Dagaal faraha looga gubtay oo xalay ka dhacay degmada Qoryooley

0
Monday November 17, 2014 - 10:39:34 in Wararka by
  • Visits: 1761
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaal faraha looga gubtay oo xalay ka dhacay degmada Qoryooley

    Dagaalka ayaa bilowday kaddib markii xarakada Al-Shabaab ay weerar ku qaaday fariisimo ciidamada dowladda ay ku lahaayeen duleedka degmada Qoryooley, halkaasi oo uu ka dhacay dagaal aan waxba la isula harin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaalka ayaa bilowday kaddib markii xarakada Al-Shabaab ay weerar ku qaaday fariisimo ciidamada dowladda ay ku lahaayeen duleedka degmada Qoryooley, halkaasi oo uu ka dhacay dagaal aan waxba la isula harin.
Wararka naga soo gaaraya degmada Qoryooley oo ka tirsan gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in xalay halkaasi uu ka dhacay dagaal xoogan oo u dhaxeeya ciidamada Dowladda oo kaashanaya kuwa AMISOM oo dhinac ah iyo dagaalyahanada Al-Shabaab.

Ilaa iyo haatan inta la ogyahay qasaaraha ka dhashay dagaaladaasi ayaa la sheegayaa inay waxyeelo ka soo gaartay dhinacyada iska horjeeda iyo dad rayid ah, inkasta oo aan si dhab ah loo ogeyn guud ahaan qasaaraha dagaalkii xalay ka dhacay degmada Qoryooley.

Xaaladda degmada Qoryooley ayaa saakay degan, iyadoona ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay gacanta ku hayaan goobihii xalay lagu dagaalamay, waxaana saakay xaafado ka tirsan degmada Qoryooley la soo sheegayaa inay ka socdaan howlgallo amniga degmada Qoryooley lagu xaqiijinayo.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip