Siyaaradi Sheekha Cilmiga iyo Dariiqada, Sheekh Axmed Gabale oo lagu soo Qatimay Qalimow (Daawo Sawiro).

0
Sunday April 05, 2015 - 13:35:29 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 5341
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaaradi Sheekha Cilmiga iyo Dariiqada, Sheekh Axmed Gabale oo lagu soo Qatimay Qalimow (Daawo Sawiro).

    Tuulada Qalimow ee Degmada Balcad ee Gobolka Shabeelada Dhexe ayaa lagu soo qatimay Siyaaradi Caalimki weynaa Asayid Sheekh Axmed Gabale iyo Sheekh Maxamed Xasan, oo ee si siman uga soo qeybgaleen Culuma'udiinka Ahlusunah Waljamaac oo ee hogaami

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tuulada Qalimow ee Degmada Balcad ee Gobolka Shabeelada Dhexe ayaa lagu soo qatimay Siyaaradi Caalimki weynaa Asayid Sheekh Axmed Gabale iyo Sheekh Maxamed Xasan, oo ee si siman uga soo qeybgaleen Culuma'udiinka Ahlusunah Waljamaac oo ee hogaaminayaan Jikooyinka waa weyn ee Ahlu Dariiqa.
Siyaarada Mashaa'iqda oo sanad waliba xiligaan oo kale Munaasabado waa weyn loogu dhigo daafaha Caalamka ayaa muuqaalada idinku soo maqan idinkaga soo diyaarinay Xadrooyinki iyo qur'aan Aqriski lagu qabtay Xarunta Sheekha ee Qalimow.

Jameecada Reer Sheekh Axmed Gabale oo horkacayo Saaxibul Sijaadaha Asayid Sheekh C/raxman Sheekh Axmed Sheekh Maxamed Xasan, (Al-Gabaliye) oo farxad aad uweyn ee hareesay Wajiyadooda ayaa Dikri Salaan Jadbo iyo Macaan badnaa oo ee kusoo dhaweenayeen Mudarasiinti horkaceesay Jameecaadki soo xaadiray Siyaaraadka Mashaa'iqda.

Culuma'udiin Dhowr ah oo isaga kala dambeeyay cod baahiyaha ayaa kahadlay qatinka banaanbaxi Siyaarada iyagoo kudheeraaday ka sheekeenta Taariikhda Sheekh Axmed Gabale oo ahaa Sheekh kulansaday Cilmiga iyo Dariiqad.

Sheekh Daa'uud Sheekh Muxumed oo kamid ahaa culimadi ku dheeraatay ka sheekeenta Taariikhda Sheekha ayaa mar uu ka hadlayay dabeecadaha Sheekha ayuu ku nuux nuuxsaday in sheekha uu tusaale cad ahaaa dhamaan dhaqankiisana laga dhadhan san jiray dhaqanki Suubanaha (SCW) .

"Sida wada ogtihiin Sheekha Cimrigiisa waxa uu ku qaatay faafinta Diinta Islaamka iyo latacaalida dadka Jiran oo sheekha Dabiibi jiray sidoo kalena waxa uu ahaa ukaalmeenta dadka baahan oo had iyo jeer quudin jiray".

Taariikhda Sheekh Axmed gabale ayaanu aheyn mid lagu soo koobi karo qoraal mid ah ayaa hadana waxa xuskaani tusaale cad uyahay sida quluubta shacabka Soomaaliyed ee ugu xardhan yihiin Culimadooda soo gaarsiiya diinteena Sharafta badan .

Dhanka kale waxa siyaarada Kasoo qeybgalay siyaasiyiin dhowr ah oo ee horkacayaan Maamulka Gobolka Shabeelada dhexe ee dowlada Soomaaliya,

Gabagabadi Siyaarada ayaa waxa duco dheer kusoo qatimay Saaxibul Sijaadaha Sheekh C/raxman Sheekh Axmed Gabale oo mahad celin iyo ducaba u hibeeyay dhamaan kasoo qeybgalayaashi Siyaarada Sheekha oo ee horkacayeen Ahlu beytka Rasuulkeeni Maxamed (NNKH) , Mudarasiinta, Mucalimiinta, Xirta, Siyaasiyiinta, Dhaqanka, Haweynka iyo guud ahaan qeybihi kala gadisnaa ee kasoo qeybgalay siyaarada.

Gunaanad iyo Mahad Naq.

Sawirada: Maxamuud Sheekh Axmed Yare.
Duubista Codka Dikriga , Xuseen Kaloore.

Dikriga Ceyniyada macaanta Badan waxa qaadayay Xirta reer Sheekh Cabdiraxman.


Dhamaad


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip