Munaasabad Lagu Weyneynayay Dhalashada Nebiga CSW Oo Ka Dhacday Masjidka Al Birri ee Degmada Kaaraan (Sawiro)

0
Friday January 23, 2015 - 23:32:46 in Wararka by Axmed Abukar
  • Visits: 2983
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Munaasabad Lagu Weyneynayay Dhalashada Nebiga CSW Oo Ka Dhacday Masjidka Al Birri ee Degmada Kaaraan (Sawiro)

    Munaasabad aad ubalaaran oo lagu xusayay xuska dhalashada Nabigeeni Maxamed (NNKH) ayaa lagu qabtay Masjidka Albiri ee degmada Kaaraan magaalada Muqdisho. Munaasabadaani oo aheyd mid ay siweyn uga soo qeybgaleen Culumaa'udiin, Aqoonyahano, Ganac

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Munaasabad aad ubalaaran oo lagu xusayay xuska dhalashada Nabigeeni Maxamed (NNKH) ayaa lagu qabtay Masjidka Albiri ee degmada Kaaraan magaalada Muqdisho. Munaasabadaani oo aheyd mid ay siweyn uga soo qeybgaleen Culumaa'udiin, Aqoonyahano, Ganacsato iyo sidoo kale dadweyne isaga kala yimid gudaha degmada kaaraan iyo xaafadaha kale ee magaalada Muqdisho.

Iyadoo dhamaan culimadii kasoo qeybgalay munaasabada oo intooda badan ay kahadleen xaflada ayaa waxey si aad ah ugu nuux nuuxsadeen siirada Rasuulka (CSW) iyo fadliga ay leedahay bishaan barakeysan ee uu dhashay Suubanaha.

Sidoo kale dadweynihii ka soo qeyb galay xaflada ayaa wajiyadooda waxaa laga dheehan karay maxabada iyo jaceylka ay u qabaan Rasuulka (CSW).

Gabagabadi Xaflada ayaa waxa Umahad celiyay dhamaan dadki kasoo qeybgalay Xaflada, Sheekh Ismaaciil Cali Cumar oo ahaa maamulaha guud ee Masjidka isla markaana kawakiil ah Ganacsade Xaaji Xasan Warsheekh oo ah aas aasaha masjidka.

Qaar Ka Mid Ah Magacyada Culimadii Ka Soo Qeybgashay Xaflada.

Sheekh Fataax Maxamed Faarax
Sheekh Axmed Nuur Cabdi Jimcaale
Sheekh Maxamud Difle
Sheekh Cabdullahi Canshuur
Sheekh Daa'uud Sh: Muxamed Sh: Cabdi Celli
Sheekh Cumar Axmed Cadaawe
Sh: Max'ud Sh: Max'ed Sh: Cismaan (Sh: Max'ud Godane)
Xaaji C/laahi Muxumed Ow Nuur
Xaaji Maxamed Cali Maxamud
Xaaji Daa'uud Muxumed Nuur
Sheekh Cismaacil Cali Cumar
Sheekh Abukar Sheekh Axmed Yare
Sheekh Cabduqaadir Cali Jiis
Macalim Axmed Qaasim

Sawir Qaade
Maxamud Sheekh Axmed Yare


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip