Wasiirro iyo Xildhibaanno ayaa maanta waxa ay gaareen Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay, wafdigaan ayaa waxaa hoggaaminayay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaadiidla Xukuumadda Federaalka Soomaaliya kaas oo faah faahin warbaahinta ka siiyay u jeedka safarkooda.
C/rashiid Xaaji Deeroow, Wasiiru Dowlaha Gaadiidka Cirka iyo Badda iyo Dekadaha Soomaaliya oo la hadlay Warbaahintaayaa tilmaamay in ay soo indha indheyn doonaan meelo kala duwan sida Garoonka diyaaradaha iyo xarumaha kale ee Gaadiidka.
Wasiiru Dowlaha ayaa Safirkiisa waxaa ku wehliyo Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo sidoo kale Xildhibaano ka mid ah Mudaneyaasha Baarlamaanka iyadoona si diiran Magaalada Baydhabo loogu soo dhaweeyay.
Dhinaca kale, Wasiiru dowlaha ayaa beeniyay in Magaalada Baydhabo ay u gaareen Xallinta Khilaaf ka dhaxeeya Maamulada Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Jubaland balse waxuu carabka ku dhuftay in howlo shaqo ay u gaareen Xarunta Gobolka Baay
Dhageeyso''Wasiiro Gaaray Baydhabo iyo Sababta ay u taggeen''
Wasiirro iyo Xildhibaanno ayaa maanta waxa ay gaareen Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay, wafdigaan ayaa waxaa hoggaaminayay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaadiidla Xukuumadda Federaalka Soomaaliya kaas oo faah faahin warbaahinta ka siiyay u jeed