Shacabka Reer Warsheekh oo si diiran usoo dhaweeyay Ambasadoor Ameeriko (Sawiro).
- Visits: 2410
- (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
- 0 0
-
Share
Qeybaha kala gedisan ee bulshada kunool Degmada Warsheekh oo ee horkacayeen Culuma'udiinka, Aqoonyahanka, Haweynka, Dhaqanka, bar baarta gashaaaman iyo Dhalinyarada ayaa waxey si siman usoo dhaweeyeen wafdi balaaran uu horkacayay safiirki hore ee Soomaaliya ufadhiyay dalka Kenya, Ambasadoor Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) oo soo gaarrrayyy Magaalo xeebeedka Warsheekh ee gobolka Shabeelada Dhexe.
Soo dhaweynta kadib ayaa waxa xarunta degmada Warsheekh wafdiga mudane Ameeriko loogu sameeyay martiqaad taasi oo lagu soo bandhigay qeyraadka dabiiciga ah ee caanka kuyihiin dadka iyo deegaanka Warsheekh, iyadoo sidoo kale bar baarta gaashaaman ee reer Warsheekh ee tiriyeen shirib ee ku cabirayaan qeyraadka deegaankaiyadoo sidoo kale duco iyo bogaadin uhibeeyay wafdiga Safiirka ee soo gaaray xarunta degmada Warsheekh.
Safiirka iyo wafdigi la socday ayaa sidoo kale socod lugta ah kusoo maray dhamaan qeybaha kala gedisan ee degmada gaar ahaan Xeebta dheer ee caanka kutahay degmada Warsheekh isagoo sidoo kalena Safiirka uu raacay mid kamid ah doomaha ka kaluumeesta degmada Warsheekh oo safiirku tilmaamay in Warsheekh ee kamid tahay nimcooyinka Ilaah ku marneestay dadka Soomaaliyeed.
Degmada Warsheekh oo ah degmo kulansatay qeyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya caanka kutahay sida Qeyraadka bada iyo kan beriga ayaa sidoo kale waxa ee tahay deegaan ku haboon dalxiiska iyo tamashleenta.
Dadka reer Warsheekh oo soo maray xiliyo aad u adag ayaa waxey iminka umuuqdaan kuwa kasoo kacay isla markaana utaagan dibu dhiska degmadooda iyadoo bilooyinki udambeeyay ee degmado u aheed mid laga hirgeliyo mashaariic horumarineed oo rajo iyo yadadiilo geliyay dadka iyo deegaanka Warsheekh.
Gabagabadi booqashada Wafdiga Safiir Ameeriko ayaa lagu soo gunaanaday munaasabad iyadoo mas'uuliyiinti madasha ka hadashay ee kamid ahaayeen.
Waxaa qudbadaha ku furay aayadaha qur'aanka Asad Sayid Maxamud Sh Cabdi
Sidoo kale Mas'uuliyiinti madasha ka hadashay ayaa waxa kamid ahaa:
Gudoomiye Ku Xigeenka koowaad ahna madaxa amniga iyo siyaasadda DegmadaWarsheekh Muriidi Xasan Gurey
Gudoomiyaha Degmada Balcad Maxamuud Maxamed (Saney)
Safiirki Hore ee Soomaaliya Dalka Kenya Maxamed Cali Amerika
Xildhibaan Qaasim Cali Nuur (Furdug) oo ah xildhibaan ka soo jeeda degmada Warsheekh.
Gudoomiye Kuxigeenka degmada Warsheekh, Abuukar Sheekh C/raxman Macalin Axmed
Gabagabadina waxa soo gunaanaday gudoomiyaha degmada warsheekh mudane Axmed Xuseen Axmed (Shiidka)
Dhamaan Marti sharafta ayaa wada qiray marti soorki reer Warsheekh iyo sidee maqsuudka uga noqdeen, waxeyna tani tusaale cad utahay in maamulka cusub ee degmada Warsheekh ee uu hogaaminayo Mudane Coll, Axmed Shiidka uu mudada yar uu talada haayay uu ku guuleestay isku xirka iyo wada shaqeynta dadka reer warsheekh iyo maamulkiisa.sss
.
Safiir Ameeriko ayaa socdaalkiisa uu kusoo gaaray degmada Warsheekh waxa uu qeyb ka ahaa socdaalka nabada oo cagta ku marinaayay dhamaan deegaanada dhulka Soomaalida isagoo booqashadiisana ku wehliyeen mas'uuliyiin katirsan dowlada sida gudoomiyayaal degmo iyo xildhibaano.
Xafiiska Shabakada Warsheekh ee gobolka Shabeelada Dhexe
E-mail: warsheekh10@hotmail.com
Shacabka Reer Warsheekh oo si diiran usoo dhaweeyay Ambasadoor Ameeriko (Sawiro).
Qeybaha kala gedisan ee bulshada kunool Degmada Warsheekh oo ee horkacayeen Culuma'udiinka, Aqoonyahanka, Haweynka, Dhaqanka, bar baarta gashaaaman iyo Dhalinyarada ayaa waxey si siman usoo dhaweeyeen wafdi balaaran uu horkacayay safiirki hore e