Shariif Sheekh Axmed ayay Odayaashaasi weydiiyeen su’aalo ku aadan waxyaabihii uu la soo kulmay mudadii uu maqnaa, wuxuuna ka warbixiyay hadalo is dhaafsan oo ay labo todobaad gudahood ku kala hadleen Madaxda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.
Madaxweynaha DFKMG ah ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed su’aalaha odayaashan kaga yimid ayaa ahaa hadalkii raysalwasaaraha Soomaaliya ee ahaa in aysan shareecada ay qaateen aysan aheyn mid gacmaha lays goynayo.
“ Madaxweynaha waxaa uyimid Odayaasha la baxay Midnimada Hawiye, waxa ay kala hadleen waxyaabo badan waxa ayna usoo jeediyeen Madaxweynaha qorshayaal wax looga qabanayo amaanka Caasumada Soomaaliya” Ayuu yiri xubin sare oo ka tirsan Xaafiiska Shariif Sheekh Axmed.
Wada hadaladan uu Shariif Sheekh Axmed la yeeshay Odayaasha Muqdisho ayaa ku soo beegmaya xili xasaasiyad siyaasadeed oo xun ay ka taagan tahay magaalo madaxda dalka Soomaaliya ee Muqdisho oo ay wada joogaan rag badan oo Siyaasada saaxiib ku ahaa, balse kala tagay markii ay kala raaceen dhinacyo kala gedisan.
Madaxweyne Sheikh Shariif oo Kulamo la Qaaday Odayaasha Beelaha Hawiye....
Sida ay xaqiijinayaan wararka naga soo gaaraya dadka aadka ugu dhaw Shariif Sheekh Axmed ayaa saakadii hore la kulmay xubno ka tirsan Odayaasha la baxay odayaasha dhaqanka ee Beelaha Hawiye, waxa ayna soo gudbiyeen odayaashaasi qorshayaal ay sheegeen