Xiriirka Soomaaliyeed ee Ciyaaraha fudud oo Muqdisho ka bilaabay horyaalkii 30-aad

0
Sunday November 30, 2014 - 08:40:45 in Wararka by
  • Visits: 1606
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xiriirka Soomaaliyeed ee Ciyaaraha fudud oo Muqdisho ka bilaabay horyaalkii 30-aad

    Munaasabadii furitaanka oo ka dhacdey garoonka banaadir ayaa waxaa ka soo qeyb galey mas'uuliyiin ka socota guddiga Olombikada,Madax katirsan xiriirada,ciyaaryahanadii kubadda koleyga iyo cayaaraha fudud sida Waraabe oo ahaa halyeeygii Orodka dh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Munaasabadii furitaanka oo ka dhacdey garoonka banaadir ayaa waxaa ka soo qeyb galey mas'uuliyiin ka socota guddiga Olombikada,Madax katirsan xiriirada,ciyaaryahanadii kubadda koleyga iyo cayaaraha fudud sida Waraabe oo ahaa halyeeygii Orodka dheer.iyo Cali dheere oo Boodada caan ku ahaa,Mulki Muudeey oo koleyga ahayd iyo Xubnaha iyo xoghaynta XSCF.
Xiriirka Soomaaliyeed ee ciyaaraha fudud ayaa Muqdisho ka bilaabay horyaalkii 30-aad ee ciyaaraha fudud ee dalkeena,kaasi oo ay ka qeyb galayaan ku dhowaad 150-ciyaartoy oo Wiilal iyo gabdho isugu jira kuwaa oo kala metelaya kooxaha heerka 1-aad ee xiriirka u diiwaan gashan.

Ugu horeyntii waxaa halkaasi ereyada furitaanka kasoo jeediyey Xoghayaha Guud ee XSCF Maxamed C/Laahi Abuukar (Dhaalley) oo sharaxaad ka bixiyey habsami u socodka Horyaalka iyo tirade kooxaha ka qeybgalaya oo Wiilal iyo gabdho isugu jira,isagoo xusay in lagu tartami doono dhamaan noocyada tartamada ciyaaraha Fudud,sida 200m, 400m, 800m, 1500m, 500m, 10,000m, Qori isku dhiibka (Istaafeeto 4X100m) iyo Boodada hoose.

Marwo Khadiijo Aadan Daahir Ku-simaha Gudoomiyaha XSCF ayaa dhankeeda warbixin ka soo jeedisay furitaanka horyaalka,waxeyna sheegtay in xiriirku had iyo goor uusan ka baaqsan qabashada tartamada rasmiga ah iyo kuwo munaasabadaha,iyadoo intaa raacisey in Horyaalkan 30-aad uu socon doona ilaa 2-da bisha December,sanadkaana horyaalka ka adag yahay sanadihii hore,maadaama ay kooxaha layimaadeen ciyaaryahano cusub.

"Hadii aynu nahay xiriirka soomaaliyeed eeciyaaha fudud waxeynu ku dadaaleynaa sidii loo horumarin lahaa ciyaartoyda ciyaaraha fudud,waxaana naga go’an inaan qabano dhamaan tartamada aynu ku caan baxnay sanad kasta,waxaana aad ugu mahad celinayaa madaxda Xiriirka iyo kooxaha oo aan kula dar-daarmayo Asluub wanaag” Ayey tiri Gudoomiye xigeenka XSCF.

Sidoo kale waxaa halkaasi ereyo dhiirigelineed kasoo jeediyey Orodyahankii caanka ahaa ee WARAABE iyo CALI DHEERE oo boodada ku caan ahaa,iyagoo ciyaaryahanada ka qeybgalaya tartankaasi ku dhiirigeliyey dadaal iyo Asluub wanaag ineey muujiyaan si ay mustaqbalka u metelaan calanka Soomaaliya.

Khabiirka ciyaaraha dalka Xaaji Maxamed Axmed Coloow oo kamid ahaa madaxdii Olombikada ee ka qeyb gashey xafladaasi oo tartanka Furay,ayaa halkaasi ka sheegay in xiriirka Soomaaliyeed ee ciyaaraha fudud kaalimaha ugu horeeyo kaga jiro xiriirada ku dadaala qabashada tartamada iyo kor u qaadidda tayada ciyaartoyda,wuxuuna amaan u jeediyey kooxaha iyo Ciyaaryahanada oo uu u sheegay in looga fadhiyo iney halkaasi kasoo baxaan ciyaaryahanadii dalka u meteli lahayd tartanka Olympikada Aduunka oo sanadka 2016 ka dhici doona dalka Brazil.

W/qoray:C/Xafiid C/samad zaciimka)
Sawiradda:Cawil Nuur Magan

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip