Xiriirka Karateyga iyo Takewanduga Soomaaliya oo shirka sanadlaha ku yeeshay Muqdisho

0
Tuesday November 04, 2014 - 10:40:28 in Wararka by
  • Visits: 1645
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xiriirka Karateyga iyo Takewanduga Soomaaliya oo shirka sanadlaha ku yeeshay Muqdisho

    Guddoomiyaha xiriirka ayaa dhanka kale sheegay in Xiriirka uu qorshaynaayo in uu bilaabo ciyaaro Iskuulada iyo Jaamacadaha dalka oo uu xiriirka doonaayo in uu ka soo saaro ciyaartoy da'yar oo mustaqbal ku yeesha ciyaarta Takewanduga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha xiriirka ayaa dhanka kale sheegay in Xiriirka uu qorshaynaayo in uu bilaabo ciyaaro Iskuulada iyo Jaamacadaha dalka oo uu xiriirka doonaayo in uu ka soo saaro ciyaartoy da'yar oo mustaqbal ku yeesha ciyaarta Takewanduga.
Xiriika Soomaaliyeed ee Karateyga iyo Takewanduga ayaa kulan sannadeed ku yeeshay magaalada muqdisho, shirkan oo ujeedkiisa ahaa sidii uu xiriirka u soo bandhigi lahaa waxqabadka xiriirka ee sandka 2013-14 iyo qorshaha xiriirka 2014-15, Waxaana shirka goobjoog ka ahaa guddoomiyaha xiriirka Takewabduga Aweys Maxamed Abati Orafeeyo, guddoomiye ku-xigeenka Ingineer Axmed Ciise Kiriish, xubnaha xiriirka , ciyaartoy iyo marti sharaf kale.
Guddoomiyha Xiriirka Takewnaduga Aweys Maxamed Abati Orafeyo ayaa ka warbixiy Xiriirka waxuuna sheegay in xiriirka uu guulo kasoo hoyay u ciyaarihii dalka dibadiisa ka dhacay uu xirirka ka qayb galay sida ciyaarihii ka dhacay Masar iyo Tunisa oo ay Somalia bilado kasoo hoysay, waxuuna amaan ballaaran u soo jeediyay guddoomiye ku xigeenka Xiriirka Ingineer AXmed Ciise Kiriish oo howl adag dalka dibadiisaa ka soo qabtay.

Xiriirka Takewanduga ayaa sheegay in ay sanadka 2015 ciyaaro saaxiibtinimo la ciyaari doonaan dalka Sacuudiga oo ay marti qaad ka heleen, waxaana kulanka lagu soo bandhigay qalabka ay isticmaali doonaan ciyaartoyda u safri doonta dalkaasi, waxaana xiriirka uu sheegay in ay ciyaartoyda laga soo xuli doona dalka iyo dibabada.

Xiriirka Soomaaliyeed ee Takewanduga ayaa ka mid ah xiriirada guulaha ka soo hooyay tartamadii ka dhacay dalka iyo dibadiisa.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip