Mooshin ka dhan ah Ra'iisal Wasaare C/Weli oo si xowli leh uga socda magaalada Muqdisho

0
Wednesday October 29, 2014 - 09:00:34 in Wararka by
  • Visits: 1262
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mooshin ka dhan ah Ra'iisal Wasaare C/Weli oo si xowli leh uga socda magaalada Muqdisho

    Qorshahaan xilka looga ridayo Ra'iisal Wasaare C/Weli oo daaha gadaashiisa uu ka maamulayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubno ka tirsan Dowladda oo ka tirsan garabka Madaxweynaha, iyadoo xalay Hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho ay ka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qorshahaan xilka looga ridayo Ra'iisal Wasaare C/Weli oo daaha gadaashiisa uu ka maamulayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubno ka tirsan Dowladda oo ka tirsan garabka Madaxweynaha, iyadoo xalay Hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho ay ka socdeen is urursiga Mudanayaasha Golaha baarlamaanka.
Waxaa sii kordhaya Xildhibaanada ka qeyb qaadanaya mooshin ka dhanka ah Ra'iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka C/Weli Sheekh Axmed, kuwaasi oo iyagu diyaarinaya mooshin ay hor geynayaan Golaha Baarlamaanka si uu codka kalsoonida ugu qaado Ra'iisal Wasaaraha.

Xubnaha ugu cadcad ee garabka Madaxweynaha oo isugu jira madax hore iyo kuwo hadda xilal ka haya Dowladda Federaalka isla markaana asaas u ah khilaafyada madaxda sare ee Dowladda ayaa iyagu door firfircoon ku leh in la rido Ra'iisal Wasaare C/Weli Sheekh Axmed.

Wararka ayaa sheegaya in xafiiska Ra'iisal Wasaaraha ay ka socdaan dhaqdhaqaaqyo ka dhan ah Madaxweyne Xasan Sheekh, iyadoo Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka iyo Golaha Wasiirada ay wadaan mooshin ka dhan ah Madaxweynaha.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip