Culuma'udiinka Ahlusunah oo Muqdisho kaga dhawaaqay Golaha guud ee Culuma'udiinka Soomaaliyeed (Sawiro)

0
Saturday September 12, 2015 - 01:30:07 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 2893
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Culuma'udiinka Ahlusunah oo Muqdisho kaga dhawaaqay Golaha guud ee Culuma'udiinka Soomaaliyeed (Sawiro)

    Kulan balaaran oo siweyn loo soo abaabulay eena kasoo qeybgaleen dhamaan culuma'udiinka Soomaaliyeed iyo wasiiro kasocday xukuumada Soomaaliya, ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulan balaaran oo siweyn loo soo abaabulay eena kasoo qeybgaleen dhamaan culuma'udiinka Soomaaliyeed iyo wasiiro kasocday xukuumada Soomaaliya, ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Kulankaani oo gunaanad u ahaa kulamo dhowr ah oo si gooni gooni ah ugu socday qeybaha kala gedisan ee culumada Soomaaliyeed ayaa ugu dambeenti waxa maanta magaalada Muqdisho looga dhawaaqay gole ka kooban sadex qeybood.

Culuma'udiinka Jikooyinka waa weyn ee kasoo qeybgalay madasha ayaa dhamaan waxee isla qaateen in lala shaqeeyo hogaanka cusub oo mudo lix bil ah jiri doono ka dibna soo diyaari doono doorasho guud oo lagu soo doora doono hogaanka iminka la doortay iyadoo dowlada Soomaaliyana ee balan qaaday taageerida golaha.

Hogaanka cusub ee la doortay waxa ay kala yihiin Sheekh Shariif Ibraahim oo loo doortay Gudoomiyaha Golaha Guud ee Culimada Soomaaliyeed, Siid Aba Cali oo isna loo doortay Gudoomiyaha Guddiga Shuurada iyo Shiikh Xasan Bayaan oo loo doortay Gudoomiyaha Golaha Fulinta.

Culimadi madasha ka hadashay oo aan halkaan lagu soo koobi karin ayaan waxaan ka xusi karnaa.

1. Sheekh Cabduqaadir Soomoow
2. Sheekh Daa'uud Sheekh Muxamed
3. Macalim Cali
4. Sheekh Axmed Sheekh Aadan Dheere (Sh: Ax'ed Shuqul)
5. Sheekh Xasan Sheekh Xaamud Sheekh Axmed Siyaar
6. Sheekh Muuse Cagaweyne iyo culimo kale.

Sheekh Soomow ayaa ka war celiyay, howlaha laga doonayo inuu wax ka qabto goalhaani mudada sadexda bil ee ugu soo horeyso.

"Golahaan sababaha loo dhisay iyo baahida baahida keentay waa Kow, in uu u istaago mideynta dhamaan Culimada Soomaaliyeed. labo inuu u istaago ka qayb qaadashada dib u heshiisiinta dalka”ayuu yiri Sheekh Soomow.

Wasiirka wasaarada dhalinyarada xukuumadda Soomaaliya mudane Maxamed Cabdulaahi Xasan {Nuux} oo hadal ka jeediyay munaasabada ayaa waxaa sheegay in muhiimad weyn ay bulshada u ledahay in culimada ay hugaan mideysan yeeshaan waxaana uu ka codsaday Culimada in dhalinyarada ay gacanta ku qabtaan oo wacyi galin u sameeyaan.

"In aan hal codsi idiin soo jeediyo oo ah in ay culimadu gacanta ku qabtaan dhalinyarada waad ogtihiin in ay ku jiraan mashaqooyin badan iyo aragtiyo kaleeto ka duwan teena asalka ah”ayuu yiri wasiir Nuux” ayuu yiri wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaraha.

Ugu dambeyntii ayaa waxaa munaasabada soo gunaanaday wasiirka awqaafta iyo arimaha Diinta mudane Cabdul qaadir Sheekh Cali Ibraahim Baqdaadi waxaana uu culimada ku bogaadiyay in ay door muuqda ka qaataan sidii bulshada horumarka loogu hagi lahaa.

"Waxaan baarikayaa Majliskaan la aas aasay waa majlis guud oo culimada Soomaaliyeed ay ku kulantay dariiqadii iyo mas’uuliyiitii kala duwanaa ee u tagnaa howshaan aad baan u baarikayaa waad mahadsan tihiin waxaana idinku guubaabinayaa in aad la hadashaan cid alaale cidii Soomaali ah culimaa udiin ah ee dood qaba”ayuu yiri wasiir Baqdaadi.

Sawir Qaade: Maxamud Sh: Axmed Yare
Warsheekh-Muqdisho


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip