Kooxo hubeysan ayaa weeraray kolonyo uu la socday Injineer u dhashay dalka Turkiga, kuwaasi oo marayay wadada wadnaha ee degnada Hodon oo ka tirsan gobolka Banaadir, iyagoona kooxaha hubeysan ay ku fureen rasaas fara badan.

Injineerka Turkiga u dhahay ayaa la sheegayaa in la toogtay xilli uu ka soo baxay masjid ku yaala dhabarka dambe ee jaamacadda Soomaaliya, iyadoo sidoo kale halkaasi ay ku geeriyootay gabar 5-sano jir ah oo lagu magacaabo Xaawo Xasan Isaaq, halkaasi oo jameecadii masjidka ay isaga carareen goobtaasi.
Wararku waxay intaasi ku darayaan in Injineerka lagu magacaabo Kamaal, kaasi oo u shaqeynayay shirkad Turkiga laga leeyahay, iyadoo dhaawaciisa lagu dabiibayo Isbitaalka Turkigu maamulo oo ku yaala magaalada Muqdisho.
Ma aha markii ugu horeysay oo shaqaalaha Turkiga lagu weeraro magaalada Muqdisho, iyadoo horay muddo dhowr jeer la weeraray madax iyo shaqaale ka tirsan Turkishka ka howlgala dalka.
Howlwadeenno Turkish ah oo Muqdisho lagu dilay