Kalonzo Musyoka: "waan la yaabi lahaa haddii mid kale ay ka dhisi lahaayeen xaafada Islii"

0
Sunday August 02, 2015 - 00:33:31 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 1907
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kalonzo Musyoka: "waan la yaabi lahaa haddii mid kale ay ka dhisi lahaayeen xaafada Islii"

    Kalonzo Musyoka Hogaamiyaha Xisbiga mucaaradka Kenya ayaa ka hor yimid qorshaha dowlada Kenya ay ku dooneyso iney darbi kaga dhisto xuduuda ay la wadaagaan Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kalonzo Musyoka Hogaamiyaha Xisbiga mucaaradka Kenya ayaa ka hor yimid qorshaha dowlada Kenya ay ku dooneyso iney darbi kaga dhisto xuduuda ay la wadaagaan Soomaaliya.
Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Kenya oo la hadlayay arday dhigata Sharciga ayuu sheegay ineysan macquul aheyn xiligan in darbigaasi Kenya ay dhisto, ilaa dadka Kenyaan-ka ah ay ku biirayaan Al-Shabaab.

Kalonzo Musyoka wuxuu sheegay in Al-shabaab kaliya aysan aheyn kuwo ka tagaya Soomaaliya, laakiin ay heleen taageero dad Kenyan ah oo ka tagay deegaanada Kamba, Kikuya, Luo iyo Luhya.

"Al-Shabaab Soomaaliya kaliya ma ka yimaadaan, Kenya ayay taageere ku leeyihiin, Dhismaha Derbigana waa doqonimo inaan maqalnaa,waan la yaabi lahaa haddii mid kale ay ka dhisi lahaayeen xaafada Islii, kadib waxaad is weydiineysa imisa darbi ayay dowlada dhisi rabtaa” ayuu yiri Kalonzo Musyoka.

Dhanka kale hogaamiyaha mucaaradka Kenya ayaa dowladda ugu baaqay iney la timaado qorshe kale oo looga hortagayo weerada Al-Shabaab ay ka fuliyaan gudaha dalka Kenya.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip