R/Wasaare Ku Xigeenk Oo Ka Qeyb Galay Shir Lagu Soo Bandhigayey Sharciga Ilaalinta Badaha Soomaaliyeed + Sawirro

0
Sunday July 10, 2016 - 19:33:45 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 1438
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    R/Wasaare Ku Xigeenk Oo Ka Qeyb Galay Shir Lagu Soo Bandhigayey Sharciga Ilaalinta Badaha Soomaaliyeed + Sawirro

    Ra'iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda F. Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa maanta shir guddoomiyey kulan looga hadlayay Sharciga lagu sameynayo Hay'adda Ilaalinta Xeebaha iyo Badaha Soomaaliyeed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda F. Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa maanta shir guddoomiyey kulan looga hadlayay Sharciga lagu sameynayo Hay'adda Ilaalinta Xeebaha iyo Badaha Soomaaliyeed.

Waxana ka soo qeyb galey Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya Mudane Nuur Faarax Xirsi iyo Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibedda Axmed Cali Kadiye.

Ujeedda kulanka ayaa ahaa sidii dib-u-habeyn loogu sameyn lahaa Sharcigii hore 1959 ilaa 1988 lagu dhaqayay xeebaha Soomaaliyeed, iyadoo ay sharcigani soo bandhigtay Hay’adda IMO oo ka shaqaysa sharciyada ilaalinta Xeebaha Caalamka.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Mudane M. Cumar ayaa sheegay in Sharcigani uu koobsanayo ilaalinta kheyraadka dabiiciga ah ee ku jira badaha Soomaaliyeed, ka ilaalinta xeebaha Soomaaliyeed qashinka lagu shubo, Ganacsiga badaha oo 2030 la rabo in uu laba jibaarmo, iyadoo arrintaa ay ka faa’iideysanayso Soomaaliya.

Mudane Carteh ayaa xusay in Dawladda Soomaaliya taageereyso sharciyada caalamiga ah ee lagu dhaqo badaha iyo kan hadda dib-u-eegista lagu sameynayo ee Soomaaliya. 

Sidoo kale sharcigani wuxuu ka shaqayn doonaa badbaadinta dhalinyarada ku dhimanaya badaha, iyadoo la burburinayo Shabakadaha ka shaqeysta Tahriibka.

Ugu danbeyn, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka, Maxamed Cumar ayaa u mahadceliyey cid walba oo gacan ka geystay sharcigani, gaar ahaan Hay’adda soo bandhigtay ee IMO iyo Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda.




---DHAMAAD---

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip