Xildhibaan C/laahi Xuseen Maxamuud oo lagu dilay Magaalada Muqdisho

0
Saturday July 25, 2015 - 17:23:17 in Wararka by Maxamud Sh: Axmed
  • Visits: 1980
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan C/laahi Xuseen Maxamuud oo lagu dilay Magaalada Muqdisho

    Waxaa goor dhow oo galabta ah Magaalada Muqdisho lagu dilay Xildhibaan C/laahi Xuseen Maxamuud, oo ka mid ahaa Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa goor dhow oo galabta ah Magaalada Muqdisho lagu dilay Xildhibaan C/laahi Xuseen Maxamuud, oo ka mid ahaa Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya. Gaari uu la socday Xildhibaanka oo loogu soo xiray walxaha qarxa, ayaa waxa uu kula qarxay Isgoyska Korontada ee Degmada Wadajir, halkaasoo la soo sheegaayo in uu ku geeriyooday.

Xildhibaanka waxaa la socotay illaa saddex nin oo lagu sheegay inay ilaaladiisii ahayd, waxaana la xaqiijiyay in ilaaladu dhimasho iyo dhaawacba uu ka soo gaaray qaraxaasi.

Qaraxa ka dib waxaa halkaasi laga maqlay rasaas xoogan oo ay dhowr jiho u furayn Ciidamada Dowladda ee ku sugan aagga Isgoyska Korontada, inkastoo aan la soo sheegin cid wax ku noqotay.

Xildhibaanka la dilay, ayaa waxaa dhalay allaha u naxariistee Xuseen Maxamuud Muuse (Xuseen Baantuu), oo ka tirsanaa Baarlamaanka Somaliya, dhawaana ku geeriyooday Magaalada Muqdisho.


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip