Siyaaraddii 21-aad ee Sheekh Cali Cabdulle oo Muqdisho lagu soo gabagabeeyay iyo wacdaro layaab leh oo halkaasi ka dhacay + Sawirro

0
Thursday October 30, 2014 - 14:06:48 in Wararka by
  • Visits: 1843
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaaraddii 21-aad ee Sheekh Cali Cabdulle oo Muqdisho lagu soo gabagabeeyay iyo wacdaro layaab leh oo halkaasi ka dhacay + Sawirro

    Siyaaradii 21-aad ee Shiikh Cali Cabdulle Cumar ayaa maanta si rasmi ahaan ah loogu soo gabagabeeyay Magaladda Muqdisho, iyadoo siyaaradaan ay soo bilaabatay 4-tii bishaan Sanadka cusub ee Hijriyadda Islaamka 1436, ee Bisha Muxaram oo ah Bil ay ka bu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaaradii 21-aad ee Shiikh Cali Cabdulle Cumar ayaa maanta si rasmi ahaan ah loogu soo gabagabeeyay Magaladda Muqdisho, iyadoo siyaaradaan ay soo bilaabatay 4-tii bishaan Sanadka cusub ee Hijriyadda Islaamka 1436, ee Bisha Muxaram oo ah Bil ay ka buuxaan Khayr badan islamarkaan waa Bisha la bixiyo Zakada.
Siyaaradan ayaa waxaa ka qeybqaadanayay Culumaa'udiin badan oo ka kala socday daafaha magaaladda Muqdisho iyo goboladda iyo degmooyinka Dalka Soomaaliya:

Siyaaradaan oo soconeysay muddo 4 biri ah ayaa waxaa intii ay soctay Columaa'udiinka Soomaaliyeed ay ku soo bandjigeen Digri, wacdi iyo Muxaadarooyin ay dadka ku wacyegelinaayeen, iyadoo ka qeybgalayaashuna ku jireen safaf dhaadheer si ay u dhageystaan wacyegelinta iyo ducooyinka ay soo jeedinaayeen culimadda Soomaaliyeed.

Dariiqooyinka kala duwan ee siyaradda qeybata ka ahaa ayaa waxaa ka mid ahaa Dariiqadda qaadiriya, Dariiqada Axmadiya, dariiqadda Saalixiya iyo dariiqadda Maktuumiya iyo dariiqooyin kale ee suufiyada ah.

Boqolaalkii dad ee ka qeyb galay siyaradaasi ayaa waxaa kaloo ay soo bandhigeen ducooyin ay dadka Soomaliyeed ugu duceynaayeen in uu dhibatadda Ilaah ka dulqaado, nabad waartana Alla siiyo, sidoo kalna uu dalka iyo dadka nabad Ilaah ku soo dabaalo wixii dhibato ahna in Alah ka dulqaado umadda Soomaaliyeed uu Ilaah siiyo raxmad roob ay ku caana maalaan si ay uga nabadgalaan:

Gabagabadii ayaa waxaa dadkii ka qeyb galay sidaas oo kale halkaasi uga duceeyay Sheekh Jire Sheekh Cali Cabdulle Cumar oo ah wiilka uu dhalay Sheekha isagoo umadda Soomaliyeed Ilaah uga baryay in uu u dibmi dhaafo, wixii xumaan ahna Ilaah ka leexiyo, quluubtooduna Ilaah isku soo dumo si ay u helaan raxmadd iyo raali ahaanshaha Allaha weyn wuxuuna si gaar ah uga mahadceliyay intii gacanta ka geysatay qabashadda siyaaradda 21-aad ee Sheekh Cali Cabdulle iyo intii ka soo qeeyb gashay, wuxuuna u baryay in Ummadda Soomaliyeed Ilaah siiyo dimbi dhaaf iyo caafimaad taam ah.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip