Iyadoo ciidamada Badda ee wadanka Faransiiska ay gacanta ku dhigeen iyagoo markaasi ku jiray biyaha Jasiiradda Seachells kooxahaani burcad badeeda Soomaalida.
Sidoo kale kooxaha burcad badeeda oo ku hubaysan qoryo casri ah iyo waliba qalab kale oo hagaya ayey maraakiibta waxa ay ku qabsanayeen xeebaha ka baxsan wadanka Soomaaliya iyo gacanka cadmeed intaba.
Afhayeenka madaxtooyada Jasiiradda Seachells ayaa yiri“Ciidamada badda ee wadanka Faransiisku waxaa ay gacanta ku dhigeen 3-ka mid ah kooxaha burcad badeeda oo ay ku qabteen biyaha gaarka ah ee jazeeradda Seachells”
Iyadoo isla maanta lagu wado in la geeyo Magaalada Victoria ee Jasiiradda Seachells.iyadoo uu intaasi ku daray in kooxaha burcad badeeda ee ciidamada badda ee wadankla Faransiisku ay gacanta ku dhigeen.
Si kata oy ahaataba qabashada Kooxahaani sedaxda ah ayaa waxaa ay ku xigeen howlgalo ciidamada badda ee wadanka Faransiisku ay ku qabteen 9-ruux oo looga shakiyay in ay ahaayeen burcad badeed Afduuban rabay Markab dalxiis oo laga leeyahay wadanka Talyaaniga kaasoo ay la socdeen 1500-oo rakaab ah.
Xeebta Jasiirada Seachells oy Ciidamada Faransiiska ka soo qabteen sadex ka mid ah Burcad..
Xeebaha Jasiiradda Seachells ayaa Ciidamada badda ee wadanka Faransiiska ay ka qabteen kooxo burcad badeeda Soomaali ah.