Madaxweyne Xasan"kooxaha argagixisada ah haddii ay weerarri jireen xeryaha Military-ga hadda

0
Wednesday April 22, 2015 - 07:31:14 in Wararka by
  • Visits: 1502
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Xasan"kooxaha argagixisada ah haddii ay weerarri jireen xeryaha Military-ga hadda

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi siinayey Idaacadda VOA Soomaali, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay soo gabageyneyso jiritaanka argagixisada Soomaaliya iyo dalalka dariska dhibaatada ka wa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi siinayey Idaacadda VOA Soomaali, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay soo gabageyneyso jiritaanka argagixisada Soomaaliya iyo dalalka dariska dhibaatada ka waddo.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wareysiga uga hadlay arrimo badan oo Soomaalida iyo Siyaasadda dowladda quseeya inta badan waxa uu ka hadlay arrimaha argagixisada.

"kooxaha argagixisada ah haddii ay weerarri jireen xeryaha Military-ga hadda ma awoodaan oo dadka masaakiinta ah ayeey gumaad u geystaan, weerarkii ka dhacay Jaamacadda Gaarisa, waxa uu la mid yahay kuwa ay nabad-diidku u geystaan dhammaan wadamada Caalamka, Kenya dhibaatadaas waan uga tacsiyeeyeyna haddana waan uga tacsiyeynayaa, labada dal ee Soomaaliya iyo Kenyana Iskaani ay ayeey ka sameynayaan, si looga guuleysto dhibaatada ay wadaan kooxahaasi” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweynaha oo ka jawaabayey sababaha ay Kenya Darbi weyn uga dhisaneyso ayaa ku jawaabay "Arrintaas annaga si toos ah noomma soo gaarin oo Kenya dowladda Soomaaliya umma soo gudbin, waxaan ka maqalnaa oo kaliyah Warbaahinta, iskaashiga dhanka argagixisadana umma baahna in darbi laga dhisto, haddii ay arrintaas na soo gaartana jawaabta ku habboon ee waaya-aragnimadeenna ayaan bixin doonnaa”.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in aysan jiri doonin sabab looga haro in la sii wado dagaalka argagixisada ka dhanka ah, waxaanna wadi doonnaa dagaalka nabad-diidka ka dhanka ah, si loo soo gabagabeeyo ayuu intaa ku daray.

"Soomaaliya Istaraatiijiyad cad ayeey ka qaadatay arrinta argagixisada, waad la socotaa dowladda laba mar ayeey cafis u fidisay maleeshiyaadka doonaya in ay iska diidaan ka sii mid ahaanshaha Al-Shabaab, 11-ka horjooge ee ay dowladda lacagta dul dhigtayna micnaheedu ma ahan yaanan nabad-diidka wada hadal lala gelin isku dayo badan ayeey dowladdu sameysay welina waa ay wadaa, si xal nooca nabadda lagu heli karo loo gaaro” ayuu sheegay madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa ka hadlay dhibaatada Soomaalida ku heysata wadanka Yemen, dowladda Soomaaliya waxa ay diidday in dowladda sharciga ah ee Yemen ka jirta la burburiyo, waxaan ognahay cawaaqibka dhallan kara arrintaas, mowqifa dowladda Soomaaliyeedna waa sidaas, waxaana muhiim ah in ay badbaadaan shacabka Soomaaliyeed iyo shacabka reer Yemen ee dalkaasi ku sugan, waxaan diidannahay arrinaha dadka xagjirka ah oo dhan ayuu intaa raaciyey madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda ay dadaal weyn ku bixisay sidii loo soo badbaadin lahaa shacabka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen dagaallada ka socda dalka Yemen.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa tilmaamay in uu jiro qorshe kala dhaxeeya dowladda Sacuuudiga si sharciyo loo siiyo Soomaalida waddankaasi ku nool.

Ugu dameyntii madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay guulo waa weyn ka gaartay dhinaca hirgelinta nidaamka Federaalka, waxa uu xusay in ay dhismeen laba maamul oo kala ah Jubaland iyo Koonfur-galbeed, dhowaanna uu furmay shirweynaha maamul u sameynta gobollada Mudug iyo Galgaduuud. taasi ayaana caddeyn u ah in si dardar leh ay u socdaan howlaha hirgelinta Federaalka Soomaaliya
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip