QORSHAHA GABRE IYO GEEDI EE HIIRAAN IYO SHABEELLADA DHEXE!

0
Sunday February 15, 2015 - 09:40:17 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 2918
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    QORSHAHA GABRE IYO GEEDI EE HIIRAAN IYO SHABEELLADA DHEXE!

    "Ninkaan waxa socda garankarin, waxa soo socdana ma garto"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sorry: It seems that you don't have flash PlayerGet the Flash Player hereWith out flash Player you cannot watch our videos.

"Ninkaan waxa socda garankarin, waxa soo socdana ma garto"

HORDHAC/GOGOL-DHIG

Allaah ayey mahad oo idili usugnaatey, nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeenna Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo. Aqristoow waxaa jira qorshe Ex PM Cali Maxamed Geedi iyo Jen.Gabre eey isla wadaan, oo madaxweyne Xassan Sheekh iyo odey-dhaqameedyada "Beesha” Geedi kadhasheyba lagu qancinayo, kaasoo ah in labada gobole Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan inta lamideeyo, maamulna loosameeyo, dibadeedna Geedi "Madaxweyne" looga dhigo, si waliba qasab iyo sandulle ah, oo lamid ah sidii Shariif Sakiinba loo boqrey, ee waliba Itoobiya ugu amartey Dowlada Dhexe in eey isaga ookaliya taageerto, si Kal-iyo-Laab ah ulashaqeeyso, waxa kaloo dhanna qashinka kushubto. Waana sida dhab ahaan u dhacday! Xaalku waa: "Shariif-Sakiin dooran doorta xoowdhahdeen, Digil iyo Miraflana xoow dambaajiseen"

Beelaha walaalaha ah ee dhamaan wadadaga labadaa Gobole: Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan, iyana sidaa si lamid ah ayaa larabaa in lawada maquunimo. Waxaan maqlijirey, "Fad ama hafadin, wallee waa lagu fadsiin".

Waxaa sidoo kale qorshuhu yahay in lawada jajuubo siyaasiyiinta kalee labadaa gobol dhalasho ahaan kasoo jeeda, ee damaca siyaasadeed uu kujiro, si markaa uu Geedi uun ugusoo boxo "Madaxweynenimada". Waxaa sidoo kale qorshaha ka mid ah in Geedi uu billoowga hore inkiraad lasoo taagnaado, isagoo dhahaya jago Maamul-Goboleed wax kufalimaa, sida horeba uu udhihijirey, balse gadaal ayuu kasoo rogaalcelinayaa. Dabcan nin Ra'isulwasaare dalka kasoo noqdey oo "Maamul-Goboleed” beeshiisu dhisatey hoos ugu dhaadhacayna Cabdiweli Gaas baa ubilaabay, oo kaga horeeyey.

Shirkii qorshaha arintan billoowga uahaa waakan GEEDI uu kasoo dhexmuuqday, isagoo dhinaca kuhaya Ugaaskii beeshiisa, oo waliba kuqanacsan sida wax usocdaan, waloow laga yaabe in aanu qorshaha waxbadan kala socon, cidina aaneey wax sihoose ugu faahfaahin, maadaama qorshe rag wataahi yahay, isagana odey-dhaqameed lasharfey oo kaliya noqonkaro.

Dhinaca kale, Madaxweyne Xassan Sheekh waxaa lagu xantaa in uu aad ugu roonyahay "Reer Abtiyaashii” oo ka mid ah kuwa ugu tunka weyn Gobolka Hiiraan, ayaa ka mid noqondoona beelaha ladamacsanyahay in lawada xaq-duudsiiyo. Madaxweyne Xassan waa kan mar isugu daray Wasiirkii Arimaha gudaha (Goodax) iyo Taliyihii Nabad-Sugidda (Sanbaloolshe), waloow RW Cabdiweli uu arintaa isbadal aan lamahdin kusameeyey.Waa tan khudbadiisii ugu horeeysey

ee uu Hiiraan kajeediyey dhibka weyn usoojiidey, ugu dambeynna waa kan hadda wiil walaalkii dhahay oo reer Abtiyaashii ah wasiirkii Amniga kadhigay, sidaa daraadeed uma sahlana in uu arintaa yeelo, balse marka laisku daro in Geedi maanta Madaxtooyada dhexjiifo, oo Xassan Sheekh lataliye uyahay, oo waliba saameyn ku yeeshay qaabka uu Madaxweyne Xassan Sheekh ula dhaqmayo Beelaha qaar, ee sida joogtada ah ninkastoo udhashey shaqada looga eryayo, taasoo lagusiidaray awaamirta Itoobiya iyo Jen.Gabre, howshaa waxbadan baa ka suurtagal noqonkara.

Guud ahaan, Jen.Gabre wuxuu taaganyahay ninka inaga inooshaqeeya, ee diyaarka u ah in uu danahiisa gaarka ah inooga gato danaheena qaranka Itoobiya, Soomaaliya wuxuu doono ayaan kadhigeeynaa, taageerana ugu heleeynaa, si siyaasi kastee Soomaaliyeed oo damacba kagajiro siyaasada Soomaaliya, uu inoogu soo ordo, sidaana uu Kaba-Qaad/Madiidan inoogu noqdo. Tusaalaha ugu dhow ee arintan waa in shalay markii Beelweeynta Digil iyo Mirifle iyagoo mideeysan eey maamul "Lix Gobol” kakooban dhisteen, waliba "Madaxweyne” eey kuwada qanacsanyihiina udoorteen, beey Itoobiya iyo ninka maamulaha uga ah siyaasada Soomaaliya ee lagu magacaabo: Jen.Gabre inta waxoo dhan cagta mariyeen, oo waxba kamajiraan kasoo wadaqaadeen, beey Shariif Sakiin oo naceybkiisa eey ummada Digil iyo Mirifle maalin cad Beeydhaba ugu mudaharaadeen, beey si qasab ah dusha uga saareen oo "Madaxweyne” uga dhigeen, waxoo dhanna "Sadex gobol” kusoo koobeen, oo caasimadana uga dhigeen magaalada dekadda leh ee Baraawe, si dalkaa Itoobiya ee aan Xeebta laheyn (land locked), uu uga faa'ideeysto sidii dekaddaaa Baraawe sidii dekadd eey iyagu leeyihiin oo kale, waxeeyna ugu biireeysaa tani dekaddaha kalee Maamul-Beeleedyada (Somaliland iyo Puntland) ee ay ka faa’ideeystaan hadaba.

Shariif-Sakiin wuxuu arintan kumuteeystey in uu ahaa ninkii saxiixey documents-kii lagu ogolaadey in Itoobiya dalka ay soogasho xilligii Col.C/llaahi Yuusuf iyo Geedi, markasoo eey xasuuqii ba’naa ka geeysteen Gobollada Koofureed, gaar ahaa Gobolka Banaadir. Wuxuu sidoo kale ahaa waligii madiidan ay Itoobiya isku hubtey waligeed, kuna faana in uu yahay nin eey Itoobiya wadato, ama u shaqeeya.Waa arin wadamada xorta ah la isugu xukumo dil, maxaayeelay waa khayaano qaran ama waxa afka qalaad lagu dhoho"Treason”.

Maantana sidaa si lamid ah ayey Geedi ugu abaalmarinayaan Xasuuqii ba’naa ee uu ka geeystey Koonfurta Soomaaliya, waliba kii ugu darnaa ee uu dadkiisa Gobolka Banaadir daga eey isaga, Col.C/llahi Yuusuf, maryacalastoodii, iyo waliba Itoobiyaanka ay ugu wada geeysteen xilligii uu Ra’isulwasaaraha ahaa, iyo waliba sida waligiisba uu ula shaqeeyn jirtey, hadana ulashaqeeyso Itoobiya waliba isagoo Madaxtooyada/Villa Soomaaliya subaxkasta kasoo toosa.

TALO SOOJEEDIN

1-Soomaalida ayaa waxeey tiraahdaa, "Quraankii Alif ka hallaaba, Al-Baqro kama tooso”, sidaa daraadeed waa in howsha mideeynta iyo maamul usameeynta gobollada Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan aan billowga laga halleyn.

2-Waa in shirarka laqabanayo ee Maamul usameynta Gobolladaa eey noqdaan kuwo loodhanyahay, oo dhamaan beelaha Soomaaliyeed ee walaalaha ah ee gobolladaa wada daga uwada dhanyihiin.

3-Waa in si cadaalad, wadatashi, istixgalin iyo isxaqdhowr ah waxwalba lagu saleeyaa.

4-Waa in ummadaa dagta labadaa gobol aan shaqsi ku eedeeysan in uu dambiile-dagaal (War Criminal) aan loowada afduubin masiirkooda dhan ee ummadeed, dowladuna sidii maamulkii Shariif-Sakiin dhacdeyba aaneey ugu sharaf beelin, balse eey taageerto maamul xalaal ah oo ummadaa eey kudhanyihiin, kuna wada qanacsanyihiin, si simanna uwada matala. Waloow Jen. Gabre iyo madaxdiisa kasareeysa saameeynta eey dalka kuleeyihiin Dowlada Dhexe ay tahay mid aah xad laheyn "Limitless”.

5-Ugu dambeynna dowladu waa in eey dhextaagnaataa ololaha maamul usameynta labadaa gobol, kaalin firfircoona ka qaadataa, iyadoo ilaalineeysa sawirka guud ee nabad iyo walaaltinimo kuwada noolaashaha dhamaan beelahaa walaalaha ah ee kuwada dhaqan labadaa gobol.

Qoraa: C/Qaadir M. Cismaan (Cabdiboqor)

Maamule kuxigeenkii hore ee Kulliyada Maamulka iyo Dhaqaalaha, isla Kulliyadaana Bare/Macallin ka ahaa

Al-Madinah International University.

Abdulkadirphd@hotmail.com

Minnesota, USA.


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip