بسم الله الرحمن الرحيم
مـن أهــل الــسـنـة والـجـمـاعــة ؟
Yaa ah Ahlu-Sunna Wal-jamaaca?
Aqoonyahanno badan oo isugu jira culammaa’udiin iyo wax garad kala duwan ayaa soo jeediyey in jawaab waafi ah laga bixiyo qoraal lagu faafiyey internet-ka. Kaasoo ka hadlayey calaamadaha lagu garto dadka haysta dariiqa xaqa ah ee ahlu-sunna wal-jamaaca.
Qoraalkaas waxaa qoray firqada uu sheekha u yahay Med C/Wahaab, kuwaasoo aad u ammaanay dadka haysta caqiiddada ahlu-sunna wal-jamaaca. sida laga dhadhansanayey qoraalka waxay doonayeen inay sheegtaan ahlu-sunnah , haddana ma sheegan , maadaama ay uga baahantahay daliillo iyo caddaymo aad u fara badan, kaasoo aanu la iman Karin qof aan ahayn Ahlu-sunnati wal-Jamaacah.
Ma aha qoraal-kaas oo keliya, waxaa habkaa aan raadka cad lahayn wax u qora dhammaan firqooyinka aan ahayn ahlu-sunnada ,isla markaana aan lahayn abtiriska diineed.
haddaba , si aan u raacno dariiqa xaqa ah , ugana badbaadno waddadooyinka bidcada ee mugdiga ah , waxaa lagama maarmaan ah : -
In aan daraasayno daliillada kitaabka Ilaahay iyo Axaadiista Rasuulka CSWS ee Imaamyaalka Islaamku u cuskadeen kala caddaynta ahlu-sunnada iyo bidcada .
In kitaabbada imaamyaalka aan ka soo xiganno marxaladihii ay soo mareen Imaamyaalka Islaamka si loo ogaado qarni kasta ciddii ahayd Ahlu-Sunnah.
In aan caddayno cidda bidcada ah iyo daliilka sida ay u noqdeen bidcada iyo caalimiinta Islaamka ee caddeeyey Bidcannimadooda.
Kala caddaynta Ahlu-Sunnada iyo Bidcada
Adillooyinka ugu waawayn ee kala caddeeya ahlul-xaqa iyo ahlul-baadilka waxaa ka mid ah aayadda quraanka kariimka ee Ilaahay uu yiri:
" وأن هذا صراطى مستقيما فاتبعوه ولا تتبعوا السبل فتفرق بكم عن سبيله ذلكم وصاكم به لعلكم تتقون" الأنعام 153
Kani waa jidkaygii toosnaa ee raaca, hana raacinnina waddooyinka qalloocan si aanay idinkaga kala kaxayn Ilaahay jidkiisa; kaas ayuu Ilaahay idiin dardaarmay, si aad Ilaahay uga cabsataan.
Imaamyaalka Islaamku waxay isku raaceen in dariiqa toosan ee Ilaahay aayaddan ku sheegay uu yahay dariiqa shariicada Islaamka ee ay haystaan Ahl-sunna wal-jamaacah, sidoo kale waxay isku raaceen in dariiqa Ilaahay ka digay ee uu yiri yaan la raaacin uu yahay dariiqa Gaalada, Bidcada , munaafiqiinta iwm.
Sidaas darteed, qofkii bidci noqda laga aqbali maayo camal iyo cibaada kasta oo uu sameeyo, waayo wuxuu qaaday dariiqii qalloocnaa ee uu ka digay Rabbi (SWT)
Xadiith saxiix ah oo ay weriyeen Bukhari iyo Muslim wuxuu Rasuulku CSWS ku yiri :
Qofkii diinta Islaamka ku soo kordhiya bidcannimo ama xiriiriya qof bidci ah, ha ku dhacdo lacnaddii Ilaahay, lacnaddii malaa’ikta iyo tan dadka oo dhan, Ilahayna ka aqbali maayo waajib iyo sunna midna.
xadiis saxiix ah oo ay weriyeen Bukhaari iyo Muslim Rasuulka CSWS wuxuu yiri :
" إن أحسن الحديث كتاب الله وأحسن الهدي هدي محمد صلى الله عليه وسلم وشر الأمور محدثاتها وكل محدثة بدعة وكل بدعة ضلالة وكل ضلالة فى النار" . رواه البخاري ومسلم والنسائي عن جابر رضى الله عنه
Hadal waxaa ugu wanaagsan Kitaabka Ilaahay , hannuunna waxaa ugu wanaagsan kan Rasuulka CSWS , waxii diinka lagu soo daraana waa bdica , bidco dhanna waa baadi.
xadiis kale oo saxiixa ah oo ay weriyeen Bukhaari iyo Muslim wuxuu Rasuulka CSWS yiri :
"
من أحدث فى أمرنا هذا ما ليس منه فهو رد" رواه البخاري ومسلم وأبو داود عن عائشة رضى الله عنهاQofkii ku soo kordhiya diinteenan wax aan ka mid ahayn waa lagu celinayaa .
Xadiis kale oo ku macna ah xadiiskii aan soo sheegnay wuxuu Rasuulku yiri :
"
إياكم ومحدثات الأمور فإن كل محدثة بدعة وكل بدعة ضلالة" رواه أبو داود والترمذيsababta bidcadu ku mutaysteen xumaantaas waxaa ugu weyn beenta ay ka sheegaan Imaamyaalka iyo fasirka Diinta Islaamka . Rasuulka oo taas noo caddaynaya wuxuu ku yiri xadiiska saxiixa ah oo ay weriyeen Bukhaari iyo Muslim
"
يدعون إلى كتاب الله وليسوا منه فى شيئ" رواه البخاري و مسلم)Bidcadu ) kitaabbka Ilaahay ayey dadka ugu yeerayaan waxna kama haystaan kitaabka Alle.
Rasuulka CSWS wuxuu xaddithkan ku cadaynyaa : In dadka bidcada ah ay afka uun ka yiraahdaan Kitaabka Alle , kitaabka alle, laakiin dhaqankodu ka fogyahay kitaabka Rabbi SWT , Sunnada Rasuulka CSW iyo guud ahaan Shariicada Islaamka.
Haddaba haddii Ilahay SWT iyo Rasuulkiisu sidaas u caddeeyeen in bidcada aan lag aqbalayn lagana yeelayn quraanka iyo xadiithka ay aqrinayaan , qofkii raacana uu naarta gelayo.
Haddii Ilahay SWT iyo Rasuulkisu caddeeyeeen dariiqa ay raalliga ka yihiin oo ah dariiqa ay diinka ku fasireen Imaamyaalka ahlu sunna wal jamaaca waxaa qofka muslimka ah ku waajib ah inuu noqdo ahlu sunna wal-jamaaca, waxaana ka xaaraam ah inuu raaco dadka bidcada ah.
sidaas awgeed , qof kasta oo ka hadlaya, wax ka qoraya ama sheeganaya ahlu-sunnah wal-jamaaca , waxaa laga rabaa inuu caddeeyo Imaamyaalka ah Ahlu-sunna ee qarni kasta, uuna ka billaabo Qarnigii koowaad ee uu ku sugnaa Rasuulka CSWS ilaa waqtigan aan joogno , markaaas waxaa caddaanaya cidda ahlu-sunnada ah, ee ku sifowdey xadiiska saxiixa ah ee Rasuulka CSWS uu yiri :
"
ولن تزال هذه الأمة قائمة على أمر الله لا يضرهم من خالفهم حتى يأتى أمر الله" رواه البخاري ومسلم وأبو داود والترمذيXadiiskan oo ay weriyeen Imaam Bukaari , Imaam muslim , Imaamu Abuu daawud, iyo Imaam Tirmidi wuxuu macnihiisu yahay
" Ummaddaydu waxay weligood ahaanayaan kuwa ku taagan Ilaahay diinkiisa, cidii khilaaftana waxba kama dhibayso ilaa qiyaamadu timaado ".si dhamays tiran ayaa loo arkay ballan qaadkii Rasuulka csw , waayo waxay Ahlu-sunna wal-jamaaca noqdeen:
1. Jamaacada keliya ee aan marna ku baabi’in weerarka iyo shirqoollada kaga yimaada gaalada , munaafaqiinta , bidcada iyo guud ahaan cadawga Diinta Islaamka, guushuna ku danbeyso gacantooda .
Firqooyinka kale ee bidcada ah ma aha sida ahlu-sunna oo kale , mar wey soo baxaan , marna wey baaba’aan, tusaale waxaa noogu filan bidcooyinkii hore , sida bidcadii Muctasilada , bidcadii Qadariyada , bidcadii khawaarijta, bidcadii faadimiyiinta , sanaadiqadii baadiniyada , bidcadii Jahmiya iwm. weliba bidcooyinkan waxaa ka mid ahaa kuwa aad u xoogaystay oo qabsaday waddama iyo magaalooyin waawayn, kuwaas ay ka mid ahaayeen faadumiyiinta , baadiniyada , iyokuwii la midka ahaa ee dhibaatooyinka waaweyn u geysan jiray Ahlu-sunnada.
2. waa Jamaacada keliya ee waqti kasta ugu badan muslimiinta, Qarni kastana ay ka soo baxaan Imaamyaalka ugu waawayn ugana faraha badan caalimiinta Diinta Islaamka.
Haddaba si aan uga faa’iidaysanno caddaymahaas , waxaan qoraalkan ku soo gudbinaynaa imaamyaalkii Qarni kasta ugu waawaynaa caalimiinta diinta Islaamka , waxaanna ka billaabaynaa qarnigii ugu fadliga badnaa ee uu dhexdiisa joogay Rasuulkeenna muxammad CSWs.
"
خير القرون قرني ثم الذين يلونهم ثم الذين يلونهم "
Qarnigii 1-aad
Saxaabadii Rasuulka & Taabiciinta
"
والسابقون الأولون من المهاجرين والأنصار والذين اتبعوهم بإحسان رضي الله عنهم ورضوا عنه" . الآية التوبة 100Qarnigii 1-aad ee hijrigu waa sabanka ugu fadliga badan Qarniyada , waa Qarnigii Ilaahay soo bixiyey Rasuulka CSW , Qarnigii Asaxaabtu ka waraabtay cilmigii waxyiga ee kitaab-ka Ilaahay iyo Sunnada Nabiga CSW .
Asaxaabta xanbaartay cilmiga barakaysan ee waxyiga waxaa ugu waawaynaa khulafaa’u Raashidiinta oo kala ah Abuubakar Al-Sadiiq , Cumar Ibnul-Khidaab , Cusmaan Ibnu Cafaan iyo Cali Ibnu Abii Daalib , dhammaantood Allaha ka raalli noqdee.
Khululufaa’u-Raashidiintu waa imaamyaalka ugu cilmiga iyo
ٍfadliga badan khulufadii uu Rasuulku amray in laga qaato sunnadooda."
عليكم بسنتى وسنة الخلفاء الراشدين المهديين عضوا عليها بالنواجد" .Saxaabadii kale ee Cilmiga ka qaatay Rasuulka csw waxaa ka mid ahaa , caalimiin ay ka mid yihiin Caa’isha (hooyadii muuminiinta) , Dalxa ibnu cubaydillaah, Subayr Ibnul-Cawaam, Cabdu-Raxmaan Ibnu Cawf, sacad Ibnu abii Waqaas , saciid bnu Sayd , Cubaydata Ibnul-Jarraax , Ubaya Ibnu Kacab, Sayd ibnu Saabit ,Ubaya ibnu kacab , Mucaad ibnu Jabal, Abuu muusal Ashcari, Abuu Hureyra , Abuu Dardaa, Abuu Saciidul-Khudri , Aanas ibnu Maalik iyo saxaabtii la midka ahaa.
Ugu danbayntii wuxuu cilmigii Asaxaabtu isugu soo aruuray caalimiintii asaxaabta ee kala ahaa Cabdullaahi Ibnu Cabbaas , Cabdullaahi Ibnu Mascuud , Cabdullaahi Ibnu Cumar RC.
Taabiciinta
رضي الله عنهم ورضوا عنه
" التوبة 100 "والذين اتبعوهم بإحسان"Haddaba haddii saxaabada cabaadalada ee kor ku xusan ay urursadeen Cilmigii laga weriyey Rasuulka CSW , waxaa iyagana cilmigii ka xambaaray imaamyaalkii ugu waawaynaa Taabiciinta , sida : Saciid Ibnu musayb, Curwata Ibnu Subayr , Qaasim ibnu muxammad, cadaa ibnu Rabaax, Siciid Ibnu Jubayr , mujaahid , Masruuq , Khaarijah, Abul-caaliyah , xasanul-Basri , Bakar ibnu C/Rraxmaan , Calqamah , Sulaymaan Ibnu Yasaar , Aswad Ibnu Yaziid , C/llaahi Ibnu Cutbah , Masruuq Ibnul Ajdac , Xaarisata Ibnu Zayd , Aswad Ibnu Yaziid , Abul-caaliyah , xasanul-Basri , Ibraahiim Al-Nakhaci , muxammad Ibnu Siiriin , Naafic
, Ibraahim Al-Nakhaci , Aswad ibnu Yasiid Al-Nakhaci, Al-Sayid Saynul- Caabidiin, Cubaydillaah , Saalim ibnu Cubaydillaah, Cikramah, Khaarita Ibnu Sayd, Makxuul, Suhri , Camar Ibnu Diinaar, Cumar Ibnu Cabdil-Casiis iyo Taabiciin kale oo aad u fara badan.Cilmigii Taabiciinta ee laga bartay Asaxaabta Rasuulka CSWS wuxuu isugu soo biya shubtay taabiciinta ay kamidka yihiin
Al-Sayid Abuu Muxammadul-Baaqir, Xasanul-Basri , Cumar ibnu diinaar , Suhri , Ayuubu Sakhtiyaani , C/llaahi Ibnu Diinaar , Ibnu Siiriin, Ibraahiim Al-Nakhaci, Hishaam Ibnu Curwah, Rabiicatu Ra’y Naafic iyo imamyalkii la midka ahaa .
Qarnigii 2-aad
Taabicu – taabiciinta & Imaamyaalkii Madaahibta
"
خير أمتى القرن الذين يلونى ثم الذين يلونهم ثم الذين يلونهم رواه البخاري ومسلم "cilmigii Taabiciinta ee laga dhaxlay Saxaabada Rasuulka CSWS , waxaa xambaaray imaamyaalkii ugu waawaynaa Taabicu –taabiciinta ee ay ka mid ahaayeen Imaamyaalka madaahibta.
Xilligan Taabicu Taabiciinta waxaa billaabmay qoristii Culuumta diinta Islaamka. Waqtigan waxaa qoritaanka cilmiga safka hore kaga jirey Imaamyaalkii madaahibta oo ay ka mid yihiin imam Abuu xaniifah iyo Imaam maalik.
Imaamyaalkii ugu waawaynaa taabicu taabiciinta waxaa ka mid ahaa : Asayid Jacfaru Saadiq , Xabiibul-Cajami , Imaam abuu xaniifah, Imaam maalik, Imaam Ibnu Jureyj , Imaam Sufyaanu Sawri , Imaamul- Awsaaci , Imaam Lays Ibnu Sacdi .
Waxaa la xiriiray Imaam sufyaan Ibnu Cuyeynah , Imaam Ibraahim Ibnu Ad’ham , Imaam Fudayl Ibnu Cayaad , Imaam Wakiic , Imaam Macruuf Al-Karkhi , Imaam C/llaahi Ibnu Mubaarak, Imaam Shaafici , Imaam yaxyaa Ibnu Qadaan , Imaam Ibnu Mahdi iyo Imaam-yaal-kii la mid ka ahaa.
Imaamyaalka madaahibta ee qarniga labaad waxaa lagu khatimay Imaam shaafici oo geeriyooday 204-tii hijriya.
Imaamyaalka Qarnigii labaad xoojiyey
Madaahibta Xanafiya iyo MaalikiyaXanafiya
Imaamyaalkii gacanta weyn ka gaytay xoogaysiga mad’habta barakaysan ee xanafiyada waxaa ka mid ahaa : Imaam Sufar, Imaam Daa’uudu Daa’i, Imaam ibnu siyaad Al-lu’lu’i, Imaam Usdi Ibnul-Furaat, Imaam Abuu Yuusuf , Imaam Muxamad Inul-Xasan Al-Shaybaani labadan imaam ayaana ah imaamyaalka door ugu weyn ku leh mad’habka.
Maalikiyah
Imaamyaalkii mad’habka maalikiyada u istaagay waxaa ka mid ah Imaam Ibnu Wahbin, Imaam abul-Xasan al-Tuunuzi , Imaam Imaam Ibnu Cabdil-Xikikam iyo imaamyaal kale.
Qarnigan labaad waxaa kale oo ku sugnaa Imaamyaalkii suufiayda oo ay ka mid yihiin abuu Sulaymaan Al-Daaraani , Imaam Fudayl Ibnu Cayaaad, Imaam Du-nuu Al-Misri , iyo Imaamyaal kale
Qarnigii 3aad
Imaamyada cilmiga ka qaatay Imaamyaalka Madaahibta.
cilmiga taabicu taabiciintu ka dhaxleen taabiciintii Saxaabada Rasuulka waxaa dhmaantiis dhaxlay caalimiintii diinta ka bartay imaamyaalka madaahibta . Imamyaalkii ku sugnaa billawga qarniga 3-aad waxaa ka mid ahaa Imaam Axmad ibnu Xanbal oo ah imaamka mad’habka xanbaliyada , Imaam Yaxya ibnu Maciin Imaamka cilmiga Jarxiga iyo Tacdiilka , Imaam Abuu Thawr , Imaam Isxaaq Ibnu Raahawayhi iyo imaamyaal kale oo aad ugu waawayn Diinta Islaamka.
Imaamyaalka qarniga saddexaad waxaa ku sugnaa Imaamyaalkii Axaadista Rasuulka oo kala ah Imaam Bukhaari , Imaaam Muslim , Imaam Abuu Daa’ud , Imaam Tarmadi , Imaam Nasaa’i iyo Imaam Ibnu Maajah. Imaamyaalkan axaadiista ee uu imam Bukhaari ugu weynyahay waxay cilmiga ka qaaateen Imaamyaalka madaahibta .Waxaa isla qarnigan 3-aad la diiwaaniyey qawaacidda cilmiga Tasawufka Suufiyada oo uu ssheekh u ahaa Imaam Abul-Qaasim Al-Junayd , dabayaaqadii Qarnigan waxaa soo baxay Imaam Abul-Xasan Al-ashcari iyo Imaam Abuu Mansuur Al-Maaturiidi oo kala ah Imaamyaalka Ashcariyada iyo Maaturiidiyada.
Imaamyaalka Qarnigii 3-aad xoojiyey Madaahibta
Xanafiya , Maalikiya , Shaaficiya iyo Xanbaliyah
cilmigii laga dhaxlay asaxaabta taabiciinta iyo taabiciinta wuxuu isugu soo biya shubtay oo ku soo aruuray caalimiinta Diinta ka bartay Imaamyaalka Madaahibta . waxaa imaamyaalkaas ka mid ahaa :-
Imaam Abuu Lays, Imaam Muxamad Al-Salaj, Imaamu Dawlaabi . Imaamul – Mawaaz, Imaam Abuu Isxaaq Al-Qurdubi, Imaam Ismaaciil Al-qaadii , Imaam Ibnu Cabduus , Imaam Ibnu Saxnuun , Imaam abuu Marwaan Al-Maajisuun , Imam Muzani , Imaam Rabiic , Imaam Sacfaraani , Imaam Abuu Sawr , Imaam Anmaadi, Imaam Ibnu sureyj . Imaam Al-Marwasi , Imaamul – Athram, Imaam Ibraahim Al-Xarbi , Imaam Abuubakar al-Khallaal,
Tan waxay kuu caddaynasaa in afarta mad’hab ay taabba galeeen waqtigii salafu –Saalixa , imaamyaalka madaahibtuna yihiin caalimiinta ahlu-sunna wal-jamaaca ,sidaas darteed firqooyinka diidan madaahibta ay yihiin Bidca ka soo horjeedda salaf-kii suubbanaa iyo guud ahaan Ahlu-sunna wal-jamaaca .
Mujtahidiinta kale ee cilmiga ka qaatay Imaamyaalka Madaahibta
Mujtahidiintii , caalimiintii iyo caarifiintii ku sugnaa qarniga 3-aad ee cilmiga ka qaatay imaamyaalka madaahibta waxa ka mid ah : IMaam Abuu Cubayd , Imaam Ibnu Khuzaymah , Imaam Abuu sawr , Imaam Sarriyu Saqdi al-sufi , Imaam Bishri ibnul-Xaaris al-suufii , Imaam Axmad Ibnu Abil-Xawaari asuufi, Imaam Bishri al-xaafii, Imaam Ibnu masruuq asuufi , Imaam abuu cusmaan Al-Xiiri alsuufi, Imaam Ibnu Cabdil-Jabbaar asufi .
Saddexdan qarni & Ahlu-sunna wal-jamaca
waxaan soo ogaanay in Axaadiista saxiixa ah ee ay weriyeen Bukhaari iyo muslim , uu Rasuulka CSW ku caddeeyey in imaamyaalkii ku suganaa saddexdan qarni ay yihiin kuwa ugu fadliga badan muslimiinta,
عن عائشة رضى اله عنها قالت : "شأل رجل النبي صلى الله عليه وسلم أى الناس خير ؟ قال : القرن الذى أنا فيه ثم الثانى ثم الثالث" . رواه مسلم وأحمد.
Sida aad arkaysiin saddexdan qarni waxaa ku sugnaa imaamyaalkii madaahibta , imaamyaalkii suufiyada , Imaamyaalkii Ashcaiyada iyo maaturiidiya.
Nasiib wanaag ummadda soomaaliyeed waxay ka mid yihiin malaayiinta muslimiinta ah ee haysta madaahibta ahlu-sunna kuna abtirsada Imaamyaalkaas Salafka ah .
waa dad shaaficiya ah , Ashcariya ah, Suufiya ah . kuna abtirsada Rasuulka CSWS.
Imaamka mad’habteenna Sheekh Shaafici, waxaa sheikh u ah Imaam maalik oo sheekhiisu yahay Imaam Naafic oo diinta ka qaatay Cabdullaahi ibnu Cumar ibnul-haddaab RCM oo ah Saxaabi diinta ka qatay Rasuulkeenna Muxammad CSW.
·
Imam Junayd, waa imaamka suufiyada ee ay ku abtirsadaan labada dariqa ee Qaadiriyada iyo Axmadiyah – idriisiyah-, imaam Junaydi waxaa sheekhyadiisa ka mid ah Imaam Sarri Saqdi , oo uu sheekh u ayhay imam Fudayl Ibnu Cayaad oo sheekhiisu yahay Al-Sayid imaam Jacfaru-Saadiq oo uu sheekh u yahay Al-sayid Imaam Muxammadul-Baaqir oo sheekhiisu yahay Aabbihii Al-sayid Imam Saynul-Caabidiin , Al-Imaam Al-Sayid Xasan ( Sibdigii iyo reexaantii RAsuulka wiilkii faadimatu-Sahra oo dhaxlay Aabihii Al-Sayid Cali Ibnu Abii – Daalib oo cilmiga ka qaatay Rasuu-ka suubban CSWS.·
Imaam Ashcari, waa Imaamka culamada soomaaliyeed ugu abtirsadaan dhanka caqiiddada , waxaana mudda kun sano ah ku abtirsanayey imaamyaalka ugu faraha badan culammada diinta Islaamka. Imaam Ashcari waxaa sheekhyadiisa Cilmiga ka mid ah Imaam Isxaaq Al-Marwazi, oo ka qaatay Imaam Ibnu Surayj, Imaam Anmaadi , Imaam Rabiic iyo Imaam Musani Imaam Shaafici , Imaam Muslim Ibnu Khaalid, Imaam Ibnu Jurayj, Imaam Cadaa , Imaam C/Laahi Ibnu Cabbaas RC oo ka qaatay asaxaabtii waawaynayd iyo Rasuulkii Ilaahay SCW. Abtiriskaan nuurka leh wuxuu kuu caddaynayaa :-Ð In Soomaaliya ay weligood haysteen dariiqa ahlu-sunna wal-jamaaca eek u abtirsada salafka suubban iyo Rasuulka CSW .
Ð
in Wahaabiyada iyo dhamman kooxaha gadaal ka yimidna ay yihiin bidca aan lahayn abtiris diineed , khilaafsanna ahlu-sunna , si khaldanna u fasirta diinta Islaamka.Culammada soomaaliyeed waxay aaminsanyihiin in maaturiidiya ay la mid yihiin Ashcariya oo ay yihiin ahlu-sunna wal-jamaaca , waxay culammadeennu aqriyaan kutubta Maaturiidiyada sida Bad’ul-Ammaal-ka iyo Nasafiyada .
Imaamka maaturiidiyada waxaa la yiraahdaa Muxammad Ibnu Muxammad Ibnu Maxamuud (Abuu Mansuur Al-Maaturiidi ) imaamka wuxuu ku sugnaa Qarnigii saddexaad dhammaadkiisa ilaa billawga qarnigii 4-aad. imaam Maaturiidi wuxuu culuumta diinta ka qaatay Imaam Abuu Nasri al-Cayaadi oo isna ka qaatay Imaam Muxammad Ibnu muqaatil , oo ka qaatay , Imaam Wakiic , oo ka qaatay , Imaam abuu Xaniifah , oo ka qaatay , Imaam Cadaa Ibnu Abii Rabaax , oo ka qaatay saxaabigii jaliilka ahaa al-Sayid cabdullaahi Ibnu Cabbaas RC oo ka qaatay xabiibkii Rabbi SWT ee Rasuulkeenna Muxammad CSWS.
waxaa kale oo imaam maaturiidi dhinaca cilmiga ku abtirsadaa :
Al-Imaam abuubakar Al-Jawzjaani , oo ka qatay Imaam Abuu Sulaymaan Muusaa Al-Jawzjani , oo ka qaatay Imaam Abuu Yuusuf iyo Imaam Muxammad Ibnu Xasan Al-Shaybaani oo ka qaatay Imaam Abuuxaniifa oo ka qatay Imaam Xammaad Ibnu Abii sulaymaan , oo ka qaatay khaadimkii Rasuulka Aanas ibnu Maalik RC oo ka qaatay Rasuululaahi Muxammad CSWS.
Caalimiinta ku abtirsada afarta mad’hab , Suufiya , ashcariya iyo Maauriidiya ma aha kuwa mar baaba’a marna soo baxa sida bidcada waa kuwa jooga qarni kasta; sidaas awgeed , ku sifoobay Xadiskii Rasuulka CSWS uu ku tilmaamay firqada xaqa ah ee uu sheegay in aanay weligeed kala go’ayn.
Waxaan soo ogaannay sida saddexdii qarni ee aan soo xusnay ay isugu xirnaayeen Rasuulka CSW Asxaabta , Taabiciinta , iyo imaamyaalka madaahibta iyo Tasawufka ; haddana waxaan halkaan ka sii wadaynaa qarniyada dhimman oo uu ugu horreeyo :-
Qarniga 4-aad
Qarnigii u horeeyey ee la xiriirey Salafka
Imaamyaalkan ugu horreeya Qarnigan afaraad ee hijriga waxay cilmiga ka barteen Imaamyaalk ii qarniga 3-aad ee salafu saalixa ahaa . sidaas darteed , cilmigoodu waa cilmigii salafka ee saxaabada Taabiciinta iyo taabicu taabiciinta.
Qarnigan waxaa la qoray fanniga Cilmul-Xadiiska ee loo yaqaan Musdalaxa, waxaana qoray Imaam Raamhurmusiy, waxaa la xoojiyey diiwaaninta cilmiga caqiiddada oo qawaaciddiisa laga soo guuriyey salafkii suubanaa. waxaan caalimiinta cilmigaas u istaagay imaamyaal u ahaa : Imaam Abul-Xasan Al-Ashcari iyo Imaam Abuu Mansuur Al-Maaturiiddi.
Waxaa kale oo qarnigan ku sugnaa Imaamyaalka ugu waawayn ee wriyey kutubta ugu waawayn Axaadiista ee ay ugu horreeyaan saxiixul-bukhaari iyo saxiixul-muslim.
Waxaa qarnigan 4-aad culamma u ahaa imaamyaal ahlu-sunna ah oo isugu jira Culmmada tafsiirka Axaadiista , caqiiddada , Fiqhiga , Tasawufka, Carabiyada iyo dhammaan culuumta diinta Islaamka .
Dhammaan imaamyaalka aan ku sheegi doonno qarniyada soo socda oo uu ugu horreeyo qarniga 4-aad waxay isugu jiraan culamma haysata 4-ta mad’hab , Ashcariya Maaturiidiya ama suufiaya , lagama yaabo in aad ka hesho hal Imam oo aan intaas ka mid ahayn. Imaamyaalka Qarniga 4-aad waxaa ka mid ah:
Imaamu Daxaawi , Imaamu-Dabraani , Imaamu Daaraqudni , Imaam Ibnu Sunni, Imaamul Jassaas, Imaam Qafaal Al-Shaashi , Imaam Abuu Sayd Al-Marwasi Imaam Abii sayd Al-Maaliki , Imaam Ibnu Sayd Al-Qaswiini, Imaam Ibnu Mujaahid, Imaam Ibnu Xibbaan , ImaamUl-Khaddaabi, Imaam Abu-Shaykh, Imaam abuu Nucaym Al-asbahaani, Imaamul-Khiraqi Al-Xanbali, Imaamu Sacluuki , Imaamul-Asfaraayiini, Imaamul-Baaqillaani , Al-Imaam Nasri Abaadii, Imaam Jaluudi Al-suufi (raawiga saxiixu Muslim)
Qarniga 5-aad
Xiriirkii 2-aad ee Salafka
Imaamyaalka Qarnigan waxaa ugu waawaynaa caalimiintii cilmiga ka xanbaaray imaamyaalkii qarniga 4-aad, oo aan soo ogaannay in caaradkoodu uu cilmiga ka qaatay imaamyaalkii salafu-saalixa . Waxaa caalimiintii ugu waawaynaa ee qarnigan ka mid ahaa :-
Xaafidkii weynaa ee Imaamul-Xaakim , Imaaam Cabdul qaahir albaqdaaadi , Imaamul-Bayhaqi Al-Xaafid, Imaam Abul-Muciin Al-Nasafi , Imaam Ibnu Cabdil-Bar Al-xaafid, Imaam Abul-Yusri Al-Basdi , Al-Imaamul –Juwayni, Al-Imaamu shiiraasi , Alxaafidul-cabdawi, Al-imaam Abuu Nucaym Al-Xaafid, Al-Imaam Ibnul-Qaabisi,Al-Imaam Khadiib al-baqdaadi Al-xaafid, Al-Imaam Al-Shiraasi Al-Imaam Abul-Waliid Al-baaji, Al-xaafid Ibnul-Mandah, al-Xaafidul-harawi,Al-Imaamul-Qushayri, Imaamul-Xaramayn , Imaamul-Gasaali , Imaam Ibnu Caqiil al-Xanbali , Imaam Abuu Daril-Harawi Al-Xaafid Imaam Ibnu Asiir Al-Xaafid, Imaamul-Baqawi.
imaam C/Qaahir Al-baqdaadi oo ah sheekha ImamBayhaqi , kana mid ah caalimiin waawayn oo qayb wayn ka soo qaatay Qarnigii 4-aad wuxuu ku qoray kitaabka " Al-Farqu baynal Firaq" in ahlusunna wal-jamaaca yihiin Imaamyaalka Fanni kasta ee Diinta Islaamka, mujaahidiinta iyo Caamada raacsan ahlu sunnah , ee u nisba sheegta kuna xiran Imaamyaalka Madaahibta , Ashcariya , Maaturiidiya iyo Suufiya oo imaamku aad u ammaanay . xaqiiqadan uu qoray Imaam C/Qaahir wuxuu u cuskaday qawaacidda iyo cilmiga salafka oo aan soo ogaannay sidii ay isugu xirnaayeen
.
Qarnigii 6-aad
Xiriirkii 3aad ee SAlafka
Qarnigan cilmigii laga qatay culammada qarniga 5-aad oo aan soo ogaanay in laga dhaxlay Salafkii suubanaa wuxuu isugu soo uruurray 4-ta Mad’hab , Suufiya , Ashcariya iyo Maaturiidiya
Imaamyaalkii ugu waawaynaa Ahlu-sunna wal-jamaaca ee qarnigan waxaa ka mid ahaa :
Al-Imaam Al-Xaafid Al -Farraawi, Al-Imaam Al-Xaafid Ibnu Casaakir , Al-Imaam Al-Saahid Al-Caarif Axmadu-Rufaaci, Al-xaafid Abuukar Ibnul-Carabi, . Al-Imam Isxaaq al-Nasafi, Al-Imaam al Qudbu Cabdul-qaadir Al-Jiilaani, Al-IXaafid – Samcaani, Al-Imaam Najmu-diin Al-Nasafi, Al-Imaam Abu-Najiim Al-Saharawurdi, Al-Xaafid Qaadii Cayaad, Al-Xaafidu -suhayli, Al-Imaam Ibnul-Xaajib, Imaamu-Raafici , Imaam Fakhru-Diin Al-Raasi. Alxaafid Al-Mundiri, Al-Xaafid Al-Yuuniini.
Qarniga 7-aad
Qarnigan waxuu la midyahay Qarnigii ka horreeyey ma jirin hal imaam oo aan haysan Madaahibta Islaamka taas waxay kuu caddaynaysaa in cilmigii saxaabada , Salafka iyo imaamyaalkii la xiriirey uu isugu soo aruuray madarasadaha ahlu-sunna wal-jamaaca ee ku mideysan Xanafiyah , Maalikiyah , Shaaficiyah iyo Xanbaliyah. imaamyaalkii qarnigan ugu wawaynaa waxaa ka mid ahaa :-
Al-Imaam Ibnu salaax Al-Xaafid , Imaam Ibnu Quddaamah, imam Abuu Shaamah Al-Xaafid, Imaam Cabdul-Gani Al-Maqdasi Al-Xaafid, Al-Imaam Saharawurdi, Al-Imaaamul-Barsaali Al-Xaafid, Al-Imaam Cisuddinn ibnu cabdi-salaam, Al-Imaam Ibnul-Xaajib, Al-Imaam Salaaxudiin Al-Ayuubi, Imaamu-Shaadali, maamu-Nawawi Al-Xaafid, Imaam Ibnu-Kallikaan, Imaam Majdu-diin Al-Xanafi, Imaam Ibnu Daqiiqil-Ciid Al-xaafid , Imaamu-Damyaadi Al-Xaafid, Al-Imaam Shamsu-Suruuj. Al-Imaam Ibnu Abii Jamrah Al-xaafid.
Qarnigan dhammaadkiisa waxaa ka soo baxay Bidcada diida Tawasulka , isla waqtigiina waa la baabi’yey bidcadaas ilaa laga soo gaaro qarnigii 2-aad oo uu bidcadaas dib u soo nooleeyey maxamed C/Wahaab . arrintan waxaan si fiican ugu faah faahin doonnaa qoraalladeenna soo asocda (inshaa’allaah).
Qarniga 8-aad
Qarnigan wuxuu la midyahay Qarniyadii ka horreeyey culammada oo dhan waxay haysteen 4-ta mad’hab iyo Tasawuf-ka . Imaamyaalkii ugu waawaynaa Qarnigan waxaa ka mid ahaa:-
Al-xaafid Ibnu Sayidi-naas, Al-Imaam Fakhru-Diin Al-Saylaci, Al-Xaafid Qaadii Sacdudiin Al-Xanbali, Al-Xaafid Qudbu-Diin Al-Xanafi, Al-Xaaafidu –Subki, Al-Xaafidul-Calaa’i, Al-Xaafid Qudbu-Diin Al-Xalabi, Al-Imaam Al-Qaraafi, Al-Xaafidu-Saylici, Al-Imaam Ibnu Cadaa’i-Llaah, Asayid Sharfu-diin Al-Xusayni, Al-XAafidul_Misi, Al-Imaam Inul-Xaaji, Al-Xaafid C/Qaadir Al-Qurashi, Al-Xaafidu-Dahabi , Al-Xaafid Ibnu Kasiir, Al-xaafid Ibnul-Mulaqin, Al-Imaamul-yaafici, Al-Xaafid Cisu-Diin Ibnu Jamaacah, Al-Sayid Al-xaafid Abul-Muxaasin Al-Xusayni, Al-Xaafid calaa’u-din Muqladaay, Al-Xaafidul-Ciraaqi, Al-Xaafid IBnu Rajab Al-Xanbali, Al-Xaafidul-Haysami,
Qarniga 9-aad
Imaamyaalkii qarnigan ugu waawaynaa waxa ka mid ahaa :-
Al-xaafid al-sayid Taqiyudiin Al-maki, Al-Xaafidul-Jasari, Al- Xaafid Ibnu Xajar Al-csqalaani, Al-Xaafidul-Buusuuri, Al-xaafid waliyu-diin al-ciraaqi, Al-xaafidul-Cayni, Al-xaafid Naasiru-diin al-dimishqi, Al-Imaam Kamaalu-Diin Ibnul-Himaam, Imaam Burhaanu-Diin Al-liqaani, Asayid Al-Imaam Taqiyidiin Al-Xisni, Al-Xaafid Sakatiyul-ansari, Imaam Ibnu Wardi . al-imaamul Al-Ashmuuni, imam ibnu mubarrad Al-Xaafid Al-sayid Ibnu Fahdi Al-Calawi, Xaafidu-Suyuudi, Al-Suldaan Muxammad Al-Faatix, Xaafidu Sakhaawi, Xaafidul-Qasdalaani. Imaam Ibnu Hishaam Al-Naxwi. Imaam Ibnu Cadiyata al-iskandari.
Qarniga 10-aad
Al-Xaafidu Daawuudi , Imam ibnu qaadii cajluun , al-imaam Shamsu diinul- qaraafi , xaafid ibnu duuluun , alimaam ibraahiim al-dasuuqi , alxaafid al-qalqashandi , Al-Imaam Al-Ramali, Al-Xaafid Ibnu duuluun, Al-Xaafid Xasaamu-diin Al-Hindi, Imaam Ibnu Xajar Al-haytami, Al-Xaafidu-Daybici , Al-Imaam shamsu diin al-xaskafi , Al-Xaafid Caliyul-Qaarii, Al-Imaam Khadiib Al-Sharbiini , al-Imaam sayid kamaalu-diin al-xusayni, Imaam Shamsu diin ibnu Imaamul-kaamiliyah, al-imaam shamsu diin samnuudi ,
Al-xamdu lillaah , sidaas ayey isusoo dhaxleen culammada ahlu-sunna wal-jamaaca.
Muqaddimada SAxiixu muslimka waxaa ku sugnaa in Salafkii Suubanaa Ay Imaam Cabdullahi bin Mubaarak ka weriyeen in uu yiri:
"بيننا وبين القوم القوائم" رواه مسلم فى مقدمتهannaga iyo qawmaka bidcada waxaa noo dhaxeeya Isnaadka (abtirsiyaha diinta)
Allaahu akbar , Waa kuwaas Imaamyaalkii Ahlu-Sunna Wal-Jamaaca ee kala dhxlay diinta Islaamka, laga soo billaabo waqtigii Rasuulka CSW ilaa qarnigii 10-aad , waa kun sano oo aan nasiib u yeelannay inaan maqaalkan kooban ku qorno imaamyaalkii dhaxlay kuna abtirsanayey Rasuulka CSWS .
فماذا بعد الحق إلا الضلال
Xaq waxaan ahayn sow ma aha baadi ?
wax kasta oo aan xaq ahayn waa badil . lagama yaabo in kooxaha wahaabiyadu ay keenaan wadaadda wahaabiyaha oo sidaas isugu xiran qarni kasta, xataa ma soo qori karaan hal sheekh oo wahaabi ah oo ku sugnaa hal qarni oo ka mid ah qarniyadan , waayo sheekha wahaabiyada ee muxammad Cabdil – wahaab gebigiisuba wuxuu soo abxay qarnigii 12-aad ee hijriga .
Taas beddelkeeda waxaad soo ogaateen
1. In culammada suufiyada iyo madaahibtu ay ku sugnaayeen qarniyadii ugu badnaa ee aan soo sheegnay.
2. in imaayaalkoodu ahaayeen salafkii Diinta ka qaatay taabiciintii cilmiga ka bartay Asaxaabta Rasuulka CSWS.
3. In imaamyaalka suufiyada iyo madaahibta ay ka mid ahaayeen caalimiintii ugu waawaynaa ee weriyey , qoray , sharxay dhammaan kitaabbada diinta Islaamka
Ð
waa shekhyadii Tafsiirka Quraanka kariimka .Ð
Axaadiista Rasuulka CSWS.Ð
Caqiidada diinta .Ð
Fiqhiga Islaamka ,Ð
Musdalaxa Culuumta Xadiiska ,Ð
Usuul Fiqhiga .Ð
Culuumta Carabiyada ,Ð
Siirada Rasuulka CSW iyo Saxaabada RC .Ð
Culuumta Taariikhda .Ð
Cilmiga Jarxiga iyo Tacdiil-ka .Ð
Adabka Carabiga iyo dhammaan qaybaha culuumta Diinta Islaamka.الحمد لله ... ولولا الإسناد لقال من شاء ما شاء
و
قال رسول الله صلى الله عليه وسلم من يرد الله به خيرا يفقهه في الدين والله المعطي وأنا القاسم ولا تزال هذه الأمة ظاهرين على من خالفهم حتى يأتي أمر الله وهم ظاهرون البخاريQofkii Ilaahay khayr la doono diinka ayuu fahamsiiyaa, Ilaahay waa bixiyaa , aniguna waa qaybiyaa, ummaddani way ka adkaanayaa cidkastoo khilaafta , ilaa qiyaamadu yimaado iyagoo gacan sareeya.
4. In Culamda Ahlu-Sunna wal-Jamaaca ee haysata afarta Mad’hab , suufiya ashcariya iyo Maaturiidiya ka mid yihiin Imaamyaalkii Mujaddidiinta ahaa ee noolaynayey Diinta ee Rasuulka CSW uu yiri :
"إن الله يبعث لهذه الأمة على رأس كل مائة سنة من يجدد لها دينها " رواه أبو داود والحاكم في المستدرك والطبراني في الكبيروالاوسط والبيهقي في معرفة السنن والاثار
Waxaa immyaalka an soo sheegnay ku jira imaamyaalkii jihaadka ee difaacay sharafta muslmiinta, kuwii hantidooda u huray koryelidda kelimada Ilaahay .
Sidaas daraadeed , qofkii qaada waddadaas barakaysan ee ku abtirsata salafka suubban ilaa Rasuulka CSWS waa qof Raacay ahlu-sunna wal-Jamaacay . sida ku cad kitaabka Ilaahay iyo sunnada Rasuulka CSWS qofkaas wuxuu noqonayaa qof adeecay Rabbi subxaanahu wa tacaalaa wuxuuna micigooda noqonyaa Anbiyada Ilaahay iyo Awliyadiisa ilaahay wuxuu Quraankiisa kariimka ah ku yiri :
ومن يطع الله والرسول فأولئك مع الذين انعم الله عليهم من النبيين والصديقين والشهداء والصالحين وحسن أولئك رفيقا
Ruuxi Ilaah iyo Rasuul addeca wuxuu ahaadaa kuwa Ilaahay u nicmeeyay macooda, sida anbiyada, siddiiqiinta, shuhadada iyo saalixiinta kuwaas ayaa rafiiq ugu wanaagsan) )
Xadiis Abuu daa’uud iyoTirmidi ay ka weriyeen abuu Dardaa RC wuxuu Rasuulka CSWS yiri
"
ان العلماء ورثة الأنبياء إن الأنبياء لم يورثوا دينارا ولا درهما إنما ورثوا العلم " أبو داوود والترمذي والنسائي وبن ماجه واحمد وغيرهم." culammadu waa dhaxal-kii Anbiyada , Anbiyadana lagama dhaxlin diinaar iyo Dirham, waxaa laga dhaxlay cilmi" .
waa ijmaac laysku raacsanyahay in culammada dhaxashay Anbiyada ay yihiin Imaamyaalka ahlu-sunna wal-jamaaca iyo dadka ku abtirsada , waa kuwa uu sheekhba sheekh ka dhaxlo cilmiga ee qarni kasta ku sugan , sida aan ku soo caddaynay qoraalkan.
Ð Qarniga 1-aaad ee hijriga waxaan ka soo qornay Imaamyaalkii ugu waawaynaa Asaxaabta Rasuulka CSWS iyo Taabiciintii Raacday Asaxaabta RCM.
Ð
Qarnigii labaad waxaa kusugan caalimiintii waawaynaa ee cilmiga ka qaatay Taabiciinta oo ay ugu horreeyaan Imaamyaalkii Madaahibta .Ð
Qarnigii 3-aad waxaa dhaxalkii diinta la wareegay Imaamyaal dhammaantood cilmiga ka bartay imaamyaalka madaahibta iyo suufiyada , imaamyaalkoosa ay ka mid yihiin Imaam Bukhaari iyo Imaam muslim .Ð
Qarnigii 4-aad waxaa ku sugan Imaam yaalkii dahxlay cilmigii diinta ee salafka, waxayna dhammaantood isugu jireen dad haysta madaahibta Imaamyaalka , dariiqada suufiyada iyo caqiiddada ahlu-sunna wal-jamaaca ee imaamyaalka u yihiin Abul-Xasan Ashcari iyo MaaturiidiÐ
Qarnigii 5-aad, 6-aad 7-aad 8-aad , 9-aad 10-aad 10-aad , 11-aad ma jirin hal caalim oo aan haysan madaahibta, caqiiddada iyo dariiqada aan soo sheegnay.Qarnigii 12-aad ayaa waxaa yimi sheekha wahaabiyada Maxammed C/Wahaab oo khilaaafay dariiqii muslimiinta ku sugnaayeen 1200 kun-ka iyo labada boqol ee sano , wuxuuna muslimiintii Ahlu-sunna wal-jamaaca ee haysatay afarta mad’hab ku sheegay dad gaalo ah, dhiiggooda ayuu xalaalaystay wuxuuna ku qaaday duullaan u ku sheegaay jihaad !!!
haddaba siday ahlu sunna u sheegan karaan wahaabiyada oo gadaal ka timi isla markaana khilaaftay dariiqii ahlu-sunna ay soo haysatay kunka sano iyo dheeraadka iyadoo la ogyahay in Rasduulka CSW uu xadiis saxiix ah ku yiri :
وكل محدثة بدعة وكل بدعة ضلالة وكل ضلالة فى النار
Imaamyaalka Islaamka ee aan soo sheegnay ilaa waqtigii asaxaabta waxay Isku raacsanyihiin in ay bidca yihiin kooxdii khilaafta dariiqa ay ku abtirsadaan Imaamyaalka aan soo sheegnay ee ahlu – Sunna wal-Jamaaca, maxaad u malaynaysaan kooxdii samaysa waxa ay sameeyeen wahaabiyada oo gaala ku sheegta ama bidca ku sheegta madaaahibtaas ay soo kala dhaxleen Imaamyaalka aan soo sheegnay ee ahlu-sunna Wal-jamaaca.waxaa su aal noqon karta Caddayn ma loo hayaa in wahaabiyadu gaalo ku sheegtay madaahibtii iyo dariiqadii salafu-Saalixa ee aan soo sheegnay???
Jawaabtu waa haa Alfa marra , kun goor ayaa jawaab loo hayaa .
Maxamed C/wahaab wuxuu iftooday, in fiqhigu gaalnima yahay, wuxuu yiri Ilaahay ayaa fiqhiga ku magacaabay Shirki!!!, Ka fiiri Durarka, juska 2aad bogga 59aad. Hadalkan riddada iyo diin ka baxa ah, ee uu ku hadlay Maxamed C/wahaab, waxaa kitaabbada wahaabiyada ee qoraya ka mid ah: 'Al-Risaa’ilu shakhsiyah', oo uu qoray isla Maxamed C/wahaab iyo 'Taariikhu Najdi'.
Waxay qoreen wahaabiyadu in ay gaalo yihiin, dadka haysta afarta Mad’hab. Ka fiiri: 'Taxkiimu-naadir', Axmad Saalax iyo Bin Baaz, bogga 154, 'Xayaatul quluub' bogga 55, Sitatul Usuulil Cadiimah, bogga 2aad, asalkiisa lixaad, iyo kuwa kale oo aad u badan.
Wahaabigaa la yiraaMacsuumii Al-khajandi kitaabkiisa uu magaca uga dhigay :
هل المسلم ملزم باتباع مذهب معين من المذاهب الأربعة
Wuxuu ku qoray bogga 73 in dadka haysta mad’hab ka mid ah afarta ka mid ah ay yihiin gaalo la dilayo oo surka laga goynayo haddii ay ka tawbad keeni waayaan haysashada madaahibta!!!.
Bogga 65 wuxuu ku sheegay in dadka haysta afarta mad’hab ay yihiin gaalo qabrigana lagu su’aalayo maxaad u raacday mad’hab hebel!!.bgga 55 wuxuu ku shegay in dadka haysta madaahibta ay la mid yihiin yahuuddii iyo kirishtaamiintii ku kala tegey diinta!. Bogagga uu gaalada ku sheegay dadka haysta madaahibta iyo imaamyaalkooda waxaa ka mid ah bogagga 98, 111,120,
waxaa kale oo uu maxamed cabdil wahaab gaalaysiinta madaahibta ku qoray kitaabkiisa Sitatul Usuulil Cadiimah, bogga 2aad, asalkiisa lixaad. Waxaana la ogayahay in xaqnimada afarta Mad’hab, ay ku midaysan yihiin dhammaan muslimiinta ahlul xaqa ah ee 'Ahlu sunna wal-jamaacah sidii aan ku soo ogaannay qoralka
Waxay Wahaabiyadu Iftoodeen in ay gaalo yihiin Ashcariyada iyo Maaturiiddiyadu, ka fiiri Durarka 10/430, 1/364, 362, 324, 320, 312, waxaana la ogyahay in Ashcariya iyo Maaturiidiya ay yihiin, imaamyaalka ugu faraha badan ee culammada: Tafsiirka, Xufaadda Axaadiista, Imaamyaalka fiqhiga, usuusha iyo dhammaan Culuumta diinta Islaamka.
Maxamed C/wahaab wuxuu iftooday, in muslimiinta intooda badan, ay gaalo yihiin, gaalnimadooduna ay ka weyntahay, gaalnimada mushrikiintii qureesh - oo ay ka mid ahaayeen: Abuu Jahal iyo Abuu Lahab 1/120, fiiri kitaabkooda Durarka juska 1aad bogga 160.
Arrintaas kuma eka maxamed cabdil-wahaab waxay noqatay caqiiddada rasmiga ah ee bidcada wahaabiyada , tusaale waxaa noogu filan kitaabkooda Fatxul-Majiid iyo xawaashidiisa ee uu tacliiqa u sameeyey Cabdil-casiis Bin Baas , kitaabkaas Wax ka badan (50) konton bog ayey ku qureen in musliminta intooda badan ay gaalo yihiin.
taas waxay kuu caddaynaysaa in wahaabiyadu yihiin Khawaarij Takfiir ah , weliba ay yihiin ( Qullaatul-Khawaarij ) oo ah kuwa ugu caqiiddada liita Khawaarijta uguna gaalaysiinta badan.
xaqiiqooyinkaas waxay noo caddaynayaan in wahaabiyadu tahay Bidco dhunsan , oo khilaaftay dariiqii Islaamka ee ay mareen imaamyaalkii faraha bdnaa eek u abtirsanayey Rasuulka CSWS. Imaamyaalkii weriyey qoray dhamaan culuumta diinta Islaamka , ee hoggaaminayey qarni kasta hoggaamina doona Ilaa iyo inta uu
Yaa ah Ahlu-Sunna Wal-jamaaca ? MAQAAL FAAIIDO BADAN
Aqoonyahanno badan oo isugu jira culammaa’udiin iyo wax garad kala duwan ayaa soo jeediyey in jawaab waafi ah laga bixiyo qoraal lagu faafiyey internet-ka. Kaasoo ka hadlayey calaamadaha lagu garto dadka haysta dariiqa xaqa ah ee ahlu-sunna w