Horyaalkii 15-aad ee wiilasha Kubadda Gacanta oo Muqdisho lagu soo gabo-gabeeyay

0
Monday December 29, 2014 - 10:34:35 in Wararka by
  • Visits: 1958
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Horyaalkii 15-aad ee wiilasha Kubadda Gacanta oo Muqdisho lagu soo gabo-gabeeyay

    Waxaa lagu soo gebagebeeyay Garoonka Kubadda Kolayga wiish Stadium (Ex-Luujino) Degmada C/Casiis ee gobolka banaadir Horyaalkii 15aad ee Wiilasha Kubadda Gacanta Soomaaliya kaasi oo ay ka qeybgaleen ilaa 7 kooxood heerka kooobaad ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa lagu soo gebagebeeyay Garoonka Kubadda Kolayga wiish Stadium (Ex-Luujino) Degmada C/Casiis ee gobolka banaadir Horyaalkii 15aad ee Wiilasha Kubadda Gacanta Soomaaliya kaasi oo ay ka qeybgaleen ilaa 7 kooxood heerka kooobaad ah.
Horyaalka oo kulamadiisa labada is-arag horey loo soo gebagebeeyay ayaa waxaa xaflad Koobab iyo abaal-marinno kale lagu bixinayay loogu qabtay Garoonka Kubadda Kolayga Wiish (Ex-Luujino), iyadoo sidoo kalena ay halkaas ka dhacday ciyaar sxbtinimo oo dhexmartay Kooxaha Heegan iyo I.L.S oo kaalimaha hore ka galay horyaalkaasi.

Daawashada kulankaasi oo aad u adkaa waxaa kasoo qeybgalay masuuliyiin ka socotay GOS,gaar ahaan Xaaji Maxamed Axmed Colow,iyo Ibraahim Xuseen Roombe,sidoo kale Gudoomiyaha XSKK C/laahi Nuur Maxamed (Cadaani) Gudoomiyaha XSKG Maxamed xuurshe Eenow,gudoomiye ku xigeeno xubno xiriirada katirsan,garsoorayaal iyo dadweyne badan oo ay kujireen Legends hore oo Isbortiga dalka gabdho iyo wiilal.


Kulankaa sxbtinimo oo dhanka kale labada kooxood ay ahaayeen kuwo xafiltan weyn u dhexeeyo maadaama koobaad iyo labaad ka galeen horyaalka ayna u cayaaraan xidigo kujira xulka qaranka ayaa waxaa 20 iyo 13 guusu ku raacday wiilasha I.L.S.

Intaas kadib waxaa ka hadlay Xafladdii Koobabka lagu bixinayay mas’uuliyiin katirsan XSKG gaar ahaan madaxa farsamada ee xiriirka C/laahi Kuusoow oo ka sheekeeyay marxaladihii iyo habsami u socodkii horyaalka tan iyo xiligii bilowga.

Waxaa isna xafladda ka hadlay Khabiirka sare ee Isboortiga dalka,kana socday GOS iyo XSF Xaaji Maxamed Axmed Colow oo isna sheegay in uu ka faraxsan yahay in uu ka soo qeybgalo xafladda lagu soo gunaanado horyaalkii Kubadda Gacanta Soomaaliya, wuxuuna intaas kadib uu ciyaartoydii tartanka ka qeybgashay u sheegay in ay mustaqbal wanaagsan ku leeyihiin Ciyaarta Kubadda Gacanta, ayna sii wadaan dadaallada ay muujinayaan.

"GOS waxay ka marqaati kaceysaa Dadaalka Xiriirkan iyo sida Maamulkiisa iyo Garsoorayaashiisu isugu xiranyihiin.

Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda gacanta Maxamed Xuurshe Xasan (Eenow) ayaa isna hadal kooban ka jeediyay Xafladdii xiritaanka, wuxuuna sheegay in ay guul u tahay in uu soo gebageboobay Tartankii Horyaalka 15aad ee Wiilasha Kubadda Gacanta Soomaaliya oo bishii Oktoobar soo bilowday,isagoo si weyn ugu mahadceliyey dhamaan Kooxihii, Ciyaartoydii, Garsoorayaashii iyo Tababarayaashii ka qeybgalay Tartankaasi.

Sidoo kalena, wuxuu mahadcelin u jeediyay Dadweynihii ka soo qeybgelayay tartankii Horyaalka iyo midka gabdhaha oo gabo-gabo maraya kuwaasi oo uu sheegay in aysan marna ka caajisin ka soo qeybgalka dhamaan cayaarihii uu qabtay Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Gacanta sidoo kale bahda saxaafadda oo uu sheegay in la’aantood uusan horyaalku hirgaleen.

Intaas kadib waxaa la bixiyay abaalmarinno isugu jiray Koobab, Kabo, Kubaddo iyo Dhar, kuwaasi oo la kala siiyay Kooxihii, Ciyaartoydii, Garsoorayaashii iyo Tababarayaashii ka qeybgalay Tartanka Horyaalladii 15-aad Kubadda Gacanta Soomaaliya iyadoo halkaasi si weyn loogu mahadceliyey Mahad Axmed Tagoow oo kamida wariyaasha iyo garsoorayaasha Soomaaliyeed ee London ku sugan kaasi oo labo joog oo dharka lagu cayaaro ugu soo tallo galay kooxihii 1-aad iyo 2-aad galay.

Bixinta Abaal-marinada horyaalka 2014

1-Heegan Koobka kaalinta 1-aad
2-I.L.S koobka kaalinta 2-aad
3-Horseed Koobka Kaalinta 3-aad
4-Cali Maxed Aadan (Barawiin) – Laacibkii ugu fiicnaa
5-C/raxmaan C/Tawaab- Gool dhalinta tartanka
6-Maxamuud Xuseen Cariif- Tababaraha ugu Fiican
7-Axmed Maxamed Muqtaar-Garsoorihii ugu fiicnaa.

C/Xafiid C/Samad Zaciimka
NOCSOM Media-Mogadishu

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip