Madaxweynaha Jubbaland oo u Safray mid kamid ah Caasimadaha M/goboleedyada dalka

0
Saturday October 20, 2018 - 12:01:31 in Wararka by Warsheekh Muqdisho
  • Visits: 1218
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Jubbaland oo u Safray mid kamid ah Caasimadaha M/goboleedyada dalka

    Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa goordhow ka ambabaxay Garoonka diyaaradaha Magaalada Kismaayo,iyagoo kusii jeeda Magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulka Puntland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa goordhow ka ambabaxay Garoonka diyaaradaha Magaalada Kismaayo,iyagoo kusii jeeda Magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulka Puntland.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa Magaalada Garoowe waxa uu kaga qeyb geli doonaa Shirka Madasha Iskaashiga dowlad-goboleedyad dalka oo markii afraad ka furmi dooona Magaalada Garawe.

Waxaa hadda Magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulka Puntland ka socoto qaban-qaabada soo dhawaynta Madaxda dowlad-goboleedyada dalka ,iyadoona dhawaan la filayo in uu halkaasi ka furmo shirkaa madashada Iskaashiga dowlad-goboleedyada dalka, kaas oo looga hadli doono Siyaasadda guud ee dalka, iyo Hiigsiga doorashada 2020.

Ammaanka Magaalada Garoowe ayaa aad loo adkeyay,waxaana Wadooyinka qaar saakay la dhigay Ciidamo Boolis ah oo ka tirsan kuwa Puntland.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip