Wasiir Dhuxulow: "Dhalinyarada Soomaaliyeed waxay ka mid noqonayaan ciyaartoyda caalamka ugu wanaagsan" + Sawirro

0
Saturday December 13, 2014 - 08:52:11 in Wararka by
  • Visits: 2392
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Dhuxulow: "Dhalinyarada Soomaaliyeed waxay ka mid noqonayaan ciyaartoyda caalamka ugu wanaagsan" + Sawirro

    Wasiirka Warfaafinta Mudane Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow ayaa xalay ka qeybgalay tartan kubadda cagta oo dhalinyaro Soomaaliyeed oo ka kala yimid Yurub ay kula cayaarayeen cayaartoyda kooxda Dubai City. Wasiirka ayaa yiri "Dhalinyarada Soomaaliy

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Warfaafinta Mudane Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow ayaa xalay ka qeybgalay tartan kubadda cagta oo dhalinyaro Soomaaliyeed oo ka kala yimid Yurub ay kula cayaarayeen cayaartoyda kooxda Dubai City. Wasiirka ayaa yiri "Dhalinyarada Soomaaliyeed shaki iigama jiro inay noqonayaan cayaartoyda ugu muhiimsan caalamka."
Wasiirka ayaa cayaartoyda hal-hal u gacan qaaday isla markaasna u mahadceliyey macalimiinta iyo khubarada Soomaaliyeed ee waday kooxdan cayaartoyda Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Dhalinyarada Horumarinta Caalamka ee Soomaaliyeed oo xalay Dubai ku soo bandhigay cayaar lala yaabo. Dhalinyaradan ayaa lagu wadaa inay Abu Dhabi u tagi doonaan cayaar ay la yeeshaan kooxaha halkaas ka jira ee dhalinyarada ah.

Wasiirka oo la hadlayey dhalinyarada ayaa yiri "Aad baan ugu faraxsanahay inaan idiin imaado, waxaadna na tusteen inaad tihiin dhalinyaro dishibiliin leh oo muujiyey cayaar aad loola dhacay, waxaana idinku dhiiri gelinayaa inaad sii wadaan dadaalkiina oo aad waddankiina hooyo ee Soomaaliya aad matashaan. Shakina iigama jiro inaad noqoneysaa dhalinyaro ku soo caan baxa Isboortiga gaar ahaan kubadda cagta.”

Dhalinyaradan ayaa laga soo xulay tartankii Soomaaliya Yurub ka dhacay, ujeedaduna ay tahay in dhalinyarada la siiyo fursad ay caalamka islaamka ku soo arkaan, isla markaana ku soo bandhigaan cayaartooda quruxda badan. Horey ayaa 3 Soomaali dhalinyaro ah ay kooxaha Kuwait qaateen oo weliba ay si fiican uga dhex muuqdaan cayaaraha Kuwait. Waxaana hadda la rajeynayaa in dhalinyarada Soomaaliyeed ay dhowaan ka soo dhex muuqan doonaan cayaaraha kubadda cagta ee Waddamada Yurub iyo caalamka kale.

Wasiirka ayaa ugu danbeyntii dhiiri geliyey dhalinyarada Soomaaliyeed kuna casuumay inay dalkii hooyo yimaadaan oo ay wallaalahooda tusaan sida ay ugu faraxsan yihiin waddankooda hooyo.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip