Siyaaradii Sheekh Aweys Al Qaadiri Oo Muqdisho Lagu Soo Gebagabeeyay (Sawiro)

0
Saturday January 17, 2015 - 02:08:52 in Wararka by Axmed Abukar
  • Visits: 5786
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaaradii Sheekh Aweys Al Qaadiri Oo Muqdisho Lagu Soo Gebagabeeyay (Sawiro)

    Siyaarada Sheekh Uweys Bin Axmed oo Umada Soomaaliyeed utaqaan Sheekh Uweys Maxamed al qaadiri ayaa waxa lagu qabtay magaalada Muqdisho ee gobolka Banaadir iyadoo banaanbaxyo lagu weyneenayo siyaarada ka kala dhaceen Caalamka gaar ahaan Magaalada Muq

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaarada Sheekh Uweys Bin Axmed oo Umada Soomaaliyeed utaqaan Sheekh Uweys Maxamed al qaadiri ayaa waxa lagu qabtay magaalada Muqdisho ee gobolka Banaadir iyadoo banaanbaxyo lagu weyneenayo siyaarada ka kala dhaceen Caalamka gaar ahaan Magaalada Muqdisho Banaanbaxa Siyaarada oo ay kasoo qeyb galeen dhamaan Duruuqa Suufiyah Sida Aweysiyah. Rufaaciyah, Axmadiyah, Seyliciyah iyo saalixiya.

Qur'aan aqriska siyaarada Nebi amaan iyo tawasulaad lagu amaanayo Sheekha ayaa mudo sadex maalmood ka socdeen Masjidka Sheekh Muxyidiin Sheekh Aweys Degmada Xamar Jajab ee Magaalada Muqdisho.

Barxada Weyn ee Degmada Xamar Jajab oo ah Fariisinka Saaxibul Sijaadaha Dariiqada Qaadariyah Asayid Sheekh Axmed Sh: Aweys ayaa waxa galabnimadi shalay lagu qabtay banaanbaxa Siyaarada Sheekha oo si weyn ugasoo qeyb galeen Culuma’uiinka Ahlusnnah Waljamaac iyo Dadweynaha Magaalada muqdisho oo si weyn usoo camiray.

Sheekh Cali Sheekh Maxamud (Sheekh Cali Dheere) ayaa waxa uu soo jeediyay wacdi qiiro iyo raxmad galiyay kaa soo qeyb galayaashi isagoo si weyna ugu nuux nuuxsaday raadki iyo halganki Sheikh Aweys ee diinta islaamka isagoo sheegay in markhaati ka yihiin umadaha muslimiinta oo dhan qaasatan arlu Soomaali oo manta boqolkiiba boqol ah umad muslim ah .

Asayid Sheekh Aweys Dheere ayaa waxa fidinta diinta Islaamka wadamada uu gaarsiiyay ka mid ah Ruwanda, Tanzania, Zanzibar, Uganda, Malawi, Kenya, wadankeena Soomaaliya isagoo dariiqada ka soo qaaday magaalada Baqdaad ee wadanka Ciraaq.

Asayid Sheekh Aweys Dheere oo umada soomaaliyeed utaqaano (Uweys Axmed Waliyalaah) ayaa waxa lagu xasuustaa in uu xataa naftiisi ku waayay fidinta diinta Islaamka isagoo ay dilkiisi fuliyeen koox ka amar qaadatay Maxamed Cabdala Xasan oo iminka lagu tilmaamo kooxdaas faraceedi in ay yihiin kuwa iminka faagta qabuuraha owliyada ilaahey iyo dadki suusuubanaa oo idil.

Sheekh Cabdirasaaq Maxamud Barre (Qaadimul Owliya) ayaa waxa uu sidoo kale halkaasi ku soo bandhigay taariikhda Sheekh Aweys Al Qaadiriyi isagoo sheegay in Sheekh Aweys taariikhdiisa aan lagu soo koobi karin maalin kaliya.

Asayid Sheekh Axmed Sheekh Aweys Saaxibul Sajaada Qaadariyah ayaa sheegay in Sheekh Aweys dhimashadiisa ay ka soo wareegtay 109 sano taas oo ah hal qarni iyo sagaal sano taa uu cadeyneysa in Sheekh Aweys uusan ka go'in quluubta umadda Soomaaliyeed.

Gabagabadii Banaanbaxa Siyaarada ayaa waxa ijaasada Dariiqada qaadariyah halkaasi ay uga qaateen Shacabkii kasoo qeyb galay siyaarada Saaxibul Sajaada Qaadariyaha Asayid Sheekh Axmed Sheekh Aweys Sheekh Muxidiin Sheekh Aweys Dheere isagoo ijaasada kadibna duco dheer halkaa ugu jeediyay shacbiga Soomaaliyeed isagoo alle uga baryay in culeeska fudeed ugu badalo nasri deg deg ahna siiyo dariiqada iyo inta ukaalmeeneesana gacanta kore alle ku daro aamiin.

Qaar kamid ah magacyada Culimadii Kasoo qeybgashay.

Shariif Iskuduub
Shariif Axmed Shariif Abba Nuur
Shariif Haashim Shariif Madaa Khaliifa
Asayid Sheekh Axmed Sheekh Aweys
Sheekh Shaamiq Sh Muxyidiin Sh: Aweys
Xaaji Xuseen Sheekh Maxamed Faqay Yuusuf Sheekh 
Sheekh Abbashaan Sh: Maxamed Sh: Suufi
Sheekh Amiin Sayid Cali Sheekh Muxydiin
Sh: Maxamed Sh: Cabduqaadir  Sheekh Ooyaaye
Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Axmed Gabale
Sheekh Jire Sheekh Cali Cabdulle
Sheekh Cali Sheekh Maxamud (Sheekh Cali Dhere)
Sheekh Cabdirasaaq Xasan Cadow
iyo Jamaaceeda Reer Sheekh Cabdi Celli

Ugu Dambeyn Hadaanu nahay Bahda Shabakada Warsheekh qeybteeda Muqdisho waxaa idiin leenahay siyaaradan tan xigta ilaah ha nagu gaarsiiyo nabad caam ah.

W/D
Axmed Sheekh Abukar
Sawir Qaade
C/raxmaan Sheekh Cali (Bile)


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip