WAREEGTO: C/raxmaan Odowaa oo la wareegay howshii Xuseen Hurdaaye, Guddoomiye cusubna u magacaabay Deg. Shangaani

0
Saturday December 26, 2015 - 20:07:11 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 1840
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAREEGTO: C/raxmaan Odowaa oo la wareegay howshii Xuseen Hurdaaye, Guddoomiye cusubna u magacaabay Deg. Shangaani

    Wareegto ka soo baxday Wasaaradda arrimaha gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Guddoomiye cusub loogu magacaabay degmada Shangaani, iyadoo wareegtada lagu socodsiiyay Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, Xoghayaha guud ee go

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wareegto ka soo baxday Wasaaradda arrimaha gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Guddoomiye cusub loogu magacaabay degmada Shangaani, iyadoo wareegtada lagu socodsiiyay Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, Xoghayaha guud ee gobolka iyo Guddoomiye K/Xigeenka.


C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha oo ku saxiixnaa wareegtada soona baxday 24-kii bishaan ayaa lagu sheegay in xilka looga qaaday Axmed Xasan Yalaxow oo ahaa Guddoomiyihii hore.

odawaa

Wasiirka arrimaha gudaha DFS – C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa)

Guddoomiyaha cusub oo lagu magacaabay wareegtada ka soo baxday xafiiska C/raxmaan Odowaa, kaasi oo lagu magacaabo Saciid C/qaadir Saciid, wareegtada oo lambarkeedu ahaa: WAG&F//XW/0288/15.

Wasaaradda arrimaha Gudaha Dowladda cimrigeedu gabaabsiga yahay ee Federaalka Soomaaliya ayaa bilowday howlo aan looga baran, isla markaana faragelin toos ah ku sameyneysa Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale (Hurdaaye).

Dhowaan ayay ahayd markii uu xilka ka qaaday Guddoomiyihii degmada Kaxda, iyadoo aan weli loo magacaabin Guddoomiye kale, iyadoo arrintaasi si weyn uga xumaadeen qaar ka mid ah bulshada ku dhaqan degmadaasi oo sheegay in tallaabadaasi aanay ahayn mid shaciga waafaqsan.

waregto-shangaani

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip