Xildh. Xoosh Jibriil: "Waan aaminsanahay walaaca caalamka laakiin faragelinta ha naga dayso"

0
Thursday November 13, 2014 - 10:22:05 in Wararka by
  • Visits: 1466
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildh. Xoosh Jibriil: "Waan aaminsanahay walaaca caalamka laakiin faragelinta ha naga dayso"

    Waxa uu sheegay Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jibriil inuu aaminsan yahay isla markaana ay dhab tahay walaaca beesha caalamka ee ku saabsan arrimaha Soomaaliya, wuxuuna hoosta ka xariiqay in xalka siyaasadda dalka uu u yaalo Baarlamaanka, isagoona ugu b

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa uu sheegay Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jibriil inuu aaminsan yahay isla markaana ay dhab tahay walaaca beesha caalamka ee ku saabsan arrimaha Soomaaliya, wuxuuna hoosta ka xariiqay in xalka siyaasadda dalka uu u yaalo Baarlamaanka, isagoona ugu baaqay beesha caalamka inaysan faragelin ku sameynin arrimaha khilaafka siyaasadeed ee dalka ka jira.
Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jibriil oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Baarlamaanka Federaalka kana tirsan aqoonyahanadii sameeyay dastuurka KMG ah ee dalka ayaa ka hadlay walaaca beesha caalamka ay ka qabto khilaafyada siyaasadeed ee u dhaxeeya madaxda sare ee Dowladda Federaalka.

"Waan aaminsanahay walaaca beesha caalamka, laakiin faragelinta ha dayso" ayuu yiri Xildhibaan C/raxmaan Xoosh oo sheegay in dastuurka dalka ay ku cadahay Soomaaliya inay arrimaheeda iyadu xalisato oo dalku uu yahay mid madax bannaan.

Xildhibaanka oo ka tirsan Mudanayaasha taageersan Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Baarlamaanka uu yahay hay'adda ugu sareysa dalka oo haatan u diyaarsan sidii ay u soo afjari lahayd khilaafaadka u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Ra'iisal Wasaaraha.

Dhinaca kale hadalka Xildhibaan Xoosh Jibriil ayaa ku soo beegmaya xilli Mudanayaasha Baarlamaanka lagu eedeynayo inay la kala safteen Madaxweynaha iyo Ra'iisal Wasaaraha, isla markaana dhowaan fowdo iyo buuq ay ka dhex kiciyeen xarunta Golaha Baarlamaanka, taasi oo sababtay in dib loo dhigo mooshin ay keeneen Xildhibaanada qaarkood.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip