Baadi-goobka Carmaladda Al-shabab ka Tirsan oo la Xoojinaayo

0
Tuesday June 23, 2015 - 09:38:19 in Wararka by
  • Visits: 1593
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baadi-goobka Carmaladda Al-shabab ka Tirsan oo la Xoojinaayo

    Maxkamadda magaalladda Mombasa ayaa sheegtay in la kordhiyey amarkii soo qabashadda ee horey loogu jaray Haweeney u dhalatay dalka Britain oo lagu magacaabo Samantha Louise Lewthwaite oo lagu naanayso "Carmalladda Cad" iyo Nataaliya We

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamadda magaalladda Mombasa ayaa sheegtay in la kordhiyey amarkii soo qabashadda ee horey loogu jaray Haweeney u dhalatay dalka Britain oo lagu magacaabo Samantha Louise Lewthwaite oo lagu naanayso "Carmalladda Cad" iyo Nataaliya Web iyo ninkeeda Xabiib Saalax oo lagu naanayso Abu Osman.

 
Xeer ilaaliyaha Maxkamadaasi, Nikolas Gitonga ayaa sheegay in Lammaanahaasi loo baadi-goobayo eedeymo la xiriira inay haysteen Kiimikadda laga sameeyo waxyaabaha qaraxa, isla markaana faraha kula jireen falalka loogu yeero Argagixisadda, waa sida uu hadalka u dhigay.
 
Nikolas Gitomga waxa uu intaasi ku daray in baaqa xarigooda yahay mid Maxali iyo mid Caalami ah, wuxuuna intaasi ku daray in loo baahan yahay waqti dheer si loo helo xog lagu soo qaban karo.
 
Warbixinta ayaa lagu sheegay in Carmalada Cad ku jirto Baxsad Caalami ah, iyadoo lala xiriirinayo Eedeysanaha kale ee Britishka ee lagu magacaabo Jermayn Garant, kaasi oo haatan ku xiran Xabsiga Shimo La Tewa oo ku yaalla Kenya.
 
Dhinaca kale, Hay’aaddaha Ammaanka ee Kenya waxay Samantha Louise Lewthwaite "Carmalladda Cad” ku eedeeyaan inay ka dambeysay weerarkii ay Dagaakanayaasha Alshaabaab ay sannadkii 2013-kii ka geysteen Xarunta Ganacsiga ee Westgate ee magaalladda Nairobi, laguna dilay in ka badan 138 qof.
 
Warbaahinta dalka Kenya ayaa sheegay in ay haweeneydaasi ku usgan tahay gudaha Somalia, walow warar kale sheegeen inay ka barabar dagaalamayso Kooxda Daacish
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip