Dagaalo beeleedyadi kasocday Degmada Warsheekh oo lugaha lagalay mas'uuliyiin dowlada katirsan (Warbixin)
- Visits: 1731
- (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
- 0 0
-
Share
Tuulooyinka kala ah Muungaab iyo Gummaroow oo ka tirsan degmada Warshiikh ee gobalka Shabeelada Dhexe ayaa dhawaanahan waxaa ka socday dagaalo u dhexeeya maliishiyaad kasoo kala jeeda beelo deeggaanka u wada dhashay, waxaana ay dagaaladan sababeen khasaaro nafeed iyo mid hantiyeedba.
Dadka iyo waxgaradka iyo waliba mas’uuliyiinta deegaanka ayaa dhow jeer ku baaqay in la joojiyo colaaddan oo la heshiisiiyo beelaha walaalaha ah ee ay maliishiyaadka diriraya ku kala abtirsadaan.
In kasta oo baaqyadaas nabadeed ay ahaayeen kuwo soo noq noqda, hadana colaadda ayaa wali waxa ay tahay mid raadadkeedu u sii muuqdaan. Waxaana la is waydiinayaa cidda sababta u ah in ay colaaddu sii taagnaato oo baaqyada nabadeed la qaadan waayo.
Waxaa la helay xog hoose oo ay bixiyeen dad si dhaw ula socda colaadahan, waxayna xogtani daboolka ka qaadday xaqiiqada dhabta ah ee colaadda socota iyo cidda ka dambaysa.
Ilo xog ogaal ah ayaa waxa ay bixiyeen sir caddaymo wadata oo sheegaysa in dagaalada ka socda Warshiikh ay ka dambeeyaan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo isugu jira kuwo dowladda dhexe ka tirsan iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobalka Shabeelada Dhexe.
Xogahan la helay oo ah kuwo lagu kalsoonaan karo ayaa waxa ay sheegeen in shakhsiyaadka ka dambeeya hurinta colaadda Warshiikh ay yihiin kuwo ku abtirsada deegaanka oo la kala safan maliishiyaadka qaabka Beeleed isku haysta.
Anaga oo eegayna muhiimadda ay leedahay in la ogaado xaqiiqada dagaaladan iyo waxa sababaya in baaqyada nabadeed la dhagaysan wayo, ayaa waxaan go’aansanay in aan si toos ah usoo xigano xogtan qarsoodiga ah oo soo bandhigtay magacyada qaar ka mid ah shakhsiyaadka ka dambeeya colaaddan.
Xildhibaan Qaasim Cali Nuur (Furdug) oo Baarlamanka Soomaaliya ka tirsan ayaa lagu eedeeyay in uu ku lug leeyahay hurinta colaadda ka socota Warshiikh, iyada oo eedayntan lagu xaqiijiyay caddaymo ay dhinacyadan xogtan laga helay soo bandhigeen oo muujinaya ku lug lahaashaha xildhibaanka ee dagaaladan.
Gawaari nooca dagaalka ah oo uu leeyahay Xildhibaan Qaasim ayaa la arkay dhowr jeer iyaga oo hub iyo saanado kale oo dagaalka loo adeegsado u wada tuulooyinka lagu dirirayo ee ka tirsan Warshiikh.
Dhinacyada xaqiijiyay in uu xildhibaan Qaasim ka tirsan yahay dadka hurinaya colaadda ayaa waxa ay ku doodeen in colaado sanado hore ka dhacay deegaanka oo isla beelahan ka dhexeeyay uu xildhibaan Qaasim Cali Nuur ka mid ahaa dadkii hurinayay ee hubka iyo taageerada siinayay maliishiyaadka dirirayay qaarkood.
Xildhibaanka oo dhawaan kusoo biiray Baarlamanka Soomaaliya si uu u beddelo walaalkiis Cumar Furdug oo qarax ka dhacay Hotel Central ku dhintay ayaa waxa ay dad badan ku eedeeyaan in uu waaya hore ka tirsanaan jiray kooxihii hubaysnaa ee la dagaalami jiray dowladda Soomaaliya, gaar ahaanna xilligii uu madaxweynaha ahaa Cabdullahi Yuusuf Axmed.
Eedeymahan ku saabsan in uu xildhibaan Qaasim ka tirsanaa kooxihii dowladda la diriri jiray ayaa waxaa lagusii caddeeyay in uu mid ka mid ah Lugihiisa ku waayay dagaaladaas uu dowladda la gali jiray, sida ay xaqiijiyeen dad aad u yaqaan xildhibaanka.
Xildhibaan Qaasim Cali Nuur ayaa waxaa kaloo ay dad badan ku dhaliilaan in tan iyo markii xilka xildhibaannimo loo doortay uusan booqan ama wax wada shaqayn ah la yeelan dadka ku nool tuulooyinka iyo deegaanada uu beel ahaan ku metelo Baarlamanka. Waxaase xildhibaanka la arkay isaga oo dhowr jeer ku noq noqonaya degmada Balcad, halkaas oo la rumaysan yahay in uu u tagayay kaliya hurinta colaadda ka jirta Warshiikh, maadaama xubno kale oo iyagana Balcad ku sugan ay qayb ka yihiin qorshayaasha colaadahan lagu abaabulayo.
Xogaha kale ee la helay ayaa waxa ay tilmaamayaan in Saneey Taako oo ah guddoomiyaha degmada Balcad uu isagana ku lug leeyahay abaabulka iyo hurinta dagaalada beeleed ee ka jira Warshiikh.
Ku lug lahaashaha Saneey ee dagaaladaas ayaa sii caddaaday markii la arkay ciidamada gaarka ah ee ilaaliya Saneey oo ka qayb qaadanaya dagaalada Warshiikh, waxaana halkaas ku dhintay mid ka mida ilaaladiisa gaarka ah oo magaciisa lagu sheegay Xassan Caddow Xuseen.
Sidoo kale, waxaa la ogaaday in dadka colaad beeleedyadan hurinaya uu isna ka mid yahay guddoomiyihii hore ee degmada Balcad Cusmaan Xaadoole oo la wada xusuusto in uu horay isaga oo xilka guddoomiye haaya xasuuq uga gaystay deegaanka, ka dibna uu ka baxsaday ciidamada dowladda oo doonayay in ay soo qabtaan si sharciga loo hor geeyo.
Tan iyo markii uu baxsaday, wuxuu Xaadoole ahaa qof ka dhuumanaya sharciga, waxaana hadda la xaqiijiyay in isaga oo gacan ka helaya maamulka degmada Balcad iyo mas’uuliyiinta kale ee dagaaladan ku lugta leh uu abaabulayo colaadda beelaha ee Warshiikh.
Dad goob joogayaal ah ayaa lagasoo xigtay in ay Xaadoole oo maliishiyaad badan horkacaya ku arkeen tuulooyinka lagu dirirayo iyo goobo ku dhaw dhaw, wuxuuna markaas ku howlanaa abaabulka colaadda.
Waxaa la is waydiinayaa in dowladda Soomaaliya ay ka war qabto xaqiiqooyinkan qarsoon ee ku geddaaman colaadda Warshiikh, iyada oo sidoo kale la is waydiinayo tallaabada ay dowladdu ka qaadi doonto dhinacyada colaaddan ku lugta leh ee hadda xogtooda la helay.
Si kastaba ha ahaatee, in lasoo afmeero colaadahan waxaa ay suurtagal noqon kartaa marka gacan adag oo sharci ah lagu qabto kooxaha iyaga oo xilal dowladeed ama awoodo kale kaashanaya ku howlan hurinta colaadda ay ku la’anayaan dadka shacabka ah ee ku nool Warshiikh.
W/qoray: Axmed Faarax Xassan
Warshiikh- Shabeelada Dhexe
Dagaalo beeleedyadi kasocday Degmada Warsheekh oo lugaha lagalay mas'uuliyiin dowlada katirsan (Warbixin)
Tuulooyinka kala ah Muungaab iyo Gummaroow oo ka tirsan degmada Warshiikh ee gobalka Shabeelada Dhexe ayaa dhawaanahan waxaa ka socday dagaalo u dhexeeya maliishiyaad kasoo kala jeeda beelo deeggaanka u wada dhashay, waxaana ay dagaaladan sababeen kh