Waxaa la xaqiijyay khilaafka cusub ee soo kala dhex galay Madaxweynaha Soomaliya Prof. Hassan Sheikh Mohamoud iyo Ra'iisul Wasaarihiisa Dr. Abdiweli Sheikh Ahmed, inuu khilaafkaan cusub salka ku haayo, Ra'iisul Wasaaraha oo isku shaandeyn gaaban ku sameeyey xubno ka mid ah golaha wasiirada, asagoon Ra'iisul Wasaaruhu kala tashan madaxweynaha Jamhuuriyada.
Dadka siyaasada Soomaaliya isha ku haaya, waxay aaminsan yihiin inuu Ra'iisul Wasaaruhu dhowr jeer baal-maray qodobo dastuuri ah iyo habka wada shaqeynta Ra'iisul Wasaaraha iyo Madaxweynihiisa.
Sida ay xaqiijinaayaan ilo-wareedyo lagu kalsoonaa karaayo, Ra'iisul Wasaare Abdiweli Sh. Ahmed, wuxuu dhawr jeer baal-maray qodobo dastuuri ah iyo habka wada shaqeynta dowladnimo, asagoo Ra'iisul Wasaaruhu uu dhowr jeer si isdaba joog ah u soo saaaray go'aano tash-wiish ku abuuraaya geedi-socodka dowladnimo iyo wada shaqeynta hay'adaha dawliga ah, ha yeeshee, la ogaaday inuu Madaxweyne Prof. Hassan Sh. Mohamoud, asagoo eegaaya danta guud ee dalka iyo dadkaba uu u dulqaatay talaabooyinkaas qalafsan oo xad-gudub ku ahaay awoodaha dawliga ah, kan madaxweynaha iyo kan dastuurkaba.
Shacabka Soomaaliyeed oo intiisa badan dhowaanahaan usoo iftiimaysay, dowlad dalka oo dhan hanan doonta bilaha soo socda iyo shido kabax, waxay aad uga wal-walsan yihiin khilaafkaan cusub oo ka dhashay isku shaandhayn kooban oo uu Ra'iisul Wasaare Abdiweli ku sameeyay xubno ka tirsan golaha Wasiirada taariikhdu markay aheyd Oktoober 25, 2014 iyo Madaxweynaha dalka oo yiri waxba kama jiraan isku shaandheyntaas, maadaama aanan loo marin sida uu qoraayo dastuurka KMG ee uu dalku leeyahay.
Shacabka Soomaaliyeed, asagoo maanka ku haaya mah-maahda dheheysa " biyo meesha godan ayay isugu yimaadiin", ayay isweydiinayaan haddii khilaafkan loo gudbiyo Baarlamaanka FS, ma wuxuu mudnaanta koowaad siin doonaa inuu dalka ka ilaaliyo in uusan gelin khal-kal siyaasadeed ( political crisis) mise wuxuu mudnanta koowaad siin doonaa wixii lagu xaman jiray oo aheyd khilaaf Madaxweyne iyo Ra'iisul Wasaare " beertaaydi oo bax-daan dhahaa?".
Iyadoo doodu taagan tahay maxaa Dikareetada keenay?, Ilaheeyow dalkaan iyo dadkiisaba dhibaatooyin wey ka daaleene badbaadi.
Ex- Xildh. Mohamoud Ghedi Aw Hilowle
Xilqaad12@hotmail.com
Mogadishu, Somaliya.
M. GHEDI: "Iyadoo doodu taagan tahay maxaa dikareetada keenay?!!"
Waxaa la xaqiijyay khilaafka cusub ee soo kala dhex galay Madaxweynaha Soomaliya Prof. Hassan Sheikh Mohamoud iyo Ra'iisul Wasaarihiisa Dr. Abdiweli Sheikh Ahmed, inuu khilaafkaan cusub salka ku haayo, Ra'iisul Wasaaraha oo isku shaandeyn g