Mid kamid ah macalimiinta K/Cagta Talyaaniga oo ciyaaraha ka fariistay

0
Sunday November 02, 2014 - 21:21:09 in Sports by
  • Visits: 1627
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mid kamid ah macalimiinta K/Cagta Talyaaniga oo ciyaaraha ka fariistay

    Macalinkii hore ee Xulka qaranka Talyaaniga iyo kooxda Juventus Marcello Lippi ayaa Maanta ku dhawaaqay in uu soo gaba gabeynayo shaqada maadaama sida uu yiri da ahaan uu aad u gaboobey.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Macalinkii hore ee Xulka qaranka Talyaaniga iyo kooxda Juventus Marcello Lippi ayaa Maanta ku dhawaaqay in uu soo gaba gabeynayo shaqada maadaama sida uu yiri da ahaan uu aad u gaboobey.
Macalin Marcello Lippi oo hada ah Macalinka layliya kooxda dalka Shiinaha ee Guangzhou Evergrande oo uu u qaaday 3 Horyaal oo isku xigta isla markaana waxa uu gaarsiiyey Naadigaas Guulo muhiim ah.

Marcello Lippi oo hada 66 jir ah ayaa Maanta waxa uu Saxaafada u sheegey in marka uu dhamaado Xiliga Horyaalka Shiinaha uu isaga fariisan doono shaqada waxaanan u sheegayaa ayuu yiri Maamulka kooxda "Guangzhou Evergrande in ay raadsadaan Macalin kale waayo waxaa iga daba timid da da mana doonayo in aan shaqada siiwado ayuu yiri Macalinkaan oo kamid ahaa Macalimiinta layiraaho kuwa casriga kadhigay kubada cagta.

Hadalka Macalinkaan ayaa kusoo beegmaya xili uu xalay u qaaday Naadiga dalka shiinaha Horyaalkii 3 aad ee isku xiga waxa uuna uga dhawaaqay katagista kooxdiisa iyo kafariisashada kubada cagta isla Garoonkii uu kuqaaday Horyaalka.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip