DEG DEG:-Dagaal culus oo Goordhow ka qarxay deegaano ka tirsan G/Hiiraan

0
Tuesday November 27, 2018 - 10:05:21 in Wararka by Warsheekh Muqdisho
  • Visits: 2109
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEG DEG:-Dagaal culus oo Goordhow ka qarxay deegaano ka tirsan G/Hiiraan

    Wararka ka imaanaya Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxeeysa Baladweyne iyo Maxaas ayaa waxa ay sheegayaan in goordhow halkaasi uu ka qarxay dagaal xoogan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxeeysa Baladweyne iyo Maxaas ayaa waxa ay sheegayaan in goordhow halkaasi uu ka qarxay dagaal xoogan.

Dagaalkaasi ayaa waxa uu dhexmarayaa Ciidamo ka tirsan dowlada Soomaaliya oo ka baxay Baladweyne iyo dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab oo ku sugan deegaano ku dhow Degmada Maxaas.

Wararka ayaa intaas waxa ay ku darayan in dagaalka la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan,isla markaana uu yahay  dagaalkaasi mid xoogan.

Wariyeyaal ku sugan Magaalada Baladweyne ayaa inoo sheegeen in Ciidamo ka tirsan Dowlada Soomaaliya saakay waaberigii hore ay ka baxeen Magaalada Baladweyne,isla markaana ay u baxeen howlgal ka dhan Al-shabaab.

Ilaa iyo hadda lama Og Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan ka socda inta u dhexeeysa Maxaas iyo Baladweyne.




Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip