Kulanka su'allo weeydiinta oo ka dhacay xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho waxaa kasoo qeybgalay oo guddiga Difaaca ee Baarlamaanka ay u yeerteen Danjiraha Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya ahna madaxa howlgalka AMISOM Maman Sidikou, taliyaha Ciidammada Midowga Afrika ee AMISOM Jeneraal Jenathan Ronu, ku xigeenkiisa iyo saraakiil kale oo ka socotay taliska Midowga Afrika ee howlgalka AMISOM.
Masuuliyiintan waxay Guddiga Difaaca Baarlamaanka ay weydiisten inay kala qayb qaataan baaritaanada, ay Saraakiisha Amisom ku hayaan askartooda oo loo haysto inay dad rayid ihi dileen.
Guddigu, ayaa waxa uu Madaxda Amisom uu ugu baaqay in la dedejiyo baaritaanada, lagana soo saaro natiijo sax ah. Waxa kaloo Madaxda Amisom ku booriyen haddii askartooda dembiyadaasi lagu helo, in ciqaab adag marsiiyan.
Xuseen Carab Ciise, Gudoomiyaha Guddiga Difaaca Baarlamaanka Somaliya, ayaa sidoo kale waxa uu Maman Sidikou uu ugu baaqay inuu gacan ka gaysto, sidii daryeel caafimaadeed ay u heli lahaayen, dadka ay waxyeeladu u gaysteen Xoogaga Nabad Ilaalinta.
Maman waxa uu tilmaamay in Amisom ay markasta u taagan tahay inay caawiso bulshada Somaliyeed kuwooda nugul, kuwaana ay gacan u fidin doonaan, balse ay Amisom xilligan ku mashquulsan tahay baaritaanada.
Kulankan oo ka qabsoomay Xarunta Guddoonka Sare Ee Baarlamaanka Somaliya (Villa Hargeisa), ayaa waxaa leesku waafaqay in baaritaanada la soo dedejiyo. Kulanku wuxuu ka dambeeyay markii Guddiga Difaaca Baarlamanka uu u yeeray Madaxda Amisom, si wax looga weydiiyo dhibaatooyinka ay gaysteen Xoogagooda.
Gudiga Difaaca Baarlamaanka Oo AMISOM Su'aalo Kaweydiiyay Kabod Faladii Aygeysten(Sawiro)
Kulanka su'allo weeydiinta oo ka dhacay xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho waxaa kasoo qeybgalay oo guddiga Difaaca ee Baarlamaanka ay u yeerteen Danjiraha Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya ahna madaxa howlgalka AMISOM Maman Sidikou,