Shir jaraa,id ay maanta ku qabteen magaalada Jowhar masuuliyiinta maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa lagu soo bandhigay lacag gaareysa (20.000 us Dollar) labaatan kun oo dolLarka Mareykanka oo ay soo direen Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool caasimada labaad ee dalka Denmark.
Goobta lagu soo bandhigayay lacagtaasi ayaa waxaa goobjoog ka ahaa masuuliyiinta maamulka gobolka shabelaha dhexe iyo kan degmada jowhar iyo marti kale.
Gudoomiyaha gobolka shabeelaha dhexe mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa sheegay in lacagtaasi loogu talogalay sidii wax looga qaban lahaa fatahaadaha wabiga Shabeele inta ay gaarto waxaana uu intaasi kudaray in jaaliyada ay usoo wakiisheen lacagtaasi dadka kala ah 1,C/laahi Muuse Habane 2,C/laahi Macalin Eybakar 3.Daahir Cali Cigaal iyaguna waxey u wakiisheen gudoomiyaha gobolka Shabeelaha dhexe Cali Guudlaawe Xuseen.
Sidoo kale ayaa waxaa laga codsaday Jaaliyadaha kale ee Soomaaliyeed ee kunool dalka dibadiisa in ay ku daydaan Jaaliyada Soomaaliyeed ee kunool caasimada labaad ee Denmark sida ay ugu soo gurmadeen inta tabartooda ah.
Wabiga Shabeele ayaa waxaa uu bartamaha kamaraa Gobolkan Shabeellaha Dhexe waana wabiga uu yahay mid ka koreeya Degmooyinka uu maro sida Jowhar,Balcad iyo Mahdaay sanad walbana waxaa uu kufatahaa deegaanada iyo degmooyinka uu Maro isagoo geesta qasaaro isugu jirta naf iyo maal ,waxaa lagu xusuustaa fatahaadii kasoo baxday deegaanka baareey Bishii sideedaad 2014 oo geysatay qasaaro badan.
Maamulka Sh/Dhexe oo Soo Bandhigay Qorshe Looga Hortagaayo Fahaadda Wabigga
Shir jaraa,id ay maanta ku qabteen magaalada Jowhar masuuliyiinta maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa lagu soo bandhigay lacag gaareysa (20.000 us Dollar) labaatan kun oo dolLarka Mareykanka oo ay soo direen Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool caasi