Carruurtaada Bar Wax Akhriska, Ogowna "Waqti ayey Qaadanaysaa"

0
Tuesday July 28, 2015 - 17:02:38 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 1800
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Carruurtaada Bar Wax Akhriska, Ogowna "Waqti ayey Qaadanaysaa"

    #AqoonKaal.com: Nin ayaa go'aansaday in uu beerto geed timir ah oo khaas u ah. Waxa uu deyrka gurigiisa ka cabirtay dhul bedkiisu yaha 6 mitir x 6 mitir oo murabac ah. Dhawr maalmood ayuu meeshaas qoday si uu carrada iyo dhoobada u jilciyo, ilaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

#AqoonKaal.com: Nin ayaa go'aansaday in uu beerto geed timir ah oo khaas u ah. Waxa uu deyrka gurigiisa ka cabirtay dhul bedkiisu yaha 6 mitir x 6 mitir oo murabac ah. Dhawr maalmood ayuu meeshaas qoday si uu carrada iyo dhoobada u jilciyo, ilaa nus mitir ayuu hoos u qoday, si taxadar leh ayuuna ugu beeray iniinyaha ama lafta geedka timirta, dhoobada ayuu ku daboolay, waxana uu u sameeyey xaydaan si aan loogu tuman.
Maalin kasta waxa uu ceel durdur ah oo gurigiisa u dhaw ka soo dhaamiyaa biyo si u waraabiyo lafta uu beeray, wixii caws ah oo aan loo baahnayn waa ka jaraa, waxana uu sugaa in uu geedku soo baxo maalin kasta.

Hal sano ayaa ka soo wareegtey, wax geed ahna meeshii kama soo bixin.

Qof deris la ahaa oo arki jirey sida dadaalka dheeraadka ah ee ninkaasi hawsha maalin kasta u qabaanayo ayaa inta uu kusoo leexday waxa uu yiri

"Maxaad sidaas hawsha badan ugu shaqaynaysaa meel aan wax natiijo ah kaaga soo baxayn”.
Waxa uu ninkii ku jawaabay "Waqti ayey qaadanaysaa.”

Sannadkii xigey ninkii sidii oo kale ayuu dadaalkii usii waday. Maalin kasta waxa uu soo dhaamiyaa biyo, waxa uu ku waraabiyaa meeshii uu iniinyaha ku beeray, waa daryeelaa, laakiin wax geed ah ma soo baxo.

Qofkii deriska ahaa ayaa sannadkii xigey kusoo laabtay kuna yiri "Maxaad waqtiga isaga khasaarinaysaa, meesha waxba kama soo baxayaane, iska dhaaf anigaa kusiinaya iniinyo wanaagsan oo aad beeratid.”

"Waqti ayey qaadanaysaa,” ayuu ninkii markale ku jawaabay.

Sannadkii saddexaad waxaa ninkii uu gurigiisii kusoo xeeray deyr yar si aan meeshaas xayawaanku usoo gelin. Maalin kasta waxa uu u lugeeyaa ceelka durdurka ah si uu biyo uga soo qaado, waxana uu si taxaddar leh ugu waraabiyaa meeshii uu ku beeray lafta timirta.

Dhammaadkii sannadkii saddexaad ayaa qofkii deriska ahaa inta uu kusoo laabay waxa uu ku yiri "Ninyahow ma waalan tahay? Maxaad sidaas u samaynaysaa meel aan waxba ka soo baxayn.”

"Waqti ayey qaadanaysaa,” ayuu ninkii ku jawaabay.

Saddex toddobaad ka bacdi, laantii ugu horeysey oo cagaaran ayaa carradii kasoo dhex muuqatay, oo soo weynaatey, si degdeg u kobacday. Lix toddobaad ka bacdina waxaa geedkii dhererkiisu gaaray 15 mitir.

Waqti ayey qaadataa. Waxa dhici karta in oraahdaasi aysan macne dheerad ah samayn marka laga hadlayo xawliga adduunkani ku socdo, oo wax kasta degdeg u baahan yihiin, hawlo badan isku mar la qabanayo, ama waxa kasta yihiin kabta-kabta u saar. Laakiin sanadahaas geedka timirta ah uusan soo bixin waxaa u soo dhismayey xididada oo sii adkaanayey, hoos ayey dhulka si qoto dheer ugu sii gelayeen, waana xoogay-sanayeen, si ay u taageeraan geedka xooga leh marka uu soo baxo. Waxana keliya oo ay xididadaasi ku xoogaysteen waa waraabin iyo xanaanayn iyo waqti la siiyey. Biyo kasta oo ninkaasi ku waraabinayey iyo dadaalkiisaba waa loo baahnaa.

Haddabab si canugaagu u noqdo mid aad ugu wanaagsan wax akhriska, maskaxdiisu waxay u baahan tahay waraabin. Waraabinta waxaa canugga u ah waa kelmedaha – in lala hadlo oo wax loo akhriyo. Waxaa muhiim ah in aadan marna taas ilaawin sidii aad canugaaga uga waraabin ahayd, qadar xogaa ah maalin kasta, tooddobaad kasta iyo sannad kasta.

Muhiimada qoraalkan kooban ee AqoonKaal.com waa in aad waqti ku bixisid carruurta Allah kugu manaysay sidii ay u noqon lahaayeen kuwo ku waanaagsan wax akhriska, islamarkaasna aad waqti ku bixisid sidii aad u bari lahayd wax akhriska.

Qiso kasta oo bini’aadamku ka sheekeeyo waxaa aad uga muhiimsan qisada aan ka barano Kitaabka. Suuradda IQRA waxay ku bilaabataa sidan: Wax ku akhri Nabiyow magaca Eebe ee abuuray (khalqiga). Dadkana ka abuuray Calaq. Akhri Eebena waa kan Sharafta lehe. Ee dadka baray waxayna aqoonin.

Tarbiyada wanaagsan ee carruurta waxaa ugu horeeya in waqti lagu bixiyo sidii wax loo bari lahaa, gaar ahaan wax akhriska.
Haddaba, u akhri, la hadal, u sheekee, oo dhegeso carruurtaada, waqtina adigu sii. Waqti ayey u baahan yihiin in lagu bixiyo.
TV-ga dami, computerka waqtiga u xadee, waqtiga carruurta yuusan kaaga dayacmin in ay computerka waqti dheer ku ciyaaraan "games” maalaayacni ah saacado badan qaadanaya, ama daawadaan TV sacado badan. Waqtiga ugu badan haku bixiyeen wax akhriska.
Gabagabadii waxaa waalidka looga baahan yahay samir iyo dulqaad ay u yeeshaan waqtiga ay ku bixinayaan carruurtooda si ay u baraan akhriska. Akhrisku waa furaha guusha u horseedi kara canugga.

Waxaa kale oo muhiim ah in waalidku xirfad u yeeshaan aaladaha casriga ah ee Teknoolojiyada si ay ula socdaan waxyaabaha ay carruurtoodu kala socdaan ama ka akhristaan aaladahaas.

Qore: Maxamed Cali Aaden (AqoonKaal.com)


Qisada sare qaybta "Waqti ayey qaadataa” waxaan ka soo xigtey buugga

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip