Hoggaamiyeyaasha Waddamada IGAD Oo Shir Deg-deg Ah Oo Looga Hadlayey Xaaladda Koonfuurta Suudaan Ku Yeeshay Addis Ababa + (Sawirro)

0
Saturday August 06, 2016 - 13:23:20 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 1475
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hoggaamiyeyaasha Waddamada IGAD Oo Shir Deg-deg Ah Oo Looga Hadlayey Xaaladda Koonfuurta Suudaan Ku Yeeshay Addis Ababa + (Sawirro)

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Addis Ababa kaga qeybgaley Shir Madaxeed deg-deg ah oo waddamada xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD, iyo wakiilada dalalka iyo ururrada kale ee caala

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Addis Ababa kaga qeybgaley Shir Madaxeed deg-deg ah oo waddamada xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD, iyo wakiilada dalalka iyo ururrada kale ee caalamiga ah ay kaga arrinsanayeen xasaradda ka aloosan Jamhuuriyadda Koonfuurta Suudaan.

Jamhuuriyadda Koonfuurta Suudaan ayaa waxaa ka taagan colaad u dhexeysa dowladda Madaxweyne Salva Kiir Mayardit iyo hoggaamiyaha mucaaradka Riek Machar, waxaana madaxda IGAD ay ka shaqeynayaan sidii dagaalka loo joojin lahaa, nabadda looga shaqeyn lahaa, loona fulin lahaa heshiisyadii hore ee nabadda ee dhinacyada is haya ay ku heshiiyeen.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa oo shalay gaaray magaalada Addis Ababa, ayaa shirka ka sheegay muhimadda in xal deg-deg ah loo helo mashaakilka ka taagan Koonfuurta Suudaan, oo uu sheegay in ay tahay mid dhaawacaysa dibna u dhigeysa riyada shacabka dalkaasi oo ahaa inay xornimo, nabad iyo barwaaqo ku naaloodaan.

Shirkan halka maalin socday ayaa waxaa madaxdu ay ku muujiyeen walaacooda ku saabsan colaadda dalkaasi ka jirta, iyagoo ku baaqey in colaadda la joojiyo, in xurgufta taagan lagu dhammeeyo wadahadal, badbaadinta dadka maatada ah iyo gargaar loo fidiyo dadka ku barakacaya dagaalka halkaasi ka socda.

Waxaa Madaxweynaha uu sidoo kale sheegay in laga faa'ideysto casharadii laga bartey dagaalada sokeeye, oo uu xusay in dib u dhac weyn ku keeneen qaaradda.




------------------DHAMMAAD-------------------
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip