Xasan Shiikh oo ka Xanaaqay Wareysi uu Bixiyay Saaxiibkii iyo Dam-jadiid oo Laba Garab Noqotay''

0
Monday May 04, 2015 - 10:07:24 in Wararka by
  • Visits: 1907
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xasan Shiikh oo ka Xanaaqay Wareysi uu Bixiyay Saaxiibkii iyo Dam-jadiid oo Laba Garab Noqotay''

    Madaxweynaha Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa Waxaa uu ka Carooday Wareeysi uu Maalmo ka Hor Idaacadda BBC'da Laanteeda Af-Soomaaliga Sii Wasiirkii Hore Ee Arimaha Gudaha Cabdikariin Xusseen Guuleed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa Waxaa uu ka Carooday Wareeysi uu Maalmo ka Hor Idaacadda BBC'da Laanteeda Af-Soomaaliga Sii Wasiirkii Hore Ee Arimaha Gudaha Cabdikariin Xusseen Guuleed Cabdi Kariin Xusseen Guuleed oo Lagu Xanto in uu yahay Shaqsi Galaangal xoogan ku leh Xarunta Madaxtooyadda Villa Soomaaliya iyo Siyaasadda Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Waxaa uu Malin ku Hor u Waramay mid ka Mid ah Warbaahinta  Caalamka waxaa uu Si Cad uga Soo Horjeestay Shirkii Wadatashigga ee Maamulka Puntland Qeyb ka Mid ah Gobolka Mudug loogu Gacan galiyay

Cabdi Kariin Xusseen Guuleed Ayaa waxaa uu Sheegay in Shirkii Garoowe Kusoo Idlaaday uu ahaa Mid Lagu Maja Xaabinayay oo lagu Af Qabanaayo Maamulka loo sameeynaayo Goboladda Mudug iyo Gal-gaduud 

Xasan shiikh Maxamuud oo aan u Baran in ay kasoo Horjeestaan saaxibadiisa Ku Xulufadda ah ee Dam-Jadiid Cabdi kariin Xuseen Guuleed'na uu Qeyb ka yahay ayaa Ku Baraarugay Arinkaasi waxaa la sheegay in uu carro Isla Hiifay 

Madaxweynaha Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan shiikh Maxamuud  ayaa waxaa ay WARSHEEKH ogaatay in uu la Hadlay Saaxiibkii Cabdikariin Xuseen Guulled oo uu u sheegay in uu ku Dhaqaaqay Tallaabo Qalad ah  iyadoo Guulleed uu Arinkaasi sheegay in uu ku Saxsan yahay

Warar Hoose oo ay warsheekh ka heleeyso  Xarunta Madaxtooyadda Villa Soomaaliya  ayaa waxaa ay sheegayaaan in Cabdikariin Xusseen Guuleed Looga Yeeray Xarunta Madaxtooyadda Villa Soomaaliya 

Kooxda Dam-Jadiid ayaa Waxaa ay Caan Ku aheed Go'aan Adeeg Ruux Ku Dhawaaqo looga Danbeyo Iyadoo Tani ay Muujineeyso In Dam-jadiid uu ka dhacay Is Bedel Balaaan oo Hoos u Dhac ah 

Sidoo kale Wararka aanu Helnaya ayaa waxaa ay sheegayaan in uu Jiro Khilaaf u Dhaxeeya dam-Jadiid Dhexdeeda oo u kala Jabay Labo Dhinac oo ay Haatan kala Hogaaminayaan Xasan shiikh Maxamuud iyo cabdi Kariin Xusseen Guuleed

Cabdi kariin Xusseen Guuleed ayaa waxaa uu Haatan yahay Musharax u Taagan Qabashadda Xilka Madaxtinamadda Gobolada Mudug iyo Gal-gaduud
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip