Sheekh Bashiir: "Khilaafka madaxda sare ee Dowladda wuxuu caqabad ku yahay ammaanka dalka iyo madax bannaanida qaranimadeena"

0
Tuesday November 04, 2014 - 11:45:51 in Wararka by
  • Visits: 1374
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sheekh Bashiir: "Khilaafka madaxda sare ee Dowladda wuxuu caqabad ku yahay ammaanka dalka iyo madax bannaanida qaranimadeena"

    Guddoomiyaha Hay'adda Culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed salaad ayaa markii ugu horeysay ka hadlay khilaafka u dhaxeeya madaxda sare ee Dowladda federaalka, wuxuuna ku baaqay in si degdeg ah loo dhameeyo khilaafkaasi oo uu sheegay in dal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Hay'adda Culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed salaad ayaa markii ugu horeysay ka hadlay khilaafka u dhaxeeya madaxda sare ee Dowladda federaalka, wuxuuna ku baaqay in si degdeg ah loo dhameeyo khilaafkaasi oo uu sheegay in dalka horumarkiisa uu ku yahay dib u dhac ku yahay.
Waxa uu sheegay Sheekh Bashiir in hay'adiisu arrintaasi ka soo saartay warsaxaafadeed ay ugu baaqeyso guddiga dastuurka Baarlamaanka Federaalka inuu dib u habeyn ku sameeyo dastuurka kala hagaya awoodaha madaxda sare ee Dowladda Federaalka oo uu sheegay inuu saldhig u yahay khilaafka soo noqnoqday ee u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Ra'iisal Wasaaraha.

"Khilaafka madaxda sare ee Dowladda Fedraalka wuxuu keeni karaa in dalka maxmiyad la geliyo, oo wadamada caalamka ay Soomaaliya ku soo rogaan dalka oo dhan, iyagoo oranaya Soomaalida isma xukumi karto" ayuu yiri Guddoomiyaha hay'adda culimada Soomaaliyeed.

Dhinaca kale Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa sheegay in khilaafka madaxda sare ee Dowladda uu caqabad ku noqonayo ammaanka dalka oo uu sheegay inay meesha ka saareyso dadaalkii loogu jiray in lagu hagaajiyo nabadgelyada, xasiloonida iyo kala dambeynta.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip