Suldaan Aweys: "Waxa soo dhaweynayaa Gudoomiyaha cusub ee degmada Warsheekh".

0
Tuesday July 14, 2015 - 16:36:06 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 1961
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Suldaan Aweys: "Waxa soo dhaweynayaa Gudoomiyaha cusub ee degmada Warsheekh".

    Suldaan Aweys Suldaan Maxamud, "Suldaanka Beelweynta lixda Celli Cumar" ee fadhigiisu yahay wadanka Australia ayaa waxa uu dhambaal taageero ah oo ku aadan maamulka cusub ee degmada Warshekh waxa uu soo gaarsiiyay Xafiiska shabakada Warshee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Suldaan Aweys Suldaan Maxamud, "Suldaanka Beelweynta lixda Celli Cumar" ee fadhigiisu yahay wadanka Australia ayaa waxa uu dhambaal taageero ah oo ku aadan maamulka cusub ee degmada Warshekh waxa uu soo gaarsiiyay Xafiiska shabakada Warsheekh ee qaaradaan Yurub.
Suldaanka ayaa ugu horeyn waxa uu soo dhaweeyay gudoomiyaha cusub ee degmada Warsheekh mudane Axmed Xuseen Axmed (Shiidka) oo dhawaan loo magacaabay gudoomiyaha cusub ee degmada Warsheekh.

Suldaan Aweys Suldaan Maxamuud ayaa dhanka kale waxa uu gudoomiyaha udiray dhambaal uu kaga siday qurba joogta reer Warsheekh kuwaasi oo balan qaaday in gudoomiyaha ee la garab istaagi doonaan hiil iyo hool, hasa yeeshe maamulka cusub ayey ka dalbadeen inuu la yimaado kasbashada shacabka degmada isla markaana ee la yimaadaan dadaalo dhiiro gelinaya .

Dhanka kale suldaanka ayaa soo dhaweeyay dadaalada maamulka gobolka kudoonayaan in dhawaan lasoo dhiso maamul cusub ee yeelato degmada qadiimiga ah ee Cadale oo qeyb ka ah deegaanada ee beesha degto isagoo ugu baaqay maamulka gobolka iyo wasaarada arimaha gudahaba iney soo xulaan shaqsi ee ku doorteen karti iyo hufnaan.

Suldaank a ayaa ugu dabeynti taageeray in dadka dega gobolada Shabeelada dhexe iyo Hiiraan ee yeeshaan maamul goboleed ugaar ah oo ay soo doorteen, kaasi oo la tartami doona dhamaan maamul goboleedyada kajira dalka isla markaana goboladaani u horseeda horumar.




Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip