Siyaaradi Caalimka cilmiga iyo Dariiqada Sheekh Abiikar Mixdaar ee Warsheekh (Sawiro)

0
Tuesday August 04, 2015 - 17:22:13 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 4450
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaaradi Caalimka cilmiga iyo Dariiqada Sheekh Abiikar Mixdaar ee Warsheekh (Sawiro)

    Siyaaradi caalimki weynaa ee cilmiga iyo dariiqada Sheekh Abiikar Mixdaar ayaa lagu soo qatimay xarunta sheekha ee degmada Cilmiga iyo ilbaxnimada warsheekh gobolka Shabeelada dhexe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaaradi caalimki weynaa ee cilmiga iyo dariiqada Sheekh Abiikar Mixdaar ayaa lagu soo qatimay xarunta sheekha ee degmada Cilmiga iyo ilbaxnimada warsheekh gobolka Shabeelada dhexe.

Siyaarada Sheekha oo ijaabo gaar ah laheed sanadkaani ayaa waxa kasoo qeybgalay culuma'udiin aad ufara badan, talaamiida, aqoonyahano iyo dhamaan qeybaha kala gedisan ee bulshada kuwaasi oo siweyn usoo camiray qur'aan aqriska siyaarada iyo waliba banaanbaxa siyaarada Sheekha.

Qur'aan aqriska kadib ayaa sida caadada u ah ahlu dariiqo waxa la aqriyay tawasulaad iyo madaa'ix kale oo loo aqriyay inta laga soo bilaabo Suubanaheeni Maxamed (NNKH) iyadoo sidoo kalena halkaa lagu aqriyay qasaa'idka sheekha lagu dajiyay .

Dadweynihi kasoo qeybgalay siyaarada sheekha ayaa ku macaansaday qasaa'idooyinka sida gaarka ah sheekha loogu dajiyay gaar ahaan kuwi ee ku dajiyeen masha'iqda caan baxday ee dhaxshay cilmiga sheekha, sida Sheekha C/raxman Suufi (Qudbul Banaadir) iyo sheekh C/raxman Sheekh Cumar (Sheekh Cabdi Celli).

Siyaarada Sheekha oo sanad walba xiligaan oo kale lagu kala qabto daafaha caalamka ayaa isku imaadka ugu weyn waxa uu ka dhacaa Qabriga Sheekha ee degmada Warsheekh iyadoo Sheekh abiikar taariikhdiisana lagu xasuusto doorki muhiimka ahaa ee uu ka qaatay faafinta dacwada Islaamka ee dhulka Soomaaliya, iyo Culimada jaliilka ah ee uu soo saaray kuwaasi oo maanta iyagana magacooda uu ku xardhan yahay qalbiyada mucaashaqiinta owliyada Alle.

Dhamaan kasoo qeybgalayaashi siyaarada oo qalibyadooda ee camimtay farxad iyo nuur ayaa waxa duco ruxday qalbiyadooda usoo jeediyay saaxibul sijaadaha reer Sheekh C/raxman Sheekh Cumar, Sheekh Qaasim Sheekh C/raxman iyo owlaada Sheekh Abiikar iyago alle uga baryay in kasoo qeybgalayaashi ajir iyo xasanaad oo ka siiyo soo camirida ee soo camireen siyaarada Sheekhooda.

Waa bahda Shabakada Warsheekh oo idin leh siyaaradaan teeda xigto eebe hanagu gaarsiiyo horumar iyo baraare.

W/D: Maxamuud Sheekh Axmed Yare
                   &
Axmed Sheekh Abuukar
E-mail: warsheekh10@hotmail.com
webmaster@warsheekh.com
Warsheekh-Shabeelada Dhexe




Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip