Baryahaanbe waxaa socday ololo nin cuqdadeeysan wado, isla markaana uu ku maagayo siyaasiyiin, saraakiil ciidan, ganacsato, iyo waliba wariyayaal intuba oo hal reer kasoo jeedo, ujeedku maaha in loo jawaabo waayo waxaa layaqaan waxu uu yahay ama hadalkiisu waa dibi fadhi ka yeeray
Balse arinta aan rabo inaa ka hadlo waxa ay tahay xildhibaan heer qaran uu waraysi ka qaaday, xildhibaan kabowayne waxuu waraysigaas kaga hadlay waxyaabo badan ay ugu horayso barakicin dad gaar ah, dad badan ayaa iswaydiinayo waxa uu ula jeedo hadalkaas sababtoo ah xamar waa caasimadii somaliya mudo 23 sano ah burbursaneed waxuuna gudoomiye Muungaab balanqaaday markii la doortay in caasimadaani maqaamkii ay laheyd dib loo soo celinayo, sidaas daraadeed talaabooyinka morumarinta gobolka uu qaday waxaa ka mid ahaa in qofkii guri uusan laheen degan laga qaado qofkii lahaana lasiiyo qofkii dhul dowlo leedahay degan xiliga ay dowlada ubaahato dhulkaas iyada dib loogu celiyo waxaa soo raaco ninkii guri wado ka dhex dhistayne kadib marka waqti loo qabtay uu dhamaado ladumiyo
Xildhibaanka waa inuu cadeeyaa waxa uu dhibsaday ee maaha inuu meelaha ka yiraahdo dad gaara aa la barakicinaya balse dowlada uu xildhibaanka ka yahay waxeey leedahay nidaam cadaaalad ama maxkamado iyo meelo ku haboon ee loo gudbiyo wixii dacwo ah uu qabo hadiise waxa uu udoodayo ay tahay in nidaam daro ay shaqayso taasi marna dadka gobolka degan iyo maamulka gobolka ma aqbali karaan dulqaad haba yaraadee loo lahaan karaane majiro wixii xuquuq ah uu qofka leeyahayne kana maqan wuxuu ku raadsan karaa asigoo meelaha ku haboon dacwo ka furto.
Arinka hadalkii Gen Muungaab
Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho Gen Muungaab hadalkiisa wuu cadaa marna mid uu qof somali ah mugdi ka gali karo maaheen waad ogtihiinoo waxaa baryahaan socday hadalo lagu maagayay maamulka sare ee gobolka uu ugu horeeyo gudoomiyaha gobolka iyo waxqabadka gobolka waxeeyna baafinayeen dadka cadowga u ah gobolka ee aan rabin horumarkiisa hadalo kutiri kuteen ah iyagoo adeegsanayo saxaafada hadaba dadka dacaayadaasi fidinaye ayuu gudoomiye Muungaab lahadlaye waxa xidhibaan kabowayne diirka ka saaran ee in loo fasiro uu ubaahanyahay maxeey yihiin mise asigaaba waday dacaayada oo waxbuu isku ogyahay?
Mahmud buteeri
buteeri@facebook.com
Warka Gen muungaab ma maldahnee maxuu xildhibaan Kabowayne qonsaday?
Baryahaanbe waxaa socday ololo nin cuqdadeeysan wado, isla markaana uu ku maagayo siyaasiyiin, saraakiil ciidan, ganacsato, iyo waliba wariyayaal intuba oo hal reer kasoo jeedo, ujeedku maaha in loo jawaabo waayo waxaa layaqaan waxu uu yahay ama hada