Dr. Xasan Shire Sheekh: "Waa in si dhab ah loo baaraa tacadiyada ciidamada AMISOM ay geysteen"

0
Thursday November 06, 2014 - 18:53:07 in Wararka by
  • Visits: 1208
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dr. Xasan Shire Sheekh: "Waa in si dhab ah loo baaraa tacadiyada ciidamada AMISOM ay geysteen"

    Waxa uu sheegay Dr. Xasan Shire in baaritaanada ay ka mid yihiin eedeymo ku saabsan hub ay ciidamada AMISOM ka iibiyeen ururka Al-Shabaab, kufsiga haween danyar ah xilli ay gargaar u raadsadeen xarumaha ciidamada AMISOM taasi oo horay war uga soo saa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa uu sheegay Dr. Xasan Shire in baaritaanada ay ka mid yihiin eedeymo ku saabsan hub ay ciidamada AMISOM ka iibiyeen ururka Al-Shabaab, kufsiga haween danyar ah xilli ay gargaar u raadsadeen xarumaha ciidamada AMISOM taasi oo horay war uga soo saartay hay'adda xuquuqda aadanaha Amnesty International.
Madaxa difaacayaasha xuquuqda aadanaha ee geeska Afrika Dr. Xasan Shire Sheekh ayaa markii ugu horeysay ka hadlay baaritaanada loogu jiro tacadiyada ciidamada AMISOM ay ka geysteen gudaha dalka Soomaaliya, isla markaana baaritaanadu ay noqdaan kuwo dhab ah oo lagu sameynayo dhammaanba qeybaha ay ka kooban yihiin ciidamada AMISOM.

"Baaritaanada tacadiyada ciidamada ay Soomaaliya ka geysteen waa inaysan noqon indha sarcaadin" ayuu yiri Dr. Xasan Shire Sheekh oo sheegay in Midowga Afrika guddiga uu arrintaasi u xilsaaray ay ka soo saaraan warbixin ka tarjumeysa xaqiiqada eedeymahaasi.

Dhinaca kale madaxa difaacayaasha xuquuqda aadanaha Dr. Xasan Shire ayaa uga mahad celiyay dadaalka dowladaha Afrika ee la xariira in sharciga la hor geeyo askartooda lagu helay dembiyada ay ka geysteen dalka Soomaaliya.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip