Ciyaar xiiso badan leh oo caawa ka dhaceysa Old Trafford

0
Tuesday November 18, 2014 - 13:59:17 in Wararka by
  • Visits: 2055
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciyaar xiiso badan leh oo caawa ka dhaceysa Old Trafford

    Waxaa caawa kulan xiiso badan yeelan doona labada xul ee Argentina iyo Portugal oo ay kala hogaaminayaan labada laacib ee aduunka ugu fiican Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo kulankaan ayaa ah mid sxbnimo waxaana uu ka dhici doonaa garoonka masraxa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa caawa kulan xiiso badan yeelan doona labada xul ee Argentina iyo Portugal oo ay kala hogaaminayaan labada laacib ee aduunka ugu fiican Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo kulankaan ayaa ah mid sxbnimo waxaana uu ka dhici doonaa garoonka masraxa riyada ee kooxda Man United Old Trafford.
ARgentina vs Portugal

Garoonka : Old Trafford

Waqtiga : 10:45 xiliga geeska Afrika

Kulankaan ayaa ah mid aad lo hadal haayo waana mid xiiso gaar ah leh maadaama ay labada xul ay kala wataan labada nin ee ugu caansan mehrada kubada cagta aduunka iyadoo xidigahaan ay hada isku heystaan abaal marinta laacibka ugu fiican aduunka ee sanadki ay bixiso xiriirka kubada cagta aduunka ee FIFA.

 

Cristiano Ronaldo wuxuu ka hortagayaa Argentina isagoo todobaadkaan bilowgiisa dhigay rikoor cusub markii uu dhaliyay goolka qura ee Portugal ay kaga badisay Armenia kulan ka tirsan isreeb-reebka Euro 2016, wuxuuna goolkaas ka dhigay inuu noqdo xidiga ugu goolasha badan tartanka Yurub isreeb-reeb iyo tartankaba.
Messi ayaa iska wajaha ninka ay sida weyn u xafiiltamaan ee CR7 isagoo saameyn ku leh kulankaan madama uu xulkiisa guul u hogaamiyay kulan ka dhacay Upton Park todobaadkaan bilowgisii markaas oo ay wajaheen Croatia waxeyna ku dileen 2-1, xili Messi uu goal ku laadka ay ku badiyeen uu u dhaliyay.

Wiilasha Gerardo Martino sidoo kale waxey isku diyaarinayaan ka qeyb galka Koobka Latin America, iyagoon ciyaarin kulan caalami ah tan iyo markii ay qasaaraha xiliga dambe ah kala kulmeen Jarmalka finalkii Koobka Aduunka ee ka dhacay Brazil.

Daafaca Xulka Portugal ayaa caawa cadaadis uu saaran yahay madama ay wajahi doonaan wiilasha weerarka Argentina: Messi, Aguero, Higuain iyo Tevez, inkastoo xidiga Juventus uusan kusoo bilaaban kulankii Croatia hadana caawa wuxuu filanayaa inuu kusoo bilowdo.

Sidoo kale Angel Di Maria ayaa gurigiisa ku ciyaari doona madama uu xagaagan Manchester United kusoo biiray walow aysan meesha ka marneyn in Tevez uu isna dib ugu soo laabanayo garoonka Old Trafford.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip