Dowladda Uganda oo shaqada ka joojisay saraakiil ka tirsan ciidamada AMISOM iyo dembiyo kala duwanna lagu soo eedeeyay

0
Wednesday November 05, 2014 - 13:06:38 in Wararka by
  • Visits: 1346
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Uganda oo shaqada ka joojisay saraakiil ka tirsan ciidamada AMISOM iyo dembiyo kala duwanna lagu soo eedeeyay

    Taliyaha ciidamada Uganda oo u waramayay idaacadda afka dowladiisa ku hadasha ayaa sheegay in saraakiishaasi laga joojiyay gebi ahaanba howlihii ay Soomaaliya ka hayeen, wuxuuna hoosta ka xariiqay in dhowaan maxkamad la soo taagayo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha ciidamada Uganda oo u waramayay idaacadda afka dowladiisa ku hadasha ayaa sheegay in saraakiishaasi laga joojiyay gebi ahaanba howlihii ay Soomaaliya ka hayeen, wuxuuna hoosta ka xariiqay in dhowaan maxkamad la soo taagayo.
Jan. Katumba Wamala Taliyaha ciidamada dowladda Uganda ayaa shaaca ka qaaday in shaqada laga joojiyay saraakiil ka tirsan ciidamada AMISOM ee Soomaaliya u jooga howlgalka nabad ilaalinta, wuxuuna sheegay in saraakiishaasi loo heysto dembiyo kala duwan.

Wargeyska The Observer ee ka soo baxa dalka Uganda ayaa qoray warbixin kale oo ku saabsan in saraakiil ka tirsan ciidamada Uganda ay laaluush ka qaataan ciidamada AMISOM ee Soomaaliya ka howlgelaya, wuxuuna Taliyaha sheegay in arrintaasi ay baaritaano ku sameynayaan, isla markaana maxkamad la soo taagayo sarkaalkii lagu helo dembigaasi.

Saraakiisha shaqo joojinta lagu soo rogay waxaa ka mid qaar tababarayay ciidamada AMISOM kahor inta aanay ka soo bixin dalkaasi Uganda iyo qaar kale oo ku sugan gudaha dalka Soomaaliya, waxaana sidoo kale ka mid ah saraakiisha shaqada laga joojiyay Taliyihii hore ee Guutadda Ciiddanka UPDF ee Hawlgalka AMISOM, Sarreeye Guuto Michael Ondoga.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip