Xukun xiiso aan u qabo uma soo laabane, xilka baan iska ridayaa! Q4AAD

0
Wednesday February 11, 2015 - 12:56:41 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 2249
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukun xiiso aan u qabo uma soo laabane, xilka baan iska ridayaa! Q4AAD

    Wiilkii wariyaha ahaa oo indhaha taagtaagayaa, ayaa qolkii halhaleel uga baxay, isagoo niyadda iska leh:

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wiilkii wariyaha ahaa oo indhaha taagtaagayaa, ayaa qolkii halhaleel uga baxay, isagoo niyadda iska leh:

"War ma ka daacad baa mise anuu igu dheelayaa?” "Mid ay tahayba hadal nin weyn ma ahan!” ayuu sii raaciyey, illeyn isagu wali daacadnimada ka sokow, ogaal la’aan iyo waxaa haya aqoon yari, ay u dheer tahay, inuusan lahayn dhaqan naqdin iyo ku dhisan dhaliilid ka fog caay iyo af la gaaddee.

Isla albaabka ayuu wuxuu kula kulmay koox sitada dhar aad mooddo inuu hal Harqaan u tolow, oo muuqaal ahaan isu eg, haba kala duwanaadeene, dhinaca buurnida iyo gaadabalaxoowga. Mid ka mida ayaa yiri:

"Wariye miyaadan waxba na weydiinayn?”. Wariyaha ayaa faray wiilkii muuqduubaha inuu dib u rakibto agabkiisa, markaa ka dib ayuu weydiiyey:

"Maxaad ka qabataa xafiiskan?”. Kuma daahin jawaabtee wuxuu u sheegay, inay yihiin harka RW, oo aan ka harin habeen iyo maalin. Haddana kii garab taagnaa ayuu weydiiyey, iyadoo magacii hore maankiisa ka degi la’ yahay. Wuxuu ugu hal celiyey:

"Jaakadda RW”. Ka dib ayuu saf ka maray, waxaana uu la kulmay raga kala ah: Koofida RW, Bakooradda RW, Kabaha RW iwm. Ugu dambayn wuxuu la kulmay ninkii ugu gaabnaa oo dhawr jeer ka hor uu RW ku arkay markaasuu ku yiri:

"Adiguna?” Markaasuu ugu war celiyey:

"Makarafoonka ama codbaahiyaha RW”.

Wariyihii oo la fajacsanaa arrintii uu kala kulmay RW, ayaa waxaa illowsiiyey middii ka dambaysay, ee uu kala kulmay raggii taagtaanna illinka xafiiska, wuxuuna markay baabuurkii fuuleen, yiri:

"Haddiiba intan oo dhan RW dad u yihiin, Madaxweynaha bal ka warrama?” Muuqduubihii ayaa soo booday oo yiri:

"Aigaa maalin hore wax ka soo duuboo, isaga saddex saddax iyo laba laba ayuu u haystaa dadka noocan ah!”.

Aw Raage, sheekada wuxuu ula socdaa, sidii in uu dhagaynayo darsi Quraana, tafsiir ama wacdi wadaad aftahanihi marinayo. Oogadiisa meel nuuxsanaysa ma lahan, oo wuxuu u hogan yahay sidii in la yiri; ha is dhaqaajin marna, ama Askari digtoonoow la galiyey.

Aw Raage ayaa Guuleed weydiiyey:

"Oo kaalay riyada wali kuma dhex arko xerta Xabishada iyo gobollada ay haysatee, sida maamulka Baydhaba, Beledweyn, Galguduude, maxaa dhacay? Maxaad Kenya iyo qoladaa kaliya xoogga u saartay?” Guuleed ayaa ku iri:

"Ma anaa u qasday, riyadu iyadaa timide. Waa halkii uu Abwaan Gaarriye ku maansooday;

"Waxaruhu sidaan qabo

Weligoodba qoorqabad

Biyo kuma qurquriyaan;

Anna qiiro mooyee

Qasab kuma balweyn karo!”

Balse, wixii ay yihiin ba adaa sheegay, oo warka haddii wax ka dhimmanaayeen ku daray, ee riyadii halkaa bay ku dhammaatay.”

Aw Raage, ayaa Guuleed ku yiri:

"Na wad, waa isla soo qadaynaynaaye, oo gurigayga ayaan ka soo cuntaynaynaaye. Maanta abaalmarin xooggan ayaad mutaysatay. Qadada ka dibna anaa Qaadkaaga qaba, waliba galabta Marduuf iyo ka badan ayaan kuu qaadayaa, oo Garaabo iyo laamo rifan midna qaadan maysid.”

Guuleed waa iiddiisoo qado iyo qaad ayuu isla helaye, wuxuu niyadda iska yiri;

"Igu fiicnaa leheedaa, inaan habeen walba riyadan Aw Raage uu jecel yahay aan ku riyoodo, saa quraac, qado iyo qaad ayaan ka dhergi lahaaye!”.

Dhammaad.

Bashiir M. Xersi brdiraac@hotmail.com www.bilediraac.wordpress.com

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip