. iyadoo kulankaan uu yahay midka ugu horeeya ay labadaan kooxood is arkayaan xili ciyaareedkaaan.
Arsenal vs Tottenham
Garoonka: Emirates Stadium
Garsoore: Michael Oliver
Waqtiga : 7:30 Fiidnimo (Xiliga Geeska Afrika
MAXAA CUSUB
Sanogo, Debuchy, Giroud, Walcott iyo Gnabry ayaa dhamaan seegi doona kulnkaan kuwaas oo dhaawac ah. Nacho Monreal ayaa tababarka dib ugu soo laabtay lagana yaabo inuu ciyaaro. sidoo kale Mertesacker iyo Gibbs ayaa iyaguna diyaar u ah oo tababar qaatay.
Dhanka kale kaliya Kyle Walker ayey ka walwalsan yahiin Tottenham Hotspur kaas oo dhaawac qaliin ah uu soo gaaray bishaan.
MA OGTAHAY
Waa kulankii 179-aad oo ay labadaan kooxood is arkayaan taariikhda, waana laba kooxood oo isku dhaw deegaan ahaan.
Iyadoo 9-kii kulan ee ka horeeyay sadexdii kulan ee ugu dambeysay London derby ay iska dhaliyeen labada kooxood ugu yaraan min sadex gool, halka sadexdii kulan ee ay ciyaareen xili ciyaareedkii lasoo dhaafay uu isku darkooda noqonayay 4-gool.
Xili ciyaareedkii lasoo dhaafay Arsenal ayaa labadii kulan badisay, waana markii ugu horeysay oo ay hal koox awood sheegato labada kulan hal xili ciayareed taariikhda Premier League.
178-kulan oo ay labada kooxood kulmeen, waxey iska dhaliyeen 518-gool.
27-kii September 1975-tii ayaa kulanka labadaan kooxood lagu tilmaamay inuu yahay (Kulanka darbiga ah ee waqooyiga London) wuxuuna kulankaas kusoo idlaaday 0-0.
LINE UPKA MACQUULKA AH:
Arsenal: Szczesny, Chambers, Mertesacker, Koscielny, Monreal, Arteta, Ramsey, Cazorla, Ozil, Sanchez, Welbeck
Spurs: Lloris, Dier, Kaboul, Chiriches, Rose, Capoue, Dembele, Chadli,
Eriksen, Lamela, Adebayor.
Kooxaha Arsenal iyo Tottenham oo caawa isku arkaya ciyaar xiiso badan
Arsenal ayaa gurigeeda ku sugeysa caawa fiidkii kooxda ay sida weyn u xafiiltamaan ee ka dhisan waqooyiga Magaalada London Tottenham Hotspur kuwaas oo raadinaya guushii ugu horeysay tan iyo November 2010.