WUXUU YIRI.....
Sirta ku duugan Shiribka iyo qiimihiisa asagoo ka hadlaya wuxuu Marxuum KADARE yiri "Dadkaan gabayga ku wareeray waxaanba jeclaan lahaa inaan ku baraarujiyo curinta Shiribka oo ah god suugaaneed gaaban xikmad miiranna ah”.
Waxaan idinla wadaagayaa Shirib uu markuu gaboobay Marxuumku tiriyay uuna kaga cabanayo culeysyo ay da'du kusoo kordhisay noloshiisa, isagoona ku saadaalinaya timaatadiisa mustaqbalka oo Geeriduu maanta ku galbaday ah.
1. Todobo aan isku tabaan, tolkay wax uga taabahaa
2. Tobanki todobaatanaad, inta tirshaan ku tiirshay meel (70-tan jir)
3. Hadaan timaha taabtana, wax ii tafnaan jiraan tabaa
4. Hadaan talaabta tuurana, inta is tafaan dhulka is tubaa
5. Meeleey tacsi feceeya taal, hadaan tago aneys tuhmaa
6. Tala aduunyo taan jeclaa, iigama tunno taakadaas
7. Tii allena hadeey timaad, leylama tashane waa tarxiil
Daawo oo Akhriso Sawirada Aaska Dr Kadare iyo Shiribkiisi Dar-daaranka ahaa
Dr. Xussein Sheikh Ahmed "Kaddare" oo galabta lagu aasay aasay maajidka Imaam Shaafici degmada Wardhiigleey & kummanaan Soomaali ah oo ka soo qeybgashay aaskii loo sameeyay. Allaha u naxariisto.