Siyaaradi Caalimiinta oo lagu soo gaba gabeeyay degmada Warsheekh (Sawiro).

0
Friday October 30, 2015 - 21:20:44 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 3663
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaaradi Caalimiinta oo lagu soo gaba gabeeyay degmada Warsheekh (Sawiro).

    Waxa degmada Warsheekh ee gobolka Shabeelada dhexe lagu soo gunaanaday siyaaradi caalimiinta Soomaaliyeed ee Sheekh C-raxman Sheekh Cumar iyo Sheekh Muxumed Sheekh Cabdiraxman.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa degmada Warsheekh ee gobolka Shabeelada dhexe lagu soo gunaanaday siyaaradi caalimiinta Soomaaliyeed ee Sheekh C-raxman Sheekh Cumar iyo Sheekh Muxumed Sheekh Cabdiraxman.
Siyaarada mashaa’iqda oo ee si siman uga wada qeybgaleen qeybaha kala gedisan sida, mudarasiinta, mucalimiinta dugsi qur’aanada, xirta, siyaasiyiinta, ganacsatada, dhaqanka, haweynka, iyo dhalinyarada.

Xuska masha’iqda oo sanad waliba xiligaan oo kale ixtifaalo waa weyn loogu sameeyo gudaha dalka iyo dibadaba ayaa sanadkaani ka dhignaa, Shan sano kadib mid si weyn ee isugu arkeen dhamaan jameecaadka ku abtirsaday mashaa’iqda la siyaaranaayay oo isugu soo aruuray xarun diimeedka Warsheekh oo fariisin u ah Mashaa’iqda.

Siyaarada mashaa’iqda oo socotay mudo bil ah ayaa waxa lagu soo gunaanaday xilqooyin dikri ah oo si weyn usoo camireen daakiriinta ahlu Dariiqa sida, Seyliciyada, Uweysiyada, Axmediyada iyo Rufaaciyah.

Qaar kamid ah mudarasiinti kasoo qeybgashay siyaarada oo muxaadarooyin qiimo leh kajeediyay gunaanadka siyaarada ayaa waxey si weyn ugu nuux nuuxsadeen doorka culimada ee kasoo qaateen faafinta dacwada Islaamka taasi oo markaati ee ka tahay in maanta ee siyaaradooda soo xaadiraan qeybaha kala gedisan ee bulshada iyagoo weyneenaya mashaa’iqdooda cisiga iyo sharafta badan.

Sheekh Qaasim Sheekh C-raxman oo ah qudubka reer Sheekh Cabdi Celli ayaa gabagabadii siyaarada waxa uu uga mahad celiyay dhamaan kasooqeybgalayaasha siyaarada isagoo alle uga baryay inuu danbi dhaaf iyo ajir kusiiyo soo xaadiriskii xuska mashaa’iqda oo ah mid meel weyn kaga yaalo dhamaan umada islaamka gaar ahaan dadka Soomaaliyeed.

Dhamaad.
Warsheekh-Shabeelada Dhexe

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip