Afhayeenka Guud Ururka Al Shabaab, Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere), ayaa wuxuu sheegay inaysan marnaba aqbali doonin in kala qaybsanaan laga dhex abuuro Ururka dhexdiisa.
Afhayeenku wuxuu sheegay in kuwa doonaaya in lala dagaalamo waxa uu ugu yeeray cadowga ay soo dhaweynayaan, balse inay kala qaybsanaan ka dhex abuuraan Shabaabka dhexdiisa, aanay ka yeeli doonin.
Khudbad dheer oo uu jeediyay, lagana baahiyay Radio Andalus, ayaa wuxuu ku sheegay inay gacmaha qaban doonaan, kuwa iyaga qaybta ka ah ee go’aansaday in ay tafaraaruq sameeyaan.
Cali Maxamuud Raage waxa uu si adag uu kaga digay in la kala jebiyo Ururka Al Shabaab, iyadoo loo hogaansamaayo ballanqaadyo uu sheegay inay sameeyeen cadowga.
Cali Dheere, ayaa Reer Galbeedka ku eedeeyay kala qaybsanaantii ay dalka ka wadeen sida uu sheegay, ay iminka ku soo biiriyeen sidii ay u kala dhaantaali lahaayen Shabaabka hubeysan, ee Somaliya ka dagaalamaya.
Hadalka ka soo yeeray Cali Dheere, ayaa xoojinaaya heerka uu gaarsiisan yahay khilaafka soo kala dhexgalay Madaxda Al Shabaab, oo ku kala qaybsamay inay ku biiraan Ururka Daacish iyo inay ka sii mid ahaadaan Al Qaacidda.
Walaac xoogan oo soo wajahay madaxda sare ee Alshabaab
Afhayeenka Guud Ururka Al Shabaab, Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere), ayaa wuxuu sheegay inaysan marnaba aqbali doonin in kala qaybsanaan laga dhex abuuro Ururka dhexdiisa.