Wixii ka danbeeyey, markey soo shac-baxday khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya madaxweynaha DFS Prof. Hassan Sh. Mohamoud iyo Ra'iisul Wasaaraha xukuumada DFS Dr. Abdiweli Sheikh Ahmed, cid kasta ee danaysa siyaasada Soomaaliya, waxay daqiiqo daqiiqo isha ku haysay hadba wixii ku soo kordha siyaasada cakiran.
Sida qalabka warbaahinta laga wada dhegeystay, 140 xildhibaan ayaa mooshin ka dhan ah R/W Abdiweli Sheikh Ahmed u gudbisay shir-guddoonka baarlamaanka FS, ha yeeshee, laba (2) jeer oo golaha baarlamaanka la geeyey mooshinkaas ka dhanka ah Ra'iisul Wasaare Abdiweli, waxaa buuq iyo fowdo ku hor istaagay xildhibaano sida la sheegay aad u tira yar oo aan ka badneyn 20 ilaa 40 xildhibaan, iyadoo ay xildhibaanadaan tirada yar ay ku andacoonaayaan in uusan sharci aheyn mooshinka baarlamaanka la keenay, meesha xildhibaanada tirada badanna ay taagan yihiin buuq iyo fowdo horey ayey dalkeyna iyo dadkeyna u dilootay ee aan ku kala baxno codeyn.
Nasiib-darro, amba nasiib-wanaag, Ra'iisul Wasaare Dr. Abdiweli, aag uusan ka fileyn maja-xaabin ayaa culeys-weyn ka soo food saarey, kadib markii 14-16 kamid ah golahiisa Wasiirada, ay Ra'iisul Wasaaraha kula taliyeen inuu xilka isaga dego si loo bad-baadiyo dalka, dadka iyo diintaba, mar haddii aysan wada shaqeyn kareyn asaga iyo madaxweynihii soo magacaabay.
Sidoo kale, taariikhdu markey aheyd Nov. 18, 2014-tiin, 17 kamid ah golaha Wasiirada ee R/W. Abdiweli oo isugu jira Wasiiru-dowlayeel iyo Wasiiro ku-xiggeeno ayaa si la mid ah Wasiiradii horey talada ugu jeediyeen R/W Abdiweli iyaguna codkoodii ku biiriyey.
Waxaa iyaduna xusid mudan, warar laga soo xigtay ilo-wareedyo lagu kalsoonaa karaayo, waxay sheegayaan xildhibaanadii mooshinka saxiixay oo ay tiradoodu gaareysay 140 inay ku soo biireen dhowr iyo soddon ( 30 ) xildhibaan oo ay hadda tiradoodu tahay 170-180 Xildhibaan.
Warar isa soo taraaya oo sheegaaya, inay Baasha Caalamku ka soo dabacday mowqifkeedii hore oo ay hadda taagan tahay, wixii la rabo haddii la waayo, waxaa lagu khasban yahay wixii aan la hureyn.
Baskii ( bus-kii ) uu waday Ra'iisul Wasaare Dr. Abdiweli Sheikh Ahmed Mohamed xowli badan ayaa looga daadanaayaa ee dalka ma bad-baadin doonyaa Ra'iisul Wasaaruhu, runtii labada ( 2 ) mas'uul wey ii siman yihiin laakiin waxaa la yiri biyo meeshey u badan yihiin ayey kuu jiitaan.
Mohamoud Ghedi Aw Hilowle
xilqaad12@hotmail.com
Mogadisho, Soomaliya.
M. GHEDI: "Bus-kii uu waday Ra'iisal Wasaare C/Weli Sheekh oo si xowli badan looga degaayo"
Wixii ka danbeeyey, markey soo shac-baxday khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya madaxweynaha DFS Prof. Hassan Sh. Mohamoud iyo Ra'iisul Wasaaraha xukuumada DFS Dr. Abdiweli Sheikh Ahmed, cid kasta ee danaysa siyaasada Soomaaliya, waxay daqiiqo da