Dowlada Jarmalka oo xogo badan daaha ka rogtay kadib markii la shaaciyay in Ismiidaamihi Jaziira uu ahaa Somali/Jarmal

0
Thursday July 30, 2015 - 00:56:07 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 1331
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowlada Jarmalka oo xogo badan daaha ka rogtay kadib markii la shaaciyay in Ismiidaamihi Jaziira uu ahaa Somali/Jarmal

    Saraakiisha amaanka iyo dhanka Sirdoonka ee Germany ayaa xaqiijiyay inay heleen xog dhab ah oo muujinaysa in weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee lagu qaaday Hotelka Jazeera ee Magaalada Muqdisho oo ay sheegteen Al-shabab uu fuliyay Abdirizak Buux oo hora

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saraakiisha amaanka iyo dhanka Sirdoonka ee Germany ayaa xaqiijiyay inay heleen xog dhab ah oo muujinaysa in weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee lagu qaaday Hotelka Jazeera ee Magaalada Muqdisho oo ay sheegteen Al-shabab uu fuliyay Abdirizak Buux oo horay ugu noolaa wadanka Jarmalka da'diisuna ay tahay 29 sano jir.
Buux ayaa mudo kunoolaa magaalada Bonn ee wadanka Jarmalka ,isagoo 1985 kudhashay wadanka Libya wuxuuna haystay dhalashada wadanka Libya. Inkastoo uu jarmalka kunoolaa hadana dowalda Jarmalku waa ay beenisay in ninkani Shabaabka katirsanaa ee isqarxiyay uu haystay dhalashada Germany.

Sida uu qoray wargeyska The bild ee wadankaasi Germany is qarxiye Buux ayaa katirsanaa koox 15 dhalinyaro ah ka kooban oo Somali-German ah oo horay ugu fashilmay inay weeraro uga geystaan wadanka Jarmalka, oo loo yaqaanay "Al-shabab-ka Magaalada Bonn”.

Waxaa la tuhunsanyahay in ninkani ay xagjireeyeen dhalinyaradan ay isku kooxda ahayeen oo ku tashkiiliyay inuu shababka Al-Qaeda xiriirka laleh kubiiro uuna isku qarxiyo Somalia islamaraana uu dilo nafsada dad 15 gaaraya oo badankood shacab ahaa marka laga sootago khasaaraha ajaanibta iyo ilaaladii Hotel-ka soo gaaray.

Sanadkii 2012 Abdirizak Buux ayey ku adkaatay inuu kasoo baxo dalka Germany ,isagoo socdaal toos ah usoo sameenaya Somalia ,madama xiligaasi ay sareysay cabsida laga qabo kororka tirada dhalinyadarada reer Yurub ee ku biiraya Islaamiyiinta kajira Africa iyo Bariga dhexe, balse Wiilkan Somali-Jarmalka ah ayaa xiligaa waxaa usuurta gashay inuu usoo safro wadanka Masar halkaasna uu kasoo aado Somalia kuna biiro Shababka oo markaa dhalinyaro farabadan ka qoranaye dalka dibadiisa.

Sirdoonka Germany ayaa rumeysan in Abdirizak uu xagjireeyay wadaad soomaali ah oo kunool wadanka Jarmalka oo lagu magacaabo Sheikh Xuseen Qaasim.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip